Van Gaal oon wali ka rajo dhigin kaalimaha hore

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Van Gaal: wali rajaan leenahay

Tababaraha kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa sheegay in ay adkaan lahayd rajada ay ka qabaan afarta kaalmood ee hore ee koobka horyaalka Ingiriiska haddii ay Man City ka badin lahayd, laakiin uu hadda rumaysanyahay in ay leeyihiin rajo wayn oo ay sanadka soo socda uga qayb gali karaan koobka Champions League-ga.

Goosha kali ah ee uu dhaliyay Marcus Rashford ayaa horseeday in ay Man City ka badiyaan.

Kooxda uu tababaro Van Gaal waxay hadda ku jirtaa kaalinta lixaad, laakiin kooxdan ay isku magaalada ka dhisanyihiin ee City oo kaalinta afraad ku jirta ayaa hal dhibic oo kali ah ka koraysa.

Van Gaal oo badintooda ka sii hadlaya ayaa sheegay in ay xaaladdu ku adkaan lahayd haddii ay barbaro gali lahaayeen amaba laga badin lahaa.

Wuxuu intaas ku daray in hadda ay gacantooda ku jirto halka ay mustaqbalka ku dambayn doonaan, laakiin waxa uu xusay in ciyaaro badan ay garoonkooda ku ciyaaridoonaan loona baahanyahay in ay badiyaan ciyaarahaasi u dhiman.

Waa markii u horaysay ee United ay ku badiso garoonka Etihad tan iyo bishii December ee sanadkii 2012.

Ciyaartani waxay ku soo aaday saddex maalmood uun kaddib markii laga saaray koobka Europa League iyadoo guuldaro kala kulantay kooxda Liverpool.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tababaraha Man City, Manuel Pellegrini wuxuu ka tagayaa kooxda wixii xili ciyaareedkan ka dambeeya.

Haddana labo maalmood kali ah ayay haystaan in ay isu diyaariyaan ciyaar horyaalka Ingiriiska ka tirsan oo ay Liverpool la yeelandoonaan.

Tababaraha kooxda Man city, Manuel Pellegrini ayaa dhankiisa sheegay in aysan u qalmin guuldaradii ay kala kulmeen kooxda ay dariska yihiin.