Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Shacabka Tanzania oo isugu soo baxay baroor diiqda Magufuli

    Shacabka oo dhugashadii u dambaysay ee sagootinta la dul tagaya meyda madaxweynihii geeriyooday
    Image caption: Shacabka oo dhugashadii u dambaysay ee sagootinta la dul tagaya meyda madaxweynihii geeriyooday

    Dad aad u tiro badan oo Tanzanian ah ayaa iyaga oo murugaysan dhugashadii ugu dambaysay ee sagootinta ahayd la dul tagay maydka madaxweyne John Magufuli oo Arbacadii dhintay.

    Waxay iyaga oo safaf dhaadheer ku jira garab marayeen naxashka oo la dhigay Istaadyoonka Uhuru ee magaalada Dar es Salaam, hase yeeshee dadku ma kala fogaanayaan dad tiro yar oo ka mid ah shacabka yo ciidanka nabadgelyada ayaana xidhan af-saab arintaas oo ahhalis cudurka Covid-19 ku fidi karo.

    Magufuli ayaa su’aal geliyey halista cudurkani leeyahay, xukuumadiisuna wax xog ah oo ku saabsan tirada dadka uu ku dhacay ee dalka umay gudbinayn hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO

    Hase yeeshee waxay xukuumadda Tanzania sheegtay Arabacadii inuu wadne xanuun u geeriyooday.

  2. Midowga Yurub oo ku hanjabay in ay joojinayaa in talaalka korona dibadda loo dhoofiyo

    Talaalka AstraZeneca
    Image caption: Talaalka AstraZeneca

    Gudoomiyaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ku celisay hanjabaadeedii ahayd in ay joojin doonaan in dibada loo dhoofiyo talaalka AstraZeneca ee lagu sameeyo dalalka Midowga Yurub.

    Waraysi ay siisay wargeys Jarmalka ka soo baxa ayay ku sheegay in fariinta ay u dirayso shirkadaas AstraZeneca ee talaalkaa samaysaa ay tahay in ay marka hore ka soo baxdo heshiiska ay la gashay dalalka Midowga inta aanay talaalka u iib geynin dalalka kale ee dibadda.

    Urusula waxay sheegtay in ay shirkaddaasi dalalka Midowga soo gaadhiisay oo keliya saddex meeloodow meelka mid sagaashankii milyan ee irbadood ee ay shirkaddu kula heshiisay dalalkaas in ay afarta bilood ee ugu horeeya sannadkan u samayn doonto.

    Warshadda soo saarta talaalkan AstraZeneca oo ku taal dalka Belgium ayaan soo saarin xaddigii la filayey. Mamnuucidda dhoofinta talaalkuna waxay ku xidhan tahay oo keliya go’aan dal qudha oo midowga ka tirsani gaadho.

  3. Shaqaalaha guriga Trump ku nool yahay oo qaarkood korona laga helay

    Qasriga Donald Trump ee Mar-a-Logo
    Image caption: Qasriga Donald Trump ee Mar-a-Logo

    Qasriga uu deganyahay Donald Trump ee la yidhaa Mar-a-Logo ayaa qayb ka mid ah la xidhay ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalihiisa laga helay farayska korona, sidaana waxa ku waran tahay warbaahinta Maraykanka.

    Qasrigaas oo ku yaal goblka Florida ayaa ah goobta uu sida rasmiga ah u degan yahay madaxweynihii hore tan iyo markii uu xilka ka degay bishii Jeeniweri.

    Warbixin xafiiska Trump ka soo baxday ayaa lagu sheegay in qaybta cuntada la xidhay laakiin laguma faahfaahinin tirada dadka fayraska laga helay.

    Trump waxa isaga fayrasku ku dhacay bishii Oktoobar ee kal hore wuxuu se talaalka qaatay bishii Jeeniweri ee sannadkan.

    Markii cudurka laga helay waxa la dhigay Isbitaal uu ku jiray dhawr maalmood oo lagaga daweynayey cudurka.

    Afadiisa Melania iyo wiilkooda Barron ayaa sidoo kale iyagana uu ku dhacay Fayrasku intii weli qoysku ku jireen Aqalka Cad, waxa sidoo kale waagaa cudurka laga helay saraakiil dhawr ah oo madaxweynaha u dhawaa.

  4. Ciyaaraha Olombigga Tokyo oo daawadayaasha laga mamnuucay

    Waxa la mamnuucay in daawadayaal tagaan Japan
    Image caption: Waxa la mamnuucay in daawadayaal tagaan Japan

    Gudiga qabanqaabada ciyaaraha Olombigga ayaa mamnuucay in taageerayaal dalka Japan dibadiisa ka yimaadaan si ay u daawadaan ciyaarahaas oo Tokyo ka furmi doona xagaaga sannadkan sababtuna tahay cabsi laga qabo fayraska korona.

    Go’aankaas ayaa lagu gaadhay shir maqal iyo muuqaal ah oo ay yeesheen dawladda Japan, xidhiidhka caalamiga ah ee Olombigga iyo duqa magaalada Tokyo.

    Dadka tigidho sii goostay ayaa la sheegay in lacagtooda loo celin doono. Waxa kale oo go’aan laga gaadhi doona bisha Abriil in loo ogolaado shacabka Japan in ay ciyaarahaa u daawasho tagi karaan iyo in kale.

    Talaabadan ayaa turunturro ku ah mid ka mid ah tartanka ciyaaraha dunida loogu daawashada badan yahay oo markii horena muddo sannad ah dib loogu dhigay safmarka korona awgii.

  5. Xukuumadda Soomaaliya oo ka falcelisay golihii mucaaradku ku dhawaaqeen

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya
    Image caption: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si ba’an u duray siyaasiyiintii dabayaaqadii todobaadkii hore ku dhawaaqay golaha ay ku sheegeen “Madasha Badbaado Qaran.”

    Wasiirka ayaa sheegay in haatan dalku diyaar u yahay in doorasho dhacdo, waxaanu ku tilmaamay isbahaysigaa mucaaradka ah “isbahaysi doorasho diid ah”.

    Wuxuu intaa ku daray in shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, shaaciyey ka dhici doono xerada ciidamada cirka ee Afisiyoone. Arintaas oo ka mid ahayd shuruudihii ay madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay markii hore ba ku xidheen shirkii hore loogu ballansanaa ee qabsoomiy waayey.

    Wasiir Dubbe, waxa uu sheegay in shirkaa uu Madaxweyne Farmaajo shaaciyey ka dhici doono goobtaas maalmaha Isniinta iyo Salaasada ah, shirkana uu horseed ka noqon doono ra’isal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

    Sidoo kale waxa uu carrabka ku dhuftay in gudiyadii farsamo ee Baydhabo iyo Muqdisho ku shiray ajendeyaashii ay ku heshiiyeen shirkaas lagaga hadli doono.

  6. Turkiga oo ka baxay heshiis caalami ah oo ku saabsan haweenka

    .

    Turkiga ayaa isaga baxay heshiis caalami ah oo ka shaqeyneyay ilaalinta xuquuqd dumarka inkasta oo tallaabadaas ay cambaareeyeen ururada u doodo xuquuqul insaanka.

    Golaha xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabada uu Turkiga kaga baxay heshiiska.

    Marija Pejcinovic Buric oo xoghayaha guud ee golahan ayaa ku tilmaantay go'aanka Turkiga mid dhibaato kenayo isla markaana aanan la aqbali karin.

    Heshiiska Istanbul ayaa waxaa ku xusan xeerar ka shaqeynaya xuquuqda dumarka gaar ahaan in wax tacaddi ah aanan loo geysan karin iyo kufsigaba.

    Muxaafidiinta Turkiga ayaa ku dooday in heshiiska uu kasoo horjeedo qiyamka qoyska halka wasiir ka tirsan dowladda Turkiga uu ku dooday in dastuurka dalkaas uu si waafi ah uga falcelinayo xuquuqda dumarka.

    Balse mucaaradka ayaa sheegay in ka bixidda heshiiska uu yahay mid ka dhan ah nolosha dumarka.

    Dumarka Turkiga ayaa in muddo ah banaanbax ay kaga soo horjeedaan arrintani ka dhigayay waddooyinka dalkaas tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ay soo jeedisay in heshiiska laga baxo.

  7. Qaar kamid ah dalalka Yurub oo looga dhawaaqay xayiraad hor leh

    Faransiiska ayaa kamid ah dalalka looga dhawaaqay xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19
    Image caption: Faransiiska ayaa kamid ah dalalka looga dhawaaqay xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19

    Inta badan dalalka Yurub ayaa waxa ay dib ugu laabteen xayiraadihii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka Covid-19, xilli mowjaddii saddexaad ee cudurkaasi halkaas laga diiwaangeliyay.

    Afarta todobaad ee soo aaddan, ayaa qiyaastii 21 milyan oo qof oo Faransiis ah ayaa waxaa qasab ku ah inay caddeeyaan sababta ay doonayaan inay guryahooda uga soo baxaan.

    Dalalka Poland iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay xayiraad hor leh oo lagu xakameynayi cudurka xilli ay sare u kaceen kiisaska Covid-19.

    Ku dhawaad 21 milyan oo qof oo ku nool 16 deegaan oo ka tirsan Faransiska oo ay kamid tahay caasimadda Paris ayaa waxaa si weyn u saameeyay cudurkan soo laba kacleeyay.

    Dalka Poland waxaa muddo saddex toddobaad ah la xiray goobaha dadweynaha ay isugu yimaadaan sida maqaayadaha, garoomada ciyaaraha iyo dukaamada.

  8. Ra'iisul Wasaare laga helay cudurka Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

    Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.

    Khaan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.

    Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.

    .
  9. Cudurka Covid-19 oo fara ba'an ku haya Mandheera

    Ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo badanayaan dadka uu soo ridanayo xanuunka Corona.

    Xanuunka ayaa sacadihii lasoo dhaafay waxa u dhintay mas'uuliyiin katirsan ismaamulka, halka kuwa kalena ay la jiifaan.

    Maxamed Caray,oo ah barasab ku xigeenka ismaamulka Mandera ayaa BBC u sheegay in sare kiisaska cudurka ay ugu wacan tahay arrimo ay kamid yihiin isu socodka dadka maadama magaalada ay ku taalla xuduudda iyo in dib loo furay goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha.

    Mandheera waxay dhawaan kamid noqotay magaalooyinka Waqooyi Bari Kenya ee la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Karoona.

    Maamulka magaaladaas ayaa sheegay in saddex koox oo kamid ah dadka safka hore uga jira la tacaalidda cudurka durbadiiba la siiyay tallaalka.

    Mandheera ayaa kamid ah meelaha uu ku faafay cudurka, waxaana ay xuduud la wadaagtaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

    Video content

    Video caption: Cudurka Covid-19 oo fara ba'an ku haya Mandheera
  10. Jubaland oo ka hadashay ciidamo ay sheegtay in la geeyay gobolka Gedo

    War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ciidamo 'ku daabuleyso' gobolka Gedo xilli ay abaaro ka taagan yihiin halkaas.

    "Waxaa shaley oo taariikhda aheyd 19 Maarso 2021, hub, gaadiid dagaal iyo ciidan laga dejiyay deegaanada Daawo ee gobolka Gedo"

    Jubaland waxay sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay caqab ku tahay heshiis kasta oo looga gudbayo khilaafka harreeyay doorashada Soomaaliya.

    ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku saabsan arrintani.

    .
  11. Muxuu yahay dalabka cusub ee Kenya ee ku aadan khilaafka xuduudda badda?

    .

    Kenya ayaa dooneysaa in dacwadda muranka badda ee kala dhexeysa Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal isla markaana kiiska la gala noqdo maxkamadda caddaalladda adduunka, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

    Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya aya sidoo kale lagu xusay in Kenya ay gaartay go'aanka ah in aysan dhageysiga ka qeyb galin islamarkana ay wali rumaysan tahay in kiiskan maxkamadda laga soo celiyo laguna xaliyo wadaxaajood labada dhinac ay yeeshaan.

    "Kenya waxay gaartay go'aanka ah in aanay ka qeybgelin dhageysiga dacwadda isla markaana waxay ku aamin qabtaa in kiiska la gala noqdo maxkamadda si loogu xalliyo qaab wadaxaajood ah" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha.

    Dowladda Kenya ayaa dhawaan isaga baxday dacwadda badda, waxay ku eedeysay maxkamadda inaysan dhexdhexaad ka ahayn dacwaddan oo khuseysa aag badeedka lagu mursan yahay oo dhan 62,000 mayl oo laba jibaaran oo badweynta Hindiya ah. Waxaa la aaminsan yahay nay ceegaagaan gaas iyo saliidd.

  12. Mareykanka: "Hubanti la'aanta doorashada Soomaaliya waxay caqabad ku tahay amniga"

    Mareykanka ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antoney Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya in loo baahan yahay si deg deg ah ay doorashada ku qabtaan si looga gudbo khilaafka arrimaha doorashada.

    “Jahwareerka sii socda wuxuu cabaqad ku noqonayaa amniga iyo xasiloonida”. ayuu yiri Blinken oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku baaqay shir looga hadlayo dhameystirka heshiiska arrimaha doorashada.

    View more on twitter
  13. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.