Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Wasiirka arrimaha sirddoonka Israa'iil oo booqasho ku tegay Suudaan

    Eli Cohen, wasiirka arrimaha sirddoonka Israa'iil
    Image caption: Eli Cohen, wasiirka arrimaha sirddoonka Israa'iil

    Wasiirka arrimaha sirddoonka ee Israa'iil Eli Cohen ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay dalka Suudaan.

    Waxayna ka wadahadleen wasiirka gaashaandhigga Suudaan sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska ay wada gaareen sanadkii lasoo dhaafay ee dib loogu soo celiyay xiriirka Suudaan iyo Israa'iil.

    Afhayeen u hadlay Israa'iil wuxuu sheegay in Mr Cohen iyo wasiirka gaashaandhigga Suudaan Janaraal Yaasin Ibraahim ayaa sheegay inay kala saxeexdeen heshiisyo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed, aminga iyo dhaqaalaha.

  2. Qarax xooggan oo laga maqlay caasimadda Sucuudiga

    Qarax xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Sucuudiga ee Riyadh.

    Lamana ogo waxa sababay qaraxa balse warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in lasoo riday gantaall ama diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo ay Xuthiyiinta Yemen doonayeen inay ku garaacaan halkaas.

    Dowladda Sucuuda weli war ah kama aysan soo saarin warkan.

    Saddex maalmood ka hor ayay aheyd markii ciidamada Sucuudiga ay qabteen gantaal la doonayay in lagu garaaco caasimadda.

  3. Dagaalka Beled Xaawo: Muxuu yahay sawirkan dadka lagu marin habaabiyay?

    .

    Waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay sawir muujinaya hooyo ku dul barooraneyso qabri iyadoo dadka qaar ay sheegayeen in hooyadan carruur ay dhashay looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Beled Xaawo.

    Kaddib xaqiijin iyo baaritaan aan sameynay waxaan ogaanay in sawirka uu ahaa mid been ah, maadama uu horey ugu sii jiray internetka.

    Waxaa markii ugu horreysay 20-tii bishii April ee sanadkii 2018-kii daabacay website la yiraahdo www.watanserb.com.

    Wuxuu website-ka ku warramayay in hooyadan ay ku dul barooraneysay qabriga wiilkeeda oo kaga dhintay shil diyaaradeed oo Algeria ka dhacay isla sanadkaas, waxaana baraha bulshada ku baahiyay shacabka dalkaas.

  4. Itoobiya: Heshiis laga gaaray colaadda Soomaalida iyo Oromada

    Madaxweynayaasha maamullada deegannada Soomaalida iyo Oromada iyo goleyaashooda wasiirrada ayaa heshiis ka gaaray dagaallo muddo ka dhex taagnaa qowmiyadaha Oromada iyo Somalida oo ku aaddanaa xuduudaha, biyaha iyo daaqa iyadoo dib u habayn lagu sameeyey xafiis arrintaa horay loogu xil saaray.

    Wasiirka warfaafinta dawlad deegaanka Soomaalida Cali Baddal Muxumed ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabaha lagu heshiiyay ay kamid yihiin in laga shaqeeyo arrimaha amniga iyo isu socodka shacabka Oromada iyo Soomaalida si looga hortaggayo qulqulatooyin kale oo ka dhaca xuduudka labada deegaan.

    Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka.

    Video content

    Video caption: Madaxweyne Mustaf iyo madaxweynaha Oromia
  5. Odayaasha gobollada dhexe oo ka cabanaya amniga waddada isku xirta Hiiraan iyo Galgaduud

    Waxa qarka u saaran inay xiranto waddada dheer ee isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Dhexe ee Soomaaliya kadib markii maalmihii la soo dhaafay lagu qafaashay waddadaasi gawaari xamuul ahayd oo u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed.

    Gaadiidka waxa lala qafaashay dhawr qof oo la socotay, waxana lagu kala haystaa gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

    Qaar kamid ah odeyaasha deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dhowr ay isku dayeen in xal laga gaaro dhibaatada aysan garab ka helin maamulada ka jira halkaas.

    Horey waddadan waxa uga dhacay dillal ku saleysan aano qabiil oo reeraha halkaa wada dagan dhexmartay.

  6. Wasiir Beyle oo faahfaahin ka bixiyay hadalkiisa shaley ee jaadka

    Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in jaadka hareeriga ah ee la geeyo Soomaaliya uusan u xirneyn cid gaar ah.

    Wuxuu sheegay in laga yaabo in dadka qaar ay si khaldan u qaateen hadal kasoo baxay oo ku saabsanaa jaadka.

    “Waxaan doonayaa in aan caddeeyo jaadka hareeriga ah ee Soomaaliya yimaada oo dadka qaar yiraahdeen qolo ayay u xiran tahay ama dad gooni ayay u xiran tahay, in aan jaadkaa hareeriga ah cid gooni ah u xirneyn cid kastana ay soo dejisan karto waxaa looga baahan yahay in qofkii doonaya in uu arrintaa galo in uu sharciga qaato, ruqsadda qaato, canshuurtana bixiyo”

    Hadalka Beyle ayaa imaanaya xilli shaley uu ka dhawaajiyay in labo shuruud lagu xiray ganacsatada jaadka.

    "Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa, wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen." ayuu yiri Beyle.

    "Arrinta kale waa in aadan soo qarinin. Waa inaad tiraahdo jaad baan sitaa, diyaaraddu waa inay dhahdo jaad baan wadaa, cid walbana ogaato inay jaad siddo. Sidaas darteed waa in ay ugu talagasho canshuurtiisa iyo arrimihiisa, kaddibna la canshuuro."

    View more on facebook
  7. Biloow Aadan Keerow "Dagaallada ka dhaca Beled Xaawo waxay mar walbo saameynayaan Mandheera"

    Dadka ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka walaacsan colaadda soo noqnoqtay ee ka taagan magaalada Beledxaawo ee Soomaaliya kaddib markii Isniintii ay ku dagaallameen ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo ka amar qaata wasiirka Amniga Juballand, dagaalkaas oo khasaare badan dhaliyey.

    Biloow Aadan Keerow oo ah senetor-kii ee magaalada Mandheera ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhaca Beled Xaawo uu mar kasta saameyn ku yeelanayo dadka ku nool Mandheera maadama labada magaalo ay deris yihiin.

    Wuxuu intaas ku daray in dagaalkii shaley ka dhacay Beled Xaawo uu horseeday in Mandheera uu ka go'o khadka isgaarsiinta ee teleefoonada.

    "Mandheera iyo Beled Xaawo waxaa u dhexeeysaa waddo yar boqol miitar aan gaareyn, mar alaala markii lagu dagaallamo magaalada Beled Xaawo dhibaatooyin badan baa kasoo gaaraa dagaallada ama ha ahaadaan dadka kasoo cararaya halkaas ama hubka iyo rasaasta la ridaya oo dhan baa magaalada Mandheera kusoo daadanaya"

    Video content

    Video caption: Dadka ku nool magaalada Mandheera ee Kenya oo ka walaacsan colaadda soo noqnoqtay ee ka taagan magaalada Beledxaawo.
  8. Dagaalka Beled Xaawo: Kenya oo ka jawaabtay eedeynta dowladda Soomaaliya

    Dowladda waxay sheegtay inay la wareegtay Beled Xaawo
    Image caption: Dowladda waxay sheegtay inay la wareegtay Beled Xaawo

    Dowladda Kenya ayaa beenisay eedeymaha ay u jeedisay Soomaaliya ee ah inay ku lug laheyd dagaalkii shaley ka dhacay magaalada Beled Xaawo.

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi oo shaley shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay dagaalka Beled Xaawo ‘mid ka dhacay gudaha Soomaaliya’

    “Wax lug ah kuma lihiin dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo u tallaawday dhinaca Soomaaliya, marka ma garan karno waxa ay ugala jeedaan arrintaas, wax lug ah kuma lihiin dagaalka, waa dagaal Soomaaliya dhexdeeda ah ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

    Hadalkan ayaa imaanaya xilli wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe uu ciidamada Kenya ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen ‘duullaan la doonayay in lagu qabsado magaalada Beledxaawo’.

  9. Xaaladda Beled Xaawo oo saaka degan

    .

    Xaaladda magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka deggan kaddib dagaalkii shalay halkaas.

    Dagaalka Beled Xaawo waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof halka 24 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dowladda waxay sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta magaalada.

    Dowlada waxay ciidamada Kenya ku eedeysay inay ku lug lahaayeen duullaan la doonayay in lagu qabsado Beled Xaawo.

    Kenya waxay warqad ku saabsan dagaalka Beled Xaawo u qortay gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda magaaladaas.

    "Walaaca ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in dagaalka soo cusboonaaday uu horseedi karo barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ah iyo dadka u qaxaya xeryaha Kenya," ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Kenya.

    Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay xukuumadda Nairobi inay gudaha dalkeeda ku abaabulayso maleeshiyo duullaan ku ah Beled Xaawo, eedeyntaas oo ay si weyn u beenisay Kenya.

  10. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.