Nigeria: Jid tareen ee Abuja iyo Kaduna oo la furay

Image caption Madaxweyne Buhari ayaa bilaabay mashruucyo lagu dayactirayo jidadka tareenada

Madaxweynaha Nigeria Muxammadu Buhari ayaa si rasmi ah u furay jid trareen oo isku xiraya magaalo madaxda Abuja iyo magaalada Kaduna ee waqooyiga.

Jidka oo dhererkiisu yahay Boqol iyo sideetan iyo lix kilometer, ayaa waxaa dhisay shirkad Shiinaha uu leeyahay iyadoo ka mid ah mashruuc lagu horumarinayo jidadka tareenada.

Tareenada ayaa qaadi doona rakaab iyo xamuul isagoo ku socon doona xawaare gaaraya boqol iyo konton saacadii.

Safarka ayaa qaadan doona laba saacadood. Dad badan oo ka shaqeeya Abuja ayaa ka soo safra Kaduna nolosha magaalo madaxda oo qaali ah awgeed.

Mowduucyada la xiriira