Arsenal waa in aan xakamayno Luis Suarez

Image caption Luis Suarez sagaalkii ciyaarood ee u dambeeyay saddex ciyaarood oo ka mid ah wuxuu mid kaste dhaliyay saddex gool.
Marka hore xog kooban oo ciyaarta la xiriirka.

Wareegga 16 ka kooxood ee Champions League

Garoonka: Emirates Stadium

Tariikha ay ciyaartu dhacayso: 23 February

Wakhtiga ay ciyaartu bilaabanayso: 19:45 GMT ama 10:45 saacadda Bariga Afrika

Warbixinta Ciyaarta oo faahfaahsan

Kooxda Arsenal waa in ay xakamayso Luis Suarez haddii ay doonayso in ay ka badiso kooxda Barcelona oo koobka horyaalka Yurub ee Champions League haysata, sidaasi waxaa sheegay Arsene Wenger oo ah tababaraha kooxda Arsenal.

Asenal waxay marti galin doontaa Barca waana is araga koobaad ee wareegga 16-ka oo dhacaya Talaadada.

Kooxda Barca ee uu hogaamiyo Luis Enrique lagama badinin 32 ciyaarood oo koobabka dalkooda ah, Suares ayaa 12 gool u dhaliyay kooxdiisa todobadii ciyaarood ee u dambeeyay oo uu u dheelay si wanaagsan.

Wenger wuxuu sheegay in Suarez uu yahay nooca kooxda niyadda u dhisa, wuxuuna isku dayay in uu soo iibsado bishii July ee sanadkii 2013 markaas oo uu joogay kooxda Liverpool.

Lionel Messi oo 28 jir ah, iyo Neymar ayay sidoo kale u badantahay in ay saftaan ciyaarta ka dhacaysa garoonka Emirates.

Messi ayaa dhaliyay todobo gool lix diisii ciyaarood ee u dambeeyay ee koobabka Spain. Neymar wuxuu dhaliyay 24.

Barca waxay sideed dhibcood ku hogaaminaysaa koobka La Liga.

Suarez oo 29 jir ah ayaase u goolal badan koobka La Liga wuxuuna leeyahay 25 gool.

Wenger oo hadalkiisa sii wata ayaana sheegay in ay u baahanyihiin in la hor istaago ninkaas oo uusan waxba dhalinin.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in ay qiimeeyaan xaaladda oo ay xeelad fiican la yimaadaan.