Shiinah :Fasax qaado kahor guurka

Qorshaha shirkadda waxa qeyb ka ah, dumarka la guursaday ee qeybta dhaqaalaha ka shaqeeya ugu yaraan halsano, hal cunug haystaan.

Shirkadda oo fadhigeedu yahay gobolka Henan, ayaa dhowaantan waxa ay shaqaaleysiisteen gabdho badan oo yaryar.

Waxa ayna ka baqayaan in gabdhahaasi ay fasaxa umusha ay sidegdeg ah u qaataan waana taasi sababta ay u doonayaan inay qorshe u yeelaan xilliga ay gabdhahan uurka qaadi karaan.

Haddii ay sidaasi diidaan gabdhaha, waxaa laga ceyrinayaa ama lama dalacsiinaayo.

Laakiin qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa arrintan ka carooday, "qofna ma ogaan karo xilliga uurka la noqonaayo". Mid ka mid ah ayaa sidaasi tiri.

Inkastoo hal shirkad oo keli ah ay arrintan ku dhawaaqday. Hadana maamulka shuuciga ee dalka Shiinaha, kol hore ayuuba bilaabay inuu maamulo waxyaabaha qaaska u ah shacabkeeda, waxayna weli dadka ku qasbaan inay ilma dhalidda yareeyaan.