Hindiya iyo Pakistan oo maanta wada dheelaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hindiya iyo Pakistan oo dheelaya kulan adag oo ka tirsan koobka adduunka ee cricket-ka

Kumannaan ciidammada ammaanka ah ayaa waxaa loo daadgureeyay magaalada Kolkata ee waddanka Hindiya, halkaasi oo ay galabta ku wada dheelayaan xulalka Hindiya iyo Pakistan ee ciyaaraha Cricket-ka.

Ciyaarta ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid tahay ciyaaraha aadka loo sugayo ee tartanka koobka adduunka cricket-ka ee 20-20 ee sanadkan.

Garoonka oo qaada in ka badan lixdan kun oo qof ayaa waxaa gebi ahaanba la gashay dhammaad tigidhadii lagu geli lahaa iyadoo dad bandanna ay weli si weyn u goobgoobayaan tigidh ay ciyaartaasi toos ugu daawadaan.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in howlaha caadiga ah ee labadaasi dal uu hakad ku iman doono xilli tobanaan milyan oo taageerayaal ah ay taleefishinada ka daawan doonaan ciyaarta adag ee dhexmaraysa labadan kooxood ee uu xifiiltanka ka dhaxeeyo.

Todobaadyadii ka horreeyay ciyaarta, Pakistan ayaa sababo dhanka ammaanka awgeed ah uga hari gaartay tartanka, taasina waxa ay horseedday in goor dambe la badelo garoonka ay ciyaarta ka dhacayso.