Jubaland oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Muqdisho
Jubaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka looga hadlayo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada balse waxay ku xirtay dowr arrimo oo ay kamid yihiin, in dowladda ay raalli gelin ka bixisyo waxa ay ku tilmaantay tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.
Arrintani ayaa kusoo aadeysa xilli maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha doorashada oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada.
Waxaana shirka ka qeybgelin madaxda Puntland iyo Jubaland.
JubalandCopyright: Jubaland
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo codsi u jeedisay dowladda Tanzania
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo ka codsatay Tanzania inay qaaddo tallaabooyin lagu xakameynayo fiditaanka cudurkaImage caption: Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo ka codsatay Tanzania inay qaaddo tallaabooyin lagu xakameynayo fiditaanka cudurka
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ka codsatay dowladda Tanzania inay diiwaangeliso kiisaska cudurka Karoona isla markaana ay la wadaagto macluumaadka ku saabsan cudurka.
Tanzania waxay kamid tahay dalal yar oo ka tirsan caalamka oo aan soo bandhigin kiisaska cudurka.
Markii ugu dambeysay ee dowladda diiwaangeliso kiisaska waxay aheyd bishii May ee sanadkii tagey xilliggaas oo ay kiisaska ku sheegtay 500 halka dhimasho ay gaartay 20.
Labo bilood kadib madaxweyne John Magufuli wuxuu ku dhawaaqay in dalka uu ka dhamaaday cudurka Covid-19.
Hadalka Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.
Halkan ka dhageyso: Wareysi saddex sanno ka hor ay siisay BBC-da Faadumo Nakruuma oo maanta geeriyootay
Video content
Video caption: Faadumo Cali Nakruuma oo 27 sano kaddib ku laabatay MuqdishoFaadumo Cali Nakruuma oo 27 sano kaddib ku laabatay Muqdisho
Faduumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay
sntvCopyright: sntv
Waxaa cisbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyoortay Faadumo Cali Nakruuma oo aheyd fanaanad caan ah oo ka tirsaneyd xiddigaha hobollada Waaberi.
Faadumo Cali Nakruuma ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay la xanuunsanaysay
cudurka COVID19.
Geerida Nakruuma waxa BBC-da u xaqiijiyay Fannaanka Maxamad
Xasan Baroow oo hadda kamid ah madaxda kooxda Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Nakruuma markii ay dhaceen dagaalada sokeeye 1991 kii waxay u qaxday qurbaha,
waxayse Soomaaliya ku laabatay 2018 kii markaasoo wixii ka dambeeyay ay
daganayd magaalada Muqdisho.
Puntland iyo Jubaland oo ka maqan shirka ka furmay Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulan ay leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madaxda Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sonna.
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo lacagtii musharraxnimada xisbiga ka dhaafay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay
Xisbiga haya talada Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku
dhawaaqday ee Somaliland ayaa bayaan uu maanta soo saaray waxa uu ku sheegay inuu
xisbigu ka dhaafay musharraxiinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay
lacagtii xisbiga.
Musharrixiinta labadaas qeybood ee u ordaya inay ku tartamaan
tigidhka xisbiga ee doorashada golaha wakiillada iyo midda deegaanka ayuu
lacagta laga dhaafay xisbigu ku sheegay inay sidaas u sameeyeen iyagoo ka
duulayaan himilada xisbiga ee gacansiinta iyo dhiirigelinta haweenka iyo
beelaha laga tiro badan yahay ee dhanka doorashada.
Doorashada golaha wakiilada ee musharraxiinta ku ordaya
magaca xisbiga Kulmiye ayaa rag iyo dumarba waxaa musharraxkasta ay tahay inuu
bixiyo 2000 oo doolar oo uu xisbiga u shubayo, halka doorashada deegaanka ay
tahay musharraxa inuu bixiyo 1000 doolar.
Ruushka ayaa markii ugu horreysay diiwaangeliyay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha nooc cusub oo la yiraahdo H5N8 kaas oo la sheegay in u gudbay banii'aadanka.
Saraakiisha waxay sheegeen in toddobo qof oo ka shaqeyneysay xarun lagu xannaaneeyo digaagta oo ku taalla koonfurta dalkaas laga helay cudurka kadib markii uu ka dilaacay bishii December halkaas.
"Xaaladda 7 qof wey fiican tahay" ayay tiri Anna Popova oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka dalkaas.
Waxay intaas ku dartay in la qaaday tallaabooyin deg deg ah si looga hortaggo fiditaanka cudurka.
"Ma jirto astaan muujineyso in banii'aadanka uu isku gudbin karo cudurkan" ayay tiri Anna.
Waxay intaas ku dartay in kiisaska loo gudbiyay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka.
Jabuuti iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiis
Jabuuti iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.
Heshiiska waxaa labada dhinaca u kala saxeexay taliyeyaasha booliska Somaliland iyo Jabuuti, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.
BBCCopyright: BBC
Soomaaliya: Imaaraatka Carabta ma aqoonsano dowladnimadeena
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka Imaaraatka
Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe
oo ayaa sheegay in warqad kasoo baxday Imaaraatka ay ka muuqato in aysan
aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya.
“Warqadda Imaaraatka waxaa ka muuqdaa in aysan aqoonsaneyn
dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda inkiriyaan…warqadda waxaa ka muuqdaa in
Imaaraatka uu ka rabo Soomaaliya sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka
abuurto fowdo iyo barakac” ayuu yiri wasiirka oo shir jaraa'id saaka ku qabtay Muqdisho.
Shaley ayay aheyd markii dowladda Imaaraatka ay walaac ka muujisay qalaalisihii dhawaan ka dhacay Muqdisho.
"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waxay ugu baaqeysaa dowladda kumeel gaarka ah ee iyo dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan si loo gaaro higsiga Soomaaliya ah in la helo nabadda iyo xasilooni buuxda" ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday Imaaraatka.
Post update
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.
Tebin toos ah
time_stated_uk
Jubaland oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Muqdisho
Jubaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka looga hadlayo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada balse waxay ku xirtay dowr arrimo oo ay kamid yihiin, in dowladda ay raalli gelin ka bixisyo waxa ay ku tilmaantay tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.
Arrintani ayaa kusoo aadeysa xilli maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha doorashada oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada.
Waxaana shirka ka qeybgelin madaxda Puntland iyo Jubaland.
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo codsi u jeedisay dowladda Tanzania
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ka codsatay dowladda Tanzania inay diiwaangeliso kiisaska cudurka Karoona isla markaana ay la wadaagto macluumaadka ku saabsan cudurka.
Tanzania waxay kamid tahay dalal yar oo ka tirsan caalamka oo aan soo bandhigin kiisaska cudurka.
Markii ugu dambeysay ee dowladda diiwaangeliso kiisaska waxay aheyd bishii May ee sanadkii tagey xilliggaas oo ay kiisaska ku sheegtay 500 halka dhimasho ay gaartay 20.
Labo bilood kadib madaxweyne John Magufuli wuxuu ku dhawaaqay in dalka uu ka dhamaaday cudurka Covid-19.
Hadalka Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.
Halkan ka dhageyso: Wareysi saddex sanno ka hor ay siisay BBC-da Faadumo Nakruuma oo maanta geeriyootay
Video content
Faduumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay
Waxaa cisbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyoortay Faadumo Cali Nakruuma oo aheyd fanaanad caan ah oo ka tirsaneyd xiddigaha hobollada Waaberi.
Faadumo Cali Nakruuma ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay la xanuunsanaysay cudurka COVID19.
Geerida Nakruuma waxa BBC-da u xaqiijiyay Fannaanka Maxamad Xasan Baroow oo hadda kamid ah madaxda kooxda Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Nakruuma markii ay dhaceen dagaalada sokeeye 1991 kii waxay u qaxday qurbaha, waxayse Soomaaliya ku laabatay 2018 kii markaasoo wixii ka dambeeyay ay daganayd magaalada Muqdisho.
Puntland iyo Jubaland oo ka maqan shirka ka furmay Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulan ay leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madaxda Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sonna.
Waxaa kulanka looga hadlayaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalayaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Waxaan shirka ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland.
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo lacagtii musharraxnimada xisbiga ka dhaafay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay
Xisbiga haya talada Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa bayaan uu maanta soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xisbigu ka dhaafay musharraxiinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay lacagtii xisbiga.
Musharrixiinta labadaas qeybood ee u ordaya inay ku tartamaan tigidhka xisbiga ee doorashada golaha wakiillada iyo midda deegaanka ayuu lacagta laga dhaafay xisbigu ku sheegay inay sidaas u sameeyeen iyagoo ka duulayaan himilada xisbiga ee gacansiinta iyo dhiirigelinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay ee dhanka doorashada.
Doorashada golaha wakiilada ee musharraxiinta ku ordaya magaca xisbiga Kulmiye ayaa rag iyo dumarba waxaa musharraxkasta ay tahay inuu bixiyo 2000 oo doolar oo uu xisbiga u shubayo, halka doorashada deegaanka ay tahay musharraxa inuu bixiyo 1000 doolar.
Ruushka oo markii ugu horreysay lagu arkay nooc cusub oo hergebka shimbiraha ah
Ruushka ayaa markii ugu horreysay diiwaangeliyay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha nooc cusub oo la yiraahdo H5N8 kaas oo la sheegay in u gudbay banii'aadanka.
Saraakiisha waxay sheegeen in toddobo qof oo ka shaqeyneysay xarun lagu xannaaneeyo digaagta oo ku taalla koonfurta dalkaas laga helay cudurka kadib markii uu ka dilaacay bishii December halkaas.
"Xaaladda 7 qof wey fiican tahay" ayay tiri Anna Popova oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka dalkaas.
Waxay intaas ku dartay in la qaaday tallaabooyin deg deg ah si looga hortaggo fiditaanka cudurka.
"Ma jirto astaan muujineyso in banii'aadanka uu isku gudbin karo cudurkan" ayay tiri Anna.
Waxay intaas ku dartay in kiisaska loo gudbiyay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka.
Jabuuti iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiis
Jabuuti iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.
Heshiiska waxaa labada dhinaca u kala saxeexay taliyeyaasha booliska Somaliland iyo Jabuuti, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.
Soomaaliya: Imaaraatka Carabta ma aqoonsano dowladnimadeena
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ayaa sheegay in warqad kasoo baxday Imaaraatka ay ka muuqato in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya.
“Warqadda Imaaraatka waxaa ka muuqdaa in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda inkiriyaan…warqadda waxaa ka muuqdaa in Imaaraatka uu ka rabo Soomaaliya sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka abuurto fowdo iyo barakac” ayuu yiri wasiirka oo shir jaraa'id saaka ku qabtay Muqdisho.