Tottenham waxa ay dooneysaa inay Arsenal ka badiso

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kulamadii hore wuu ka duwan yahay midkka Sabtida

Inkastoo Arsenal iyo Tottenham horey ay ugu kulmeen ciyaaro badan oo rubuc dhamaad ah, laakiin midda sabtida beri waxay u muuqataa inay tahay tan ugu weyn ee abid ka dhacdo garoonka ku yaalla ee Derby.

Arsenal ayaa halkaasi u safraysa oo marti u ah Tottenham, dad aad u badan ayaana ka qeybgalaya daawashada ciyaartaasi.

Waxaa dhici karto in ay jiraan waxyaabo badan ama dhacdooyiin qofkastaa uu khibrad u leeyahay oo dhex martay labada koox.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaartii ugu dambeysay ee labada koox ayaa aad u adkeyd

Laakiin xilligan oo mid kastaa ay u tartameyso inay koobka horyaalka ay qaadato ayaa ah midda muhiidka ah ee cirifka saaran, lamana oga dhinaca ay u dhicidoonto.

Xaaladda ma ahaan doonto mid caadi ah marka firimbiga ugu horeeya la yeeriyo, goobtana waxay noqon doontaa meel loolankeedu uu aad u sareeyo oo cidiyaha la isula soo baxo.

Jermaine Jenas oo qadka dhexe uga ciyaari jiray Tottenham waxa uu sheegay in aad u jeclaa in Arsenal uu la ciyaaro, “Mana aysan jirin meel ka wanaagsan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Goolal aad u qurux badan ayey horey isaga kala dhaliyeen labadan koox ee loolanka uu ka dhexeeyo

Loolanka ka dhexeeya taageerayaasha aad ayuu u sareeyaa, waxaana loogu yeeri karaa “naceyb”, waana arrin qof kastoo u daawasho taga uu dareemayo.

Arsenal dhowaanahan waxay la kulantay guuldarooyiin, laakiin markan waxa dooneysaa inay badiso, halka Tottenham na ay jeceshay inay sii adkeysato kaalinta ay ku jirto.