Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Toddobo shaqo oo ay halis ku hayso teknooloojiyadda

    Xirfadaha qaar ayaa baaqi sii ahaan doonaa mustaqbalka
    Image caption: Xirfadaha qaar ayaa baaqi sii ahaan doonaa mustaqbalka

    Haddii ay shaqadaadu aysan tayo laheyn ama markasta aadan curineynin fikrado cusub, marka waa in aad ka fikirtid sidii aad uga gudbi laheyd dhibaatadaasi.

    "Shaqo kasta oo si habsami leh oo la qabto isla markaasna la saadaalin karo waxaa lagu qabtaa muddo shan iyo toban maalmood ah adigoo adeegsanaya Koombiitar ama Teknooloojiga" waxaa sidaas yiri John Pugliano oo ah nin arrimaha dhaqaalaha ku takhasusay ahna qoraa.

    John Pugliano wuxuu qoray buugaag badan oo ay kamid yihiin 'Buug la yiraahdo Robotka wuu soo socdaa' iyo buug kale oo ka hadlaya sida aadanaha uga faa'ideysto teknooloojiyadda.

    Isagoo la hadlayay BBC qeybta Mundo ee ku hadasha afka Spaanishka, Pugliano wuxuu shaqada uu kala qaaday shaqooyinka saameynta ku yeeshay teknooloojiyadda ilaa toddobo.

    Halkan ka akhriso faahfaahinta

  2. Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay

    Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland
    Image caption: Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland

    Waxaa lasoo gabagabeeyay tirinta codadka doorashada xidldhibaanada Puntland ay ku dooranayeen guddoomiyaha baarlamaanka.

    Labada nin ee isugu soo hartay wareega labaad ayaa kala helay codadka, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) 43 cod iyo Cabdijamaal Cismaan 23 cod .

    Waxaa lagu dhawaaqay in Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland.

  3. Wareega labaad ee doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland oo loo gudbay

    .

    Waxaa lasoo gabagabeeyay wareega koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

    Musharraxiinta waxay kala heleen sidatan. Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) wuxuu helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan 15 cod,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 9 iyo Cabdiraxmaan Cali Jibriil wuxuu helay 5 cod.

    Waxaa hadda wareega labaad ugu gudbay labada musharrax ee kala ah Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Cabdijamaal Cismaan.

    Doorashada wareega labaad ayaa hadda lagu guda galay.

  4. Doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland

    Waxaa hadda socotaa doorashada xildhibaanada Puntland ay kusoo dooranayaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa.

    Waxaana hadda bilaabmay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada.

    Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in shaaca laga qaado cidda ku guuleystay doorashada.

  5. Doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland

    Kalfadhiga baarlamaanka Puntland
    Image caption: Kalfadhiga baarlamaanka Puntland

    Kalfadhiga hadda socda ay baarlamaanka Puntland ku dooranayaan guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u tartamaya ilaa afar xildhibaan oo kala ah.

    Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo).

    Xildhibaannada Puntland waxay tiradoodu gaareysa 66 waxaana laga soo kala xulay deegaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka Puntland.

    Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in 8-da bishan Janaayo ay soo doortaan madaxweynaha uu maamulkaasi yeelan doono.

  6. Xildhibaanada Puntland oo dooranaya guddoomiyaha baarlamaanka

    Xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya guddomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka.

    Waxaa hadda xarunta baarlamaanka isugu yimid dhammaan xildhibaanada, waxaana hadda khudbado jeedinaya musharraxiinta u taagan jagooyinka guddoomiyaha iyo ku-xigeen baarlamaanka.

    Waxaa la filaya in gordhaw in xildhibaanada Puntland ay bilaabaan codeynta.

    Xildhibaanada Puntland oo goobta xaadiray
    Image caption: Xildhibaanada Puntland oo goobta xaadiray
    Musharraxiinta oo hadallo ka jeedinayo baarlamaanka
    Image caption: Musharraxiinta oo hadalo ka jeedinayo baarlamaanka
  7. Ilhan Cumar: Dhiirogelinta awoowgey ayaa heerkan i gaarsiisay

    Ilhan Cumar oo ah haweeneydii ugu horreysay oo Soomaali ah oo loo doortay xildhibaan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa xilka si rasmi ah loogu dhaariyay.

    Waxay boggeeda Twitter-ka kusoo qortay in awoowgeed uu ku dhiira geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaarto.

    Waxay sheegtay in maanta uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.

    “Waxaan jeclan lahaa inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiiga ah, anigoo niyada ku hayo waxaan gacanta saaraya Kitaabkiisa Qur’aanka si aan ugu xuso munaasabadda laiigu dhaarinayo” ayay tiri.

    View more on twitter
  8. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 04-ta bisha January sannadka 2018-ka.

  9. Qaramada Midoobey oo maanta ka doodeysa arrimaha Soomaaliya

    Nicolas Haysom
    Image caption: Nicolas Haysom

    Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

    Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya.

    Si kastaba, illo wareedyo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin waddo diblumaasiyadeed markii ay eryasay Haysom.

    Ku-xigeenka afahayeenka Qaramada Midoobey, Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay baaritanno ku sameyneyso waxaa dhaliyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom.

    "Waxaan la soconnaa xaaladda, waxaan isku dayeynaa in aan sharraxaad ka bixinno caddeymaha,waxaan arki doonaa tallaabada xigta" ayuu yiri Farxaan Xaq.

    Wuxuu walaac ka muujiyay habka loo maray in wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey laga ceeyriyo dalka Soomaaliya.

    Qaramada Midoobey ayaa saacadaha nagu soo aadan lagu wadaa inay bayaan kasoo saarto dhacdada kaddib marka ay soo gabgabeeyaan baaritannada la xiriiro in Haysom aanan loo ogolaan inuu kasii shaqeeyo Soomaaliya.

  10. Aaabaha Illhan Cumar: Waxaan dib ugu laabtay garoonkii aan kasoo degay anigoo ah qaxooti

    Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay xildhibaanada aqalka Kongareeska dalka Mareykanka ayaa barta Instagram-ka ay ku leedahay soo gelisay sawir iyada oo la socota aabaheeda gudaha magaalada Washington DC.

    Waxay soo qortay hadallo uu yiri aabaheed oo ah “23 sanno kaddib, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaarnay garoonka diyaaradaha ee Washington annago qaxooti ku ah dalkan,oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya…23 sanno kaddib waliggey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhan , maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska”.

    Waxaa la filaya maanta in Ilhan Cumar loo dhaariyo xilka xildhibaanadda aqalka koongareeska.

    View more on instagram
  11. Nigeria: Waxaan dilnay boqolaal ka tirsan ururka Booko Xaraam

    Ciidamada Nigeria ee dagaalka kula jiro Booko Xaraam
    Image caption: Ciidamada Nigeria ee dagaalka kula jiro Booko Xaraam

    Dowladda Nigeria waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 280 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Booko Xaraam xilli weerar dhulka iyo cirka ah ay ku qaadeen ciidammada deeganno ku yaalla xadka.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga Nigeria oo laga akhriyay telefishinka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka lagu laayay weerar duqeyn ah.

    Waxay ciidammada sheegeen inay soo qabteen hub badan oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer xilli ay weerar ka gaysteen jasiirado ku yaalla harada Chad gaar ahaan agagaarka webiga Komadougou Yobe.

    Ciidamada Nigeria ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro khasaare dhaliyay kala kulmay ururka Booko Xaraam oo muddo 10 sanno ah dagaal ku jiro dowladda.

  12. Itoobiya oo ku raad joogta madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi

    Ra'iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono dadkii xaadgudubyada gaystay
    Image caption: Ra'iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono dadkii xaadgudubyada gaystay

    Mas’’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa warqad lagu xirayo u jartay madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa.

    Waxaa jiraa warar soo baxaya oo ah in lala xiriirinayo xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah.

    Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Itoobiya ka hor inta uusan xilka qaban ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    Abiy ayaa horraan ballan qaaday in saraakiishii ku tumatay xuquuqda aadanaha lala xisaabtamayo.

    Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyey guddi xalliya khilaafka qawmiyadaha

    Kalfadhigii baarlamaanka Taladaadii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhanu Tsegay ayaa ku eedeeyay maamulka Tigreega inay qarinayaan Getachew oo uu sheegay inuu halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

    Ninkan ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tigeerga.

    Qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta Tigreega ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in iyagu ay bartilmaameedsaneyso.

    Soo laabashada ONLF: ma raagi doonaa damaashaadka Soomaalida Itoobiya?

  13. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalactaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 3-da bisha January sannadka 2018-ka.

  14. Tiro dad ah oo lagu laayay dalka Mali

    Qowmiyadda Fulani waa dad xoolo dhaqatada ah
    Image caption: Qowmiyadda Fulani waa dad xoolo dhaqatada ah

    Mas’uuliyiinta dalka Mali waxay sheegeen in dabley hubeysan ay dileen in ka badan 30 qof oo ka tirsan qowmiyadda Fulani gudaha bartamaha gobolka Mopti.

    Bayaan kasoo baxay dowladda Mali ayaa lagu sheegay in dableyda ay ku labisnaayeen dhar lagu garanayo ugaarsato ka howlgasha halkaasi.

    Dableyda ayaa subaxnimadii Talaadadii weer ku qaaday tuulada.

    Dadka la dilay waxaa kamid ah carruur, dagaalka ayaa waxaa dhaliyay loolan loogu jiro dhul dhaaqsimeed iyo weerarada ay gaystaan kooxaha jihaaddoonka ee Mali.

    Faransiiska ayaa taageera u fidiyay ciidamada Mali si ay uga hortaggaan kooxaha jihaad-doonka, tan iyo sannadkii 2012-kii ciidamada waxay la wareegeen dhul badan oo ka tirsan waqooyiga dalkaasi.

  15. Eryidda Nicholas Haysom: Dareenka kala duwan ee baraha bulshada

    Dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay tallaabada dowladda Soomaaliya ee xoghayaha gaarka ee Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya, Nicholas Haysom ay dalka uga eriday.

    Waxaan halkan kusoo qaadanaynaa qaar kamid ah dhageystayaasha BBC oo aragtidooda ku cabbiraya, sida ay u arkaan tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya.

    bbc
    .
    .
    .
  16. Waddada ugu habbooneyd eryidda Nicholas Haysom

    Nicholas Haysom
    Image caption: Nicholas Haysom

    Iid Baddel oo mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diblumaasi ahaan xaq u leedahay inay erido safiirada dalkeeda ku sugan, balse ay aheyd inay waddo diblumaasiyadeed u marto tallaabada ay ku eriday wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey.

    Wuxuu sheegay in marka hore ay aheyd in lala xiriiro madaxda Qaramada Midoobey iyadoo la ilaalinayo cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

    “Ninkan waxaa soo dirsaday xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey waxay aheyd in isaga lala xiriiro oo jid diblumaasiyadeed la isticmaalo oo loo sheego in safirkii u fadhiyay soomaaliya inuu xadgudub sameeyay, dowladda u dirto caddeynta isagana uga codsato inuu dib ula soo noqdo safiirkiisa inta ay dowladdu toos u eryi laheyd” ayuu yiri Iid Baddel.

    Waxaa laga doonayay Nicholas Haysom in xaaladda jirta uu uga warbixyo balse ma aheyn inuu su’aalahasi waaweyn uu hor dhigo dowladda, taasina waxay ka dhigantahay nin dowladda ammaro siinaya, waa sida uu qabo Iid Baddel.

  17. Wasiir Cawad: Haysom wuxuu gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya

    Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

    Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa weriyaha BBC Xasan Cali Geelle uga warramay waxa keenay in ay go'aankaasi ka qaataan ergaygaaasi gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

    Video content

    Video caption: Wasiir Cawad
  18. Australia oo xireyso qaar kamid ah xarumaha lagu xiro muhaajiriinta

    Jasiiradda Nauru waxay kamid tahay xarumaha lagu xiro muhaajiriinta
    Image caption: Jasiiradda Nauru waxay kamid tahay xarumaha lagu xiro muhaajiriinta

    Dowladda Australia ayaa shaaca ka qaaday inay xireyso qaar kamid ah xarumaha lagu xiro muhaajiriinta aanan heysanin wax sharci ah ka hor inta aanan la qaabilin.

    Labo ka mid ah sagaalka xarumood ee lagu xiro dadka muhaajiriinta ah ee dalka Australia ayaa albaabada loo laabayaa, tallaabadaasi oo ay dowladdu ku sheegtay inay caddeyn u tahay sida ay uga go'an tahay in xudduudaha dalkaasi ay adkeyso.

    wasiirada ayaa sheegaya in xarumahaasi aanan loo baahnayn sababtoo ah siyaasadda iyo sharciyada dowladda ayaa hakiyay dadkii tirada badnaa ee dalkaasi magan-gelyada u soo raadsanayay, gaar ahaanna kuwa naftooda halista gelinayay si ay u gaaraan Australia.

    Xarun si weyn ammaankeeda loo sugay oo lagu hayo dadka soogalootiga ah kuna taalla magaalada Melbourne, ayaa dhawaan albaabada loo laabi doonaa, halka xarun taa la mid ah oo ku taalla Sydney iyana la xiri doono bilaha soo socda.

    Dowladda Australia ayaa sheegtay in xiritaanka xarumahan ay muujinayaan guulaha laga gaaray dadaallada ay ku ilaalinayso xudduudaha dalkeeda.

    Tan iyo sanadkii 2013-kii, ciidanka badda ee Australia ayaa dib u celiyay doomo ay saarnaayeen muhaajiriin badan, siyaasaddaasi oo dadka dhaliilsan ay ku tilmaameen mid baalmarsan sharciga caalamiga ah.

  19. Post update

    Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalactaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taarikhda waxay ku beegan tahay 2-da bisha January sannadka 2018-ka.

  20. Ururka ONLF oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed

    Xoghayaha arrimaha dibadda ururka ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey)
    Image caption: Xoghayaha arrimaha dibadda ururka ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey)

    Ururka ONLF ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen xisbi siyaasadeedoo ka qeyb geli doono doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida isla markaasna ka dhex muuqanayaa siyaasadda dalka Itoobiya.

    Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ONLF ayaa BBC u sheegay in si buuxda doorashooyinka soo socda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay uga qeyb geli doonaan iyagoo isbahaysi ah oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin oo ka dhisan gobolka soomaalida.

    “Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah doorashooyinka soo socda uga qeyb geli doonto” ayuu yiri Maadeey.

    Wuxuu sheegay in hadda ay si nabadgelyo ah ay ku raadinayaan xuquuqda iyo danaha shacabka.

    Hoggaanka ONLF oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa