Lacagta Koonfur Afrika oo hoos u dhacday

Lahaanshaha sawirka
Image caption Lacagta rand ee Koonfur Afrika ayaa hoos u dhacday 2% markii suuqa la furay saakay.

Lacagta Koonfur Afrika ayaa aad hoos ugu dhacday iyadoo walaac laga qabo dhaqaalaha Shiinaha.

Waddamada dhaqaalahoodu ku xiran yahay macdanta sida Koonfur Afrika, ayay aad u saamaysay hoos u dhaca dhaqaalaha Shiinaha, iyadoo ah waddan aad u iibsada macdanta.

Dhibaatada ayaa sii badatay markii Shiinaha si lama filaan ah horaantii bishan ay hoos ugu dhigtay qiimaha lacagteeda.

Lacagta rand ee Koonfur Afrika ayaa gaar ahaan saamayn ay ku yeelanaysaa, sababtoo ah waa lacagta ugu badan ee lagu ganacsado suuqyada waddamada soo koraya, Dhaqaalyahanka Koonfur Afrika ee Martin Davies ayaa BBC u sheegay.

Wuxuu sheegay in Bangiga Dhexe ee Koonfur Afrika inuu la kulmi doono dhib inuu lacagta ka difaaco hoos u dhac, badalkeeda waxay dowladda u baahan tahay inay wax ka qabato dhiibaatooyinka dhaqaale sida koronto la'aanta.