Cyprus oo lagu badbaadinayo $13 bilyan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Maarso, 2013, 20:11 GMT 23:11 SGA
Dad badan ayaa bangiyada lacag kala soo baxaya

Dad badan ayaa saf u galay in bangiga ay lacagtooda kala soo baxaan.

Dadka reer Cyprus, ayaa aad uga carooday kadib markii Midowga Yurub uu ku heshiiyay barnaamish 13 bilyan oo dollar oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha lagu xiray sharuud in dadka bangiyada lacagta u taala ay wax ka bixiyaan qarashka 13 bilyan ee lagu badbaadinayo waddanka.

Dad badan ayaa lacagtoodii maanta bangiga kala baxay. Maanta bangiga kaliya ee furnaa ayaa isla markiiba la xiray si loo joojiyo dadka faraha badan ee lacagta kala baxaya bangiga.

Madaxda Midowga Yurub, ayaa aaminsan in lacagta bangiyada Cyprus taal badankooda ay leeyihiin dad Ruushka u dhashay oo lacag aan sharci ahayn bangiga dhigtay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.