Leicester oo uu "carfayo" horyaalka

Image caption Leicester City ayaa u baahan in ay badiso 3 ka mid ah 5 kulan ee u haray si ay horyaalka u qaado.

Leicester City ayaa kusii dhawaatay inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska ee sanadkan, ka dib markii ay 2-0 shalay kaga adkaatay kooxda Sunderland. Labada goolba waxaa u dhaliyay weeraryahanka kooxdaasi, Jamie Vardy.

Tababaraha Leicester, Claudio Ranieri, ayaa sheegay in taageerayaasha kooxda ay riyo wanaagsan ku jiraan, balse ciyaartooyda looga baahan yahay in ay dadaalka sii wadaan.

Leicester ayaa hadda u baahan in ay badiso 3 ka mid ah 5 kulan ee u haray si ay u qaado horyaalka.

Kooxda kusoo xigta ee Tottenham ayaa 3-0 ku seexisay Manchester United, taasoo hadda dadaal badan ugu jirta sidii ay uga mid noqon lahayd afarta koox ee ugu horeysay horyaalka.

Dhanka kale Divock Origi oo bedal kusoo galay ayaa laba gool u dhaliyay Liverpool oo kooxda Stoke City uga adkaatay 4-1, ciyaartaasi oo ka dhacday garoonka Anfield.