Heshiis ay saxiixeen Shiinaha iyo Australia

Lahaanshaha sawirka GETTY IMAGES
Image caption Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlaya baarlamaanka Australia.

Shiinaha iyo Australia ayaa saxiixay heshiis ganacsi oo xor ah ee labada waddan kadib wadahadal socday toban sano, waxay isku furaysaa suuq balaayiin dollar qiimahiisu yahay.

Munaasabadii lagu saxiixay ee baarlamaanka Australia, ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping iyo Ra'iisalwasaaraha Australia,Tony Abbott.

Heshiiska ayaa u suurto galin doona beeralayda Australia iyo ganacsatada kale canshuur la'aan ay u dhoofiyaan suuqa Shiinaha sanado gudahood, iyagoo ka faa'iidaysan doona markay la tartamayaan ganacsatada Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Heshiiska ayaa sidoo kale yarayn doona xayiraada maalgalinta Shiinaha ee Australia.

Madaxweynaha Shiinaha, ayaa hadal uu ka jeediyay baarlamaanka Australia ee Canberra, uu ku sheegay qorshe Shiinaha uu ku laba jibaarayo wax soo saarka Shiinaha sanadka 2020-ka. Wuxuu sheegay in Shiinaha uu xooga saarayso sidii ay si nabad ah u xalin lahayd dhulka muranka uu kala dhaxeeyo dowladaha kale.