Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xoriyada ganacsiga haweenka

Taxanaha xoriyada ee barnaamijyada BBC sii dayneyso, waxaanu wareysi la yeelanay gabadh reer Djibouti oo ganacsato ah, iyadoo aanu eegeyno bal sida hantida ay heshay ay xorriyadeeda u samayso .

Haboon-deeqa Jaamac Xasan waxay dukaamo waaweyn oo caan ah oo lagu iibiyo dharka haweenka iyo waxyaabaha ay isku qurxiyaan ay ku leedahay magaalada Dubai, Djibouti iyo hadda oo ay ka fureyso magaalada Hargeysa dukaan kale.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa Haboon-deeqa Jaamac Xasan kula kulmay todobaadkan Hargeysa oo wareystay , wuxuuna ugu horeyn weydiiyay ganacsigeeda.