Arsenal: badintii Leicester tijaabo ayay noo ahayd

Image caption goosha ayaa dhalatay wakhti aan laga soo kaban karin

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa rumaysan in kooxdiisu ay ku baastay arrin maskixiyan muhiim u ahayd kaddib markii ay ka badiyeen kooxda koobka horyaalka Ingiriiska hogaanka u haysa ee Leicester oo iyadu gool la hor martay.

Ciyaartaasi waxay ka dhacday garoonka Arsenal ee Emirates.

Kooxda Leicester oo lagu naanayso Foxes ayaa la hormartay goosha waxaana rigoore lagu murmay u dhaliyay Jamie Vardy, waxaase bareejeeyay Theo Walcott, goosha guushana waxaa saxiixay Danny Welbeck oo ciyaarta badal ku soo galay qaybtii dambe.

Winger oo sharaxaad ka sii bixiyay ciyaarta ayaa sheegay in kooxdiisu ay wajahday tijaabo dhanka maskaxda ah kaddib markii ay goosha la hormartay kooxdii ka soo hor jeeday oo uu ku tilmaamay mid difaac wanaagsan leh.

Hadda Arsenal waxay labo dhibcood ka hoosaysaa kooxda Leicester

Halyay Welbeck

Soo laabashada cajiibka ah ee Welbeck waxay timid kaddib markii uu labo maalmood la tababartay kooxdiisa arrintaas oo tababare Wenger ku dhiirigalisay in uu go'aansado in uu ka mid dhigo ciyaartoyda badalka ku soo gala.

Tababarihiisa ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid muhiim ah sababtuna ay tahay in Danny Welbeck uu yahay ciyaaryahan wayn, qof kastana uu ku faraxsanaa soo noqoshadiisa maadaama oo uu ciyaarahankani ka maqnaa kooxda 10 bilood kaddib markii lawga laga qalay.