Sunderland: Sam Allardyce FA-ga hala xaajoodo

Lahaanshaha sawirka z
Image caption Sam Allardyce

Kooxda Sunderland ayaa u ogolaatay hay’dda maamusha kubadda ingiriiska ee FA in ay wadahadal la yeeshaan Sam Allardyce.

Wadahadalkaasi wuxuu ku saabsan yahay qabashada kaallinta tababarenimada England oo banana.

Laakiin kooxdan ka dheesha horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga loo yaqaanno ayaa sheegtay in ay doonayaan in Sam uu sii joogo kooxda, waxayna ku adkaysanayaan in wax wayn uga dhigan yahay qorsheyaashooda muhiimka ah.

Sunderland waxay sheegtay in arrintani ay si wayn u dhaawacayso FA-gana waxay ugu baaqeen in ay xaaladda u soo afjaraan sida ugu dhakhso badan.

England waxay raadinaysaa tababare cusub kaddib markii Roy Hodgson uu shaqada ka tagay sideed iyo labaatankii bishii lixaad.

Wuxuu is casilay kaddib markii xulka Iceland uu ka reebay koobkii Qaramada Qaaradda Yurub oo wareegii 16-ka ay gaareen.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa warbaahinta ka soo muuqday sawirada Allardyce, oo 61 jir ah oo jooga guriga gudoomiye ku xigeenka FA-ga, David Gill