Leicester hoggaanka ayay sii adkaysatay

Leicester City Team Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption qaar ka mid ah kooxda Leicester

Jawaabcelin laga bixiyay Manchester United oo gurigeeda ay uga badisay Norwich, Chelsea oo garaacday Sunderland iyadoo ay daawanayeen maamulaha cusub Guus Hiddink iyo Leicester oo mar kale guulaysatay.

Manchester United waxaa ku orriyay taageerayaasheeda kaddib markii ay Norwich si naxdin leh uga guulaysatay garoonka Old Trafford.

Sabtidan waxaa dhacay toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Waxaana ay kooxuhu u kala guulaysteen sidan:

Chelsea 3 - 1 Sunderland

Everton 2 - 3 Leicester

Southampton 0 - 2 Tottenham

Manchester United 1 - 2 Norwich

Stoke 1 - 2 Crystal Palace

West Brom 1 - 2 Bournemouth

Newcastle iyo Aston Villa oo ciyaartoodu socotay waqtiga daabacaadda maqaalkan, waxay wada lahaayeen 1 - 1 gool.