Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Koonfur Afrika oo Iskuulada dib u furtay

    Dalka Koonfur Afrika ayaa debciyey xayiraadihii saarnaa dugsiyada wax barashada oo waxay haatan xukuumaddu u ogolaatay ardayda ku jirta fasallada u dambeeya dugisiyada dhexe iyo kuwa sare iay waxbarashadii dib u bilaabaan,

    Iyad a oo la raacayo shuruudo gaar ah oo loo dhigay iskuulada. Maamulaha iskuulka Mayfair Accademy oo ku yaal magaalada Johannesburg.

    Video content

    Video caption: .
  2. Garsoorka Iiraan oo xukun dil ah ku riday “basaas shaaciyay xog ku saabsanayd Qasim Soleimani"

    Qasim Soleiman

    Wakaaladda wararka ee Iranian Student News Agency ayaa sheegtay in garsoorka dalka Iran uu xukun dil ah ku riday nin lagu eedeeyey inuu shaaciyay xog ku saabsanayd goobtii uu ku sugnaa Janaraal Qaasim Sulaymaani oo ahaa taliyaha ciidamada Qudus ee Kacaanka Iiraan.

    "Syed Mahmoud Mousavi Majd waxaa lagu riday xukun dil ah kaddib markii lagu helay dambi ah inuu macluumaad ku saabsanaa Jeneraal Qaasim Suleymaani uu lacag uga badeshay sirdoonka dalka Maraykanka” Ayuu yiri afhayeen u hadlay garsoorka oo lagu magacaabo Ghulam Hussein Ismaili.

    Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.

    Qaasim Sulaymaani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Xisbullah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.

    Sanadihii dambe, Qaasim Sulaymaani wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ayatollah Cali Khameni.

    Intii uu madaxda ka ahaa ciidamada Qudus, waxay awood u yeesheen in ay ballaariyaan awoodooda dhanka milateriga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

  3. Hadal hayn ka dhalatay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ku biirtay TIKTOK

    Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shalay barteeda Twiiter-ka ku shaacisay cinwaanadeeda barta TikTok, iyada oo dadka isticmaala baraha bulshada ka codsatay inay ku biiraan barta ay halkaas ku leedahay.

    View more on twitter

    Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaaba kala duwan arrinkan uga falceliyay.

    Qaar ka mid ah ra'yiga dadkaas.

    View more on twitter
    View more on twitter
    View more on twitter

    Haddaba sidey Bartan u shaqeysaa?

    Dadka - oo u badan dhallinyaro - waxay barta u adeegsadaan in ay soo dhigaan muuqaal 15 il-briqsi ah. Qaarkood heeso ayay dhageysanayaan, kuwana majaajilo iyagoo adeegsanaya farsamooyiin aan caadi ahayn oo muuqaalka ay ku jarjaraan.

    Muuqaalkaas wuxuu gaarayaa asxaab ay dadkaas garanayaan iyo kuwa aan la aqoon. Sida caadiga ah, dhammaan cinwaannada waa kuwo qof kasta uu daawan karo, in kastoo qofka cinwaanka sameysta uu dadka qaar ah ku soo darsan karo.

    Falanqeynta ku saabsan sida aad marksta daawato ama si gaar ah aad ugu xiiseyso waxyaabaha qaar, ayuu TikTok kuusoo bandhigayaa xillikasta, wayna fududahay in aad xakameyn waydo codadka iska soo daba shanqaraya.

    Sidoo kale dadka isticmaala waxay raadin karaan muwduucyo gaar ah ama dad ay xiiseeyaan iyagoo ku dhufanaya hashtag-ga.

    TikTok wuxuu sidoo kale leeyahay qaab farriimo gaar ah la isugu diro, taasna waxay ku kooban tahay dadka asxaabta oo keli ah.

    Qofkasta oo ka weyn 13 sano ayaa adeegsan karo iyadoo waalidka ay xakameynayaan.

    Shirkadda kuma cusba in muran ay dhexda u gasho. Sannadkii la soo dhaafay, si kumeelgaar ah ayaa Hindiya looga xannibay. Baaritaan Mareykanka uu sameeyay oo ahaa ka hortagga sirta la xado ayaa sababay in $4.3 milyan oo dollar lagu ganaaxo ka dib markii "si ula kac ah ay u martigeliyeen waxyaabo ay soo bandhigeen carruur yaryar".

    Maxay dadka qaar uga walwalsan yihiin in xogtooda ay TikTok ku aaminaan?

    Dadka dhalleeceeya ee Mareykanka ku nool waxay sheegayaan in App-kan ay suurtagal tahay in uu ka tanaasulo "macluumaadka u gaarka ah" dadka adeegsada.

    Alex Stamos, oo ahaan jiray madixii amniga Facebook, haddana ah macallim wax ka dhiga jaamacadda Stanford, wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in uu walbahar ka qabo wararka soo baxay ee diidmada Mareykanka iyo shaqaalaha Shiinaha.

    Xubno horey uga mid ahaa koxda faafreebka Mareykanka waxay sheegayaan in asxaabtooda ku sugan Shiinaha ay ku soo wargeliyeen in ay hoos u dhigaan muuqaallada aalaaba ah xadgudubka ee Mareykanka ku saabsan, sidaas waxaa lagu qoray warbixin lagu daabacay Washington Post.

    Muuqaallada la tiray waxaa ka mid ahaa dhunkasho aan caadi ahayn, qoob ka ciyaar aan wanaagsanayn iyo doodo siyaasadeed.

    Dadka qaarna waxay ka walwalsan yihiin in Shiinaha uu amri karo in Baraha Bulshada ay maamulka u ogolaadaan xogta isticmaalayaasha.,

  4. Kim Jong-un oo telefoonka ka qaban waayay Kuuriyada Koonfureed

    .

    Kuuriya Waqooyi ayaa sheegtay inay jari doonto dhamaan xirriirada dhanka teleefonada ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

    Waqooyiga ayaa sheegay in tani ay tahay bilawga falal taxane ah, iyada oo Kuuriyada Koonfureed ku tilmaamtay “cadaw”.

    Xirrirkan oo maalin le ahaa ayey Kuuriyada Waqooyiga hakisay wixii ka bilawday subaxnimadii Talaadada.

    Labada dal ayaa 2018-kii furay xafiis si loo yareeyo xiisaddii u dhaxaysay, ka dib markii ay wadahadallo dhexmareen.

    Kuuriyada Waqooyiga iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa weli ku jira dagaal iyada oo aysan gaarin wax heshiis ah tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii dhexmaray 1953-kii.

    Xafiiska ayaa si ku meel gaar ah loo xiray bishii Janaayo sababa la xiriira xayiraadaha Covid-19.

    Balse laba dhinac ayaa xiriir joogta ah lahaa tan iyo maalintii Isniinta ahayd.

  5. Ninka loo haysto dilka George Floyd oo loo qoondeeyay damaanad $1.25 milyan oo dollar ah

    Askarigii hore ee booliska Minneapolis ee lagu eedeeyay dilka ninka madow ee aan hubaysnayn ayaa markii ugu horraysay waxaa la keenay maxkamadda halkaas oo damaanadda lagu sii daynayo laga dhigay hal milyan iyo 1.25 milyan oo doolar.

    Dacwad oogayaasha ayaa dareemay “culayska uu xukunkan leeyahay “, iyo xiisadda ka dhalatay dilkii loo gaystay George Floyd.

    kumannaan qof oo ku sugan gobolka Texas ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay xuskii ugu dambeeyay u samaynayaan George Floyd, oo ah ninkii dilkiisa ay ka dhasheen dibadbaxyada ka dhacaya dunida ee lagu dalbanayo in cadaalad loo helo falalka cunsuriyadda ku salaysan.

    Xuska aaskiisa ayaa waxaa lagu qaban doonaa kaniisad ku taal magaalada Houston oo ah halkii uu Mr Floyd ku soo koray.

    Caro ballaaran ayaa ka dhalatay tan iyo intii uu baraha bulshada ku baahay muuqaalkii muujinayay qaabka arxan darrada ah ee ay boolika u dileen George Floyd, kaasi oo la arkayay iyadoo askari boolis ah uu luqunta jilibka kaga hayo ninka madowga ah ka hor inta uusan geeriyoon.

    .