Arsenal oo hogaanka u qabatay horyaalka EPL

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Arsenal

Kooxda Arsenal waxaa u bilowday isbuuc wanaagsan kaddib markii ay noqotay kooxda ugu sareysay ee ugu dhibcaha badan horyaalka EPL.

Kooxda Arsenal waxa ay sidoo kale u gudubtay isbuucan wareegga 16 ka koox ee Champions League, waxaana guulahaasi oo dhan u soo hooyay ciyaaryahan Olivier Giroud.

Ciyaartii shalay Aston villa ay la dheeleen, ciyaaryahan Giroud ayaa goolka koobaad dhaliyay waxaana u labeeyay Aaron Ramsey, oo gool weerar celis ah dhaliyay.

Jack Grealish ayaa isku deyay inuu soo celiyo rajada kooxdiisa Aston Villa, laakiin goolal badan ayuu beerdareeyay.