Manchester City waxaa hakisay Norwich

Norwich v Manchester City Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Norwich oo gool birta ku dhufatay

Sabtidan waxaa dhacay saddex ciyaarood oo keliya iyadoo kooxaha horyaalka qaarkood ay ka qayb gelayeen tartanka koobka FA ee dalkan Ingiriiska.

Kulammadii galabta dhacay waxaa loo kala badiyay sidatan:

Norwich 0 - 0 Manchester City.

Waxay ahayd ciyaar inta badan xagga weerarka ay ku gacan sarreysay kooxda Manchester City, hase yeeshee waxaa ka hor yimid difaac adag ee kooxda Norwich oo ka mid ah saddexda kooxood ee tartanka ugu hooseeya, saas awgeedna iska ilaalinaysay inay guuldarro kale dhabarka u ridato.

Natiijada ciyaartani waxay dib u dhac ku tahay Manchester City oo doonaysay inay kaalinta 3aad ka saarto Arsenal oo ay ku wada jiraan kooxaha rajada ka leh inay horyaalka sanadkan qaadaan.

Kulammada kale ee horyaalka waxaa ka mid ahaa:

Bournemouth 3 - 2 Swansea.

Kooxda Swansea waxay hoos ugu dhacday kaalinta 16aad waxayna halis ugu jirtaa inay ku biirto kooxaha sanadkan dhacaya.

Stoke 1 - 2 Southampton.

Southampton guusha galabta waxay ku soo gaartay kaalinta 7aad, kamana baqayso wax hoos u dhac ah waayo waxayba hadda leedahay 44 dhibcood.