UEFA oo tallaabo ka qaadeysa saddex dal

Lahaanshaha sawirka AFP Getty
Image caption Tartanka Euro 2016 ayaa waxaa hareeyay rabshado ay samaynayaan taageerayaasha qaar.

Xiriirka kubadda cagta ee Yurub, UEFA, ayaa bilaabay hannaan uu tallaabo uga qaadayo xulalka Hungary, Belgium iyo Portugal, ka dib markii ay rabshado sameeyeen taageerayaashooda kulamadii ay yeesheen Sabtidii shalay.

Gudiga edbinta ee UEFA ayaa horay baaritaan ugu waday dalal kale oo ay ka mid yihiin Turkey, Croatia, Romania iyo Albania.

Xiriirka ayaa sidoo kale digniin siiyay xulalka England iyo Ruushka, kuwaaso tartanka laga saari doono haddii ay taageerayaashooda rabshado kale ka ridaan garoomada.

Tartanka Euro 2016 ayaa socda xilli laga cabsi qabo weerarro argagixiso in ay ka dhacaan dalka martigelinya ee France.