Shiinaha oo horumarinaya kubada cagta

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Xulka qaranka ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa soo bandhigay istaraatijiyad cusub oo ay ku noqonayso dal kaalin wayn ka gala ciyaaraha kubada cagta ee adduunka sanadka markuu yahay 2050, iyadoo qorshaynayso inay 50 milyan oo caruur iyo dad waawayn ay ciyaaraan kubadda cagta sanadka 2020-ka.

Waxa kale ee la beegsanayo waxaa ka mid ah in la sameeyo ugu yaraan 20,000 oo xarumo tababar ah, iyo 70,000 oo garoomo lagu ciyaaro kubada sanadka 2020.

Iyadoo Shiinaha uu ku horeeyo Olympiga, waxa kaliya oo uu ku soo baxay hal ciyaar ee adduunka 2002-dii.

Madaxweyne Xi Jingping ayaa jecel kubada cagta, wuxuuna horay u sheegay inuu doonayo Shiinaha inuu ku guulaysto koobka adduunka shan iyo toban sano gudahood.