Lacagta Britain oo qiimaheedu sare u kacay

Image caption Lacagta Pound-ka ama giniga qiimahiisa ayaa kor u kacay

Qiimaha lacagta Britain ee Pound-ka ayaa sare u kacday, kaddib markii ay soo baxday in ol'olaha lagu doonaya in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub uu hadda xoogeystay.

Sidoo kale waxaa sare u kacay qiimaha suuqda saamiyada ee Yurub, waxaana labaduba ay sare u kaceen ku dhawaad boqolkiiba labo.

Waa sare u kicii ugu badnaa abid tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2009.

Weriyaha BBC uga warrama arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in suuqyada ay ka cabsi qabaan xasilooni darro, waa haddii Britian ay ka baxdo Midowga Yurub.

Lacagta pound-ka Britain ayaa aad hoos ugu dhacday todobaadkii hore, kaddib markii ay u muuqatay in codadka aftida la qaaday ay hogaaminayeen qolyaha qaba ka bixitaanka.