Man United: koobka waan qaadi karnaa

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Louis van Gaal

Tababaraha kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa sheegay in ay wali kooxdiisu qaadi karto koobka horyaalka Ingiriiska.

Kooxda lagu naanayso Red Devils ayaa Axadii hal iyo eber kaga badisay kooxda Liverbool waxayna dib ugu laabteen kaalinta shanaad, waxayna todobo dhibcood ka hooseeyaan Arsenal oo kaalinta koobaad ku jirta iyo Leicester City.

Louis wuxuu sheegay in ay ciyaaro badan u dhiman yihiin balse loona baahan yahay in ay sidan sii ahaadaan inkasta oo aysan sahlanayn.

United ayaa u soo yaraysay farqiga u dhaxeeya iyaga Arsenal iyo Leicester kaddib markii ay labadaasi kooxoodba barbaro galeen.

Inkasta oo ay guulaysteen Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta iyo Tottenham oo kaalinta afraad ku jirta.

64 jirka reer Holland wuxuu sheegay in ay ay maalin muhiim ah u ahayd maadaama ay maadaama oo ay dhibco lumiyeen kooxo ay is hayaan.

Wuxuu intaas ku daray in todobo dhibcood uun laga horeeyo ayna keensan karaan.

Van Gaal wuxuu la kulmay eedaymo uga yimid qaar ka mid ah taageerayaasha United iyaga oo dhaliiyay hanaanka ay u ciyaaraan.