Man City oo wadahadallo la furtay John Stones

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption John Stones oo u dheela kooxda Everton

Manchester City ayaa waxa ay wadahadallo la furtay kooxda Everton si ay uga wada hadlaan suuragalnimada in daafaca kooxdaasi John Stones uu u soo wareego kooxdaasi.

Ilaa haatan lama gaarin wax heshiis ah hasayeeshee waxaa loo malaynayaa in labadan kooxood ee ka dheela Horyaalka Ingiriiska aanay qiimeyntoodu sidaa ugu kala fogeyn.

Everton ayaa la qiyaasayaa inay ciyaaryahankan ku doonayso £50m.

Stones oo qeyb ka ahaa ciyaartoydii England loo magacaabay koobkii Qaramada Yurub ee Euro 2016 ayaa xagaagii hore qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda Chelsea.

22-jirkan, ayaa ciyaartiisii ugu horreysay 2012 u saftay kooxda Barnsley, 10 bilood ka hor inta uusan £3m ugu biirin kooxda Everton.

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa Stones ku sheegay inuu yahay nooca daafac ee uu doonayo.

Guardiola ayaa ciyaartoy khadka dhexe ka dheeli jirtay ee Javier Mascherano iyo Javi Martinez waxa uu ka dhigay daafac xilliyadii uu tababaraha ka ahaa kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich.

Isagoo haatan sheegay inuu calaamadeeyay ciyaartoyda dhexda ka dheesha kooxdaasi Manchester City ee ka dheeli karta daafaca.

Mowduucyada la xiriira