Ka qabygal tartanka hal-abuurka caalamiga ah ee BBC

Global Creative Challenge

BBC Caalamka la hadasha waxay ka qayb qaadanaysaa tartanka hal-abuurka xiriirada dhallinyarada (Young Creative Network (YCN) Si aad ula bilowdo halkan ka gal "Tartanka hal-abuukra ee caalamiga".

Ujeedada fikraddan cusub waxay tahay in la helo dad dhallinyaro ah oo hal abuur sameyn kara caalamka oo dhan, iyo in laga helo bal sida ay magaca BBC-da kor ugu soo qaadi karaan waxyaabaha khuseeya.

Waxaan ku casuumeynaa cid walba oo deggan meel ka baxsan UK, oo u dhaxeeya 18-34 jir, oo la iman kara fikrado ama qaabab cusub oo xayeysiin oo lagu dhiirigeliyo dhegeystayaasha dhallinta yar in lagu soo xiro BBC.

Qofka ku guuleysta ee fikrad fiican la yimaada wuxuu helayaa abaalmarin dhan 3,000 oo Gini, laba qof ee ku kala xigana min 1,000 Gini.

GUJI HALKAN SI AAD U GASHO

Xusuusin:

Dadka deggan UK kama qaybgali karaan. Dhammaan waxa wax lagu qoray waa inay noqdaan Af-Ingiriisi, haddii qoraalku yahay afka dalkaagu yahayna waa in ay la socotaa tarjumaad Af-Ingiriisi ah.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha iyo xeerarka, halkan ka fiirso

Tartanku waxa uu furmayaa: 17 Oktoobar 2013

Taariikhda uu xirmayo: 2 December 2013