Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiis lagu baarayo shidaalka Soomaaliya

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dawladda Soomaaliya, ayaa maanta heshiis ku salaysan sahanka shidaalka ee badda Soomaaliya kula gashay shirkad la yiraahdo Spectrum magaalada Muqdisho.

Munaasabad weyn oo lagu saxiixayay heshiiskaasi ayaa waxa ka qaybgalay Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka. federaalka.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qaybgalay xafladda saxiixa heshiiskaasi ayaa waraystay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamad Mukhtaar Ibraahim, wuxuuna marka hore weydiiyay waxa uu yahay heshiiska ay la galeen shirkadda Spectrum.