Racfaankii madaxda FIFA oo la diiday

Lahaanshaha sawirka AFP

Maxkamadda caalamiga ah ee sport-ga ayaa diidday codsi ahaa in dib loo dhigo doorashada guddoomiyaha cusub ee uu yeelan doono ururka maamula Kkubbadda cagta adduunka,FIFA. Shirka doorashaduna wuxuu dhacaya sidii qorshuhu ahaa Jimcahan.

Mid ka mid ah ragga doonaya inay beddelaan Sepp Blatter, Prince Ali bin al Hussein oo u dhashay dalka Urdun ayaa weydiistay in doorashada dib loo dhigo sababtoo ah inuusan ku faraxsanayn qaabka codbixinta doorashada loo qorsheeyay.

Isla wararka FIFA, guddiga racfaanka ayaa wuxuu dhimay oo halkii 8 sano ay ka ahayd uu hadda lix sano ka dhigay waqtigii xayiraadaha sportiga lagu soo rogay guddoomiyihii hore Blatter iyo Balatini.