Shiinaha iyo Kenya oo saxiixay heshiis

Image caption Ra'iisalwasaaraha Shiinaha Li Keqiang iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra'iisalwasaaraha Shiinaha Li Keqiang iyo hogaamiyayaasha Bariga Afrika, ayaa saxiixay heshiis lagu dhisayo jid tareen oo isku xiri doono Nairobi, Mombasa, Rwanda iyo K/Sudan.

Ra'iisalwasaaraha Shiinaha ayaa booqasho ku maraya Africa. Jidka cusub ee tareenka ayaa badali doona jid uu Britishka dhisay waqti hore. Jidka oo ay ku bixi doonto balaayiin dollar ayaa waxaa dhisi doona shirkado shiino. Waxaa jira dhaleeceen loo soo jeediyay dowladda, inaysan jirin shirkado kale oo tartanka la galiyay.