Koobka Yurub: 150 ruush ah ayaa "dhibka ka dambeeyay"

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taageerayasha qaarkood ayaa rabshado sameeyay

150 qof oo Ruush ah ayaa sababay inta badan rabshadihii ka dhacay magaalada Marseille markii Ruushku ay la dheelayeen England ciyaar ka tirsan koobka qaramada qaaradda Yurub, sidaas waxaa sheegay dacwad ooge Faransiis ah.

Toban ruux oo ay ka mid yihiin lix British ah, saddex Faransiis ah iyo mid u dhashay Austria ayaa la maxkamadayn doonaa sida uu sheegay dacwad oogaha Marseille, Brice Robin

Wuxuu sheegay in la xiray labo Ruush ah oo loo haysto in ay wax ka gaysteen gudaha garoonka.

Ugu yaraan soddon iyo shan ruux ayaa ku dhaawacantay kuwaas oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu aad u daran tahay kaddib markii ay isku dhacyo socdeen saddex maalmood.

Dhawr dhacdo booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa adeegsaday si uu u kala eryo taageerayaasha, isku dhacyo ayaa sidoo kale jiray sabtidii kaddib markii ay England iyo Ruushku barbaro hal iyo hal ah galeen.

Taageerayaasha Ruushka ayaa u muuqday kuwo ku dagdagaya xaga taageerayaasha England.