Maalgashiga Shiinaha ee S Koonfureed

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saldhiga shidaalka ee gobolka Unity ee Koonfurta Sudan.

Qiimaha ay Shiinaha u leedahay aad ayay u wayn tahay, iyadoo ah waddanka ugu wayn ee maalgaliayay Suudaanta Koonfureed, iyadoo dagaalka u dhaxeeya dowladsda iyo mucaaradka uu sii socdo.

Saldhigyada shidaalka ee ugu wayn ee Shiinaha uu maamulo ayaa waxay ku yaalaan meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Riek Machar, ilaa iyo markii laga cayriyay madaxweyne ku xigeennimada.

Wax soo saarka shidaalka ayaa hoos u dhacay 20% tan iyo markii uu bilowday dagaalka bil ka hor, in ka badan 300 oo shaqaale Shiinaha u dhashay ayaa laga bixiyay waddanka.

Qibradii ay kaqaateen Libya ayaa waliku jirta maskaxda Shiinaha, mashruucyo badan ayaa hadda cidlo ah, sababtoo ah dagaalo ka dhashay kacdoonkii carabta ee 2011-ka, qasaaro badan ayaa ka soo gaaray Shiinaha.

Shaki malaha in Shiinha ay culays wayn saarayso wadahadalka nabada ee ka socad Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ayaa joogay magaalo madaxda Itoobiya toddobaadkii hore isagoo cadeeyay in Shiinaha uu rabo labada dhinac inay joojiyaan dagaalka ayna raadiyaan xal suurto gal ah.

Sida ay wararka qaar sheegayaan, wuxuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo labada dhina shaqsi ahaan.

Lama hubo inay u suurto gashay inuu dhexdhexaadiy, laakiin fariintiisa ayaa muhiim ah, sida uu ku soo waramayo wariyaha BBC Emmanuel Igunza.

Maalgalinta Shiinaha

Shiinaha ayaa ku maalgaliyay $20 bilyan Sudan intaysan laba waddan noqon 2011- kii sida ay sheegeen warfaafinta Shiinaha.

Sideed bilyan oo kale ayaa loo balanqaaday Madaxweyne Kiir markuu Shiinaha tegay sanad kadib markay Koonfur Afrika ay waddan noqotay.

Maalgalinta culus ayaa u eg inay miro dhashay, iyadoo 10 bilood ee ugu horeeyay 2013, Shiinaha ayaa ka soo dhoofisay Koonfurta Sudan 1.9 milyan oo tan oo shidaal ama 14 milyan oo barmiil, taasoo ah laba jibaar shidaalka ay ka soo dhoofiso Nigeria laba jibaar.

Laba sanno ka hor, Shiinaha ayaa waxaa ka soo gaaray qasaaro badan mashruucyadii ay maalgaliyeen Libya oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha, isgaarsiinta iyuo shidaalka.

Dhismoyaal badan ayaa joogsaday, iyadoo la xaday ama bur buray waqtigiiuu socday dagaalkii lagu riday Qaddafi.

Qasaaraha Shiinaha ka soo gaaray Libya ayaa lagu qiyaasayaa inay dhan tahay $20 bilyan.

Wadahadalo lagu waydiisanayo dowladda cusub ee Libya inay gudo qasaaraha Shiinaha.