Xeerka kaarka casaanka oo wax laga badalay

Image caption Marar badan waxaa dhacday in kaar casaan lagu murmay ciyaaryahan garoonka looga saaray

Ciyaaryahannada geysta qalad ay ku hor istaagayaan gooldhalin, garoonka lagama saari doono, lamana siindoono karaka casaanka, sida ku xusan xeerka cusub ee ciyaaraha kubadda cagta.

Laakiin xeerkii hore ee ahaa, seddax qalad oo isku xigta, weli waxa uu ahaan doonaa mid ciyaartoyda ay ku qaataan kaarka casaanka ah, iyo xannibaan dhowr maalin ah.

Sidoo kale qaladka noocaas ah hadduu ka dhoco meel u dhow diilinta 18ka, waxaa lagu muteysan doonaan rigooro ama gool kulaat in laga qaatay kooxda uu ka tirsan yahay ciyaaryahanka qaladka geystay.

Sidkataba, hadda haddii ciyaaryahan difaac ah uu qalad ka galo weeraryahan isku deya inuu gool dhaliyo waxa uu muteysanayaan digniin halkii karaka casaanka laga siin lahaa.

Laakiin weli qaladaadka ula kaca ah waxaa lagu muteysanayaan rooso.

Sidoo kale waxaa ciyaarta laga saari doonaa kuwa la yimaada, madax adayg, isriiriix, hakinta kubadda si ula kac ah, kuwa dabeecad xumada la gala garoonka iyo ciyaaryahankii si ula kac ah gacanta ugu celiya kubadda si uu gool dhallan lahaa u difaaco.

Isbedelkan waxaa sameeyay guddiga caalamiga ee shrciyada ee xiriirka kubadda cagta (IFAB), kaas oo ka kooban afarta xiriir ee ugu sareeya ciyaaraha Britain iyo FIFA.

Howsha guddigan ayaa ah go’aaminta isbedellada lagu sameynaayo shuruucda ciyaaraha kubadda cagta.

Xeerkan cusub waxaa dib u eegis lagu sameyndoonaan 18 bil kaddib, waxaana dhaqan galkiisa hogaaminaya garsoorihii hore ee Premier League-ga David Elleray.