BBC World Service Home PageBBC Somali Home Page
Americas Europe & FSU
Africa & Middle East South Asia South East Asia
Africa & Mid East
Americas
Europe & FSU
South Asia
Asia-Pacific

World Service

World News


Kitty Busby & Sulieman Barkhadle

Barnaamijkan Barashada Ingiriiska waxaa u soo diyaariya BBC-da Kitty Busby oo ah Soo Saaraha iyo Suleiman Barkhadle oo ah Xiriiriyaha Barnaamijka
Ingiriiska Ganacsiga
Haween Horumar Gaaray
Erayada ku jira Wararka (heer dhexe/heer sare)
Dhulka iyo Deegaanka
Ardayda Aqoontoodu Sarayso iyo Macallimiinta
Afka-Ingiriiska
Barnaamijyada Raadiyaha
Isku-xirka/xiriirsiinta meelaha kale

Open for Business

Ingiriiska Ganacsiga:

Baro Ingiriiska Ganacsiga oo ka baro sida aad u furan kartid hawl ganacsi adigoo ka baranaya rugta Open for Business Web Site.Top

Haween Horumar Gaaray::

Waa sheekada 6 haween ah oo Afrikaan ah. Dhegeyso iyagoo fasiraya xirfadahooda iyo tabaha ay adeegsadeen ee ay ku gaareen guusha ay hanteen.Top

Erayada ku jira Wararka (heer dhexe/heer sare):

Haddii aad dooneyso in aad si fiican ula socoto wararka caalamka iyo arrimaha markaa taagan yaaney ku dhaafin casharada lagu fasiro erayada wararka ku jira. Toddobaad kasta waxaad baran kartaa erayo cusub oo laga soo dhex saarey warbixin uu soo diray mid ka mid ah weriyeyaasha BBC-da u soo warama. Top

Down to EarthDhulka iyo Deegaanka:

Cutubkan waxa uu kaa caawinayaa in aad barato Ingiriiska la xiriira deegaanka. Guud ahaan 12 cashar ayuu ka kooban yahay cutubku.Top

Learning EnglishArdayda Aqoontoodu Sarreyso iyo Macallimiinta Ingiriiska:

Haddii aad Ingiriiska si fiican ugu hadasho ama aad tahay macallin Ingiriiska maxaad u booqan weydey bogga BBC-da ee
Learning and Teaching?
Top

Barnaamijyada Raadiyaha:

Barnaamijyada Afafka oo loogu tallogalay dhageysteyaasha Soamlida ah ee doonaya inay Ingiriiskooda kororsadaan:

Ingiriiskaaga waxaad ka kororsan kartaa World Service-ka saacadahu markay yihiin 1400 ilaa 1415, todobaad walba Isniinta ilaa Jimcaha.


ISNIINTA: Look Ahead
(Tan iyo dhammaadka Oktoober)

Taxanahan oo ka kooban qubane xiiso leh oo isugu jira miyuusik, sheekeysi iyo maaweelo kale waxa uu ka bilaabmayaa heerka dugsiga hoose waxana uu gaarsiinayaa ardeyga ilaa heer dugsi dhexe. Bilaw ilaa heer Dugsi Dhexe.

TALAADADA: Now You're Talking
(Tan iyo dhammaadka Sebtember)

Waxa uu ka kooban yahay habka weydiinta wararka, cabashada iyo raalligelinta. Taxanahani waxa aad ku baraneysaa sidii aad Ingiriiska ugu cabiri lahayd arrimahaas. Haddii Ingiriiskaagu uu yar yahay ha welwelin mowduuc kastaaba waxa uu ku bilaabmayaa habka ugu fudud ee aad u oran karto maadada aad ka hadleyso waxana loo gudbi doonaa siyaalaha kale ee ugu fiican uguna sarreeya ee aad u oran karto isla hadalkaasi. Heer asaasi ah ilaa heer Dugsi Dhexe.

ARBACADA:
As a Rule
(waxay dhammaanayaan bilawga Luuliyo)
& English Express
(Tan iyo dhammaadka Oktoober)

English Express:
Waxa looga dan leeyahay in uu ka caawiyo ardeyda baraneysa Ingiriiska in ay ku dhegeystaan isla markaana ku isticmaalaan Ingiriiskga xaalado run ah. Toddobaad kasta arday ka mid ah ardayda Ingiriiska barata ayaa loo dirayaa hawl caadi ah oo suuqa lagu sii deynayaa, waxa uu weydiinaya dadka ka soo hor baxa in loo tilmaamo meesha uu doonayo in uu tago, suuqa in uu wax ka soo iibsado, in uu makhaayad cunto ka dalbado, telefoonka in uu ku hadlo, IWM.Ka dib marka wakhti yar lagu soo tijaabiyo Stuudiyaha English Express, ayaa ardeygaasi suuqa lagu sii deynayaa si loo ogaado heerkiisa barshada Ingiriiskooda. Heer Dhexe oo Asaasi ah ilaa Heer Dhexe.

KHAMIISTA: The English Quiz
(Tan iyo dhammaadka Juunyo) Waxana xigi doona
& Quiz Bus
(Tan iyo dhammaadka Agoosto)

The English Quiz:
Ku biir kooxo ka tirsan ardey ajaanib ah oo caalamka oo dhan ka kala yimid oo ku jira Dugsiyada Brashada Ingiriiska oo u tartamaya in ay ku guuleystaan jaa'isadda BBC World Service English Quiz. Barnaamij kastaa waxa uu ka kooban yahay saddex wareeg ama qeybood: Waxa ka mid ah su'aalo la iska weydiinayo fasiraadda erayada, higaadda erayada, weedhaha halku-dhegga noqda, naxwaha, tuducyo heeso ah iyo mawaadiic kale oo xiiso leh oo la xiriira barashada Ingiriiska. Heer Dugsi Dhexe.

Quiz Bus
:
Fuul Baska Su'aalaha (Quiz Bus) oo ku wareegaya Caasimadaha Adduunka. Toddobaad kasta laba kooxood oo arday Ingiriiska barta oo kooxina saaran tahay qeybta hoose, kooxda kalena dusha baska ayaa ka jawaabaya su'aalo uu weydiinayo daba-ka-fuulka ama lacag-ururiyaha basku. Si basku uu xawliga uu ku socdo loo kordhiyana waxa jira wareeg su'aalo degdeg looga jawaabayo. Heer Dugsi Dhexe.

JIMCAHA:
Now You're Talking
(Tan iyo dhammaadka Sebtember).

Waxa looga dan leeyahay in uu ka caawiyo ardeyda baraneysa Ingiriiska in ay ku dhegeystaan isla markaana ku isticmaalaan Ingiriiska xaalado run ah. Toddobaad kasta ardey ka mid ah ardeyda Ingiriiska barata ayaa loo dirayaa hawl caadi ah oo suuqa lagu sii deynayaa-waxa uu weydiinaya dadka ka soo hor baxa in loo tilmaamo meesha uu doonayo in uu tago, suuqa in uu wax ka soo iibsado, in uu makhaayad cunto ka dalbado, telefoonka in uu ku hadlo, IWM.Ka dib marka wakhti yar lagu soo tijaabiyo Stuudiyaha English Express, ayaa ardeygaasi suuqa lagu sii deynayaa si loo ogaado heerkiisa barshada Ingiriiska. Heer Dhexe oo Asaasi ah ilaa Heer Dhexe.


Frequencies: 13, 19 & 25 oo u dhigma KHz 21490, 15420, 11860.

Isku-xirka/xiriirsiinta meelaha kale:

Barashada Bilowga Ingiriska Iyo Eray-Bixintiisa

Quiznet - 10 English language quizzes

English schools approved by the British Council

The BBC is not responsible for the content of external internet sites

Top

Barnaamijyada | Mawjadaha | Waxbarashada |

Baro Ingiriiska | Taarikhda |
Nagala Soo Xiriir | Laanta Soomaliga



  Laanta Af Soomaliga
  Programmes
  Tuning
  Education
  Learn English
  History
  Contact Us


Top of Page

© BBC
BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.
Tel: +44 (0)171 240 3456