Dhoofinta tamarta qoraxda ee Afrika

Lahaanshaha sawirka
Image caption Tamarta laga dhaliyo qoraxda.

Maalgaliyayaasha ayaa doonaya inay ka helaan lacag dowladda Britain qorshe looga soo dhoofinayo tamarta qoraxda waqooyiga Afrika.

Qorshaha ayaa 2.5 milyan guryo oo ku yaala Britain ay isticmaali karaan koronto laga dhaliyay qoraxda Tunisia sanadka markuu yahay 2018-ka.

Shirkadda maalgalinaysa ayaa sheegatay inay galisay 10 milyan oo euro dhisida saldiga.

Qaar kamid ah shirkadaha ajnabiga ee soo saara tamarta ayaa ku tartamaya inay u soo dhoofiyaan tamar nadiif ah Britain sanadka 2017.

Shirkada Tunur ayaa doonaysa inay ka soo dhoofiso laba gigawattas oo tamarta oo keento Britain, hadii ay ku guulaysato qandaraaska dowladda ay bixinayso

Sharci cusub oo ay dowladda hadda soo saartay, dowladda ayaa waxay ogolaanaysaa shirkadaha ajnabiga ee soo saara tamarta nadiifka ah inay ku tartamaan qandaraaska dowladda.

Shirkada Tunur ayaa soo aruurisay saddex sano xog ku saabsan qoraxda meesha tamarta laga soo saarayo.

Sharci ayaa sidoo kale uu ansixiyay baarlamaanka Tunisia si loo soo dhoofiyo tamarta, heshiis ayaa la saxiixay si shirkad Talyaani ah ay ku xirto kaybalo badda hoosteeda ilaa saldhig ku yaala meel u dhow magaalada Rome.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tamarta ayaa laga soo dhoofin doonaa Tunisia iyadoo ay soo marayso Italy ilaa Britain.

"Tani ma aha fikrad, ayuu u sheegay BBC madaxa Tunur.

"Waxaan la shaqaynaynaa shirkadaha injineerada ee ugu waawayn adduunka. Tani waa mashruuc wayn, hadana waxay leedahay qatarteeda sida qatarta ay u leeyihiin mashruucyada waawayn ee tamarta.

" Laakiin ma jiro wax ka cusub inay tamarta laga soo dhoofinayo waqooyiga Afrika ee la keenayo Yurub."

Shirkada ayaa waxay ku doodaysaa in dhuunta gaaska ka keenta Aljeeria ee soo marta Tunisia inay shaqaynaysay dhib la'aan markii ay dhaceen rabshadihii kacdoonkii carabta.

Qorshahooda ayaa waxaa ka mid ah inay isticamaalaan teknolajiyada tamarta qoraxda (CSP). Teknolajiyada ayaa suurtogalinaysa in la kaydiyo tamarta kadibna la qaybin karo markii loo baahan yahay, marka kalena la kaydin karo.

Shirkadda ayaa sheegaysa helida korontada ay tahay mid la hubo, 20% ka raqiisan tamarta dalka Britain gudahiisa laga helo sida mida dabaysha laga dhaliyo.

Si loo dhimo qarashka korontada, shirkadaha aan Britishka ahayn waxay u baahan yihiin inay ka raqiisnaadaan shirkadaha Britishka si ay qandaraas u helaan.