Andy Murry oo u soo baxay Australia open

Lahaanshaha sawirka y

Andy Murray, laacibka Teeniska Britain, oo u soo baxay final tartanka Australia Open, ayaa sheegay in guuldarooyinkii hore aanay waxba noqon doonin marka uu la kulmo Novak Djokovic markii afaar oo Axadda ay isugu imaanayaan tartankan.

Murray, ayaa mar kale fursad u helay cayaarta kama dambaysta ah kadib markii uu ka soo badiyay cayaaryahanka Canada Milos Raonic 4-6, 7-5, 6-7 (4/7) 6-4, 6-2.

Guushan ayaa keenaysa in Murray uu u soo baxay markii shanaad cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka oo ka dhaca magaalada Melbourne.

Djokovic, cayaryahanka koowaad ee Teyniska adduunka, ayaa Murray kaga adkaaday 10 ka mid ah 11 cayaarood oo horay u dhexmaray.

Waxaa cad in Teeynisyahanka koowaad ee Britain laga cayaari og yahay oo laga sareeyo balse horay ayuu Djokovic meel xun ka gaarsiiyay, waxaana niyaddu ugu dhismi kartaa in ay jiraa kuwo isaga la mid ah ama ka liita ay ka adkaadeen Djokovic.