Telefishinka Brazil ee Afrika

Madaxweynaha Brazil Luis Inacio Lula Da Silva oo furaya TV Brazil
Image caption Waa telefishinkii ugu horeeyay ee ku hadla afka boortiqiiska ee Afrika loogu tala galay

Brazil ayaa furtay Television laga daawanayo in ka badan 40 wadan oo Afrikaan ah.

Televisionka oo la yiraahdo TV Brazil International ayaa saldhigiisu yahay magaalo madaxda Mozambiqe ee Maputo.

Furitaanka telefeshinka TV Brazil ayaa ku tusaya sida ay u kordhayso danaha Brazil ay ka leedahay Afrika, iyo sidoo kale kaalinta ay ka ciyaarayso aduunka.

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa sheegay in Telefishinkan uu aduunka u muujin doono Brazil, wuxuuna dadka siin doonaa dood siyaasadeed oo dhex dhexaad ah.

Dadka loogu tala galay inay fiirsadaan ee ugu muhiimsan waxay ahaan doonaan shanta wadan ee Afrikaanka ah ee ku hadla Portaqiiska.

Shirkadaha macdanta ee Brazil ayaa aad u maalgashtay qayraadka dabiiciga ee Afrika, cuntada ay Brazil dhoofisana waxay suuq badan ka heleen Afrika.

Madaxweyne Lula, ayaa booqasho joogta ah ku sameeya Afrika, isagoo horumarinaya xiriirka diplomaasi iyo dhaqaale ee Brazil ay Afrika la leedahay.

Waxaa aad u soo badanaya waddamada Afrika ee ku dayanaya habka hor u marineed ee ay isticmaashay Brazil.

Dhaqanka Brazil sidoo kale aad ayaa looga jecel yahay Afrika, sida ciyaaraha kubada cagta ,musiga iyo filimada taxanaha ah ee laga soo daayo telefishinka.

Sidoo kale dad badan oo reer Brazil ah waxay ka imaadeen Afrika, taasoo isku sii dhawaynaysa xiriirka Brazil iyo Afrika.