Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka oo socdaal kedis ah ku tegay Afghanistan

    Lloyd Austin, wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka.
    Image caption: Lloyd Austin, wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka.

    Wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Lloyd Austin, oo socdaal aan la sii shaacinin ku tagay magaalada Kabul, ayaa wadahadallo la yeeshay madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani.

    Af-hayeen u hadlay xukuumadda Afghanistan ayaa sheegay in ay labada nin isla soo qaadeen walaaca laga qabo qalalaasaha colaadeed ee dalka ku sii kordhay. Waxaanu intaa ku daray in sidoo kale ay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in dalkaasi helo nabad waarta.

    Lloyd Austin ayaa hore u beeniyey warar sheegaya in maamulka cusub ee Maraykanku qorshaynayo in uu ciidamadiisa ku sii negeeyo Afghanistan marka la gaadho bisha May oo qorshuhu ahaa inay dalkaa ka baxaan sida uu dhigayey heshiis ay Washington la gashay Taliban sannadkii hore.

  2. Madaxweynaha Djibouti oo amar ku bixiyey in af-saabka la xidho

    Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa digreeto uu soo saaray maanta gelinkii dambe amar ku bixiyey in xidhashada af-saabku yahay waajib guud ahaan dalka oo dhan ah ka dhaqan galaya.

    Sidoo kale waxa madaxweynuhu shacabka dalkaa faray in ay kala fogaadaan.

    Madaxweyne Geelle
    Image caption: Madaxweyne Geelle
  3. Haweenaydii u doodi jirta xuquuqda haweenka Masar oo geeriyootay

    Nawaal Sacdaawi
    Image caption: Nawaal Sacdaawi

    Sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Masar, waxa geeriyootay hawenaydii qoraaga iyo dhaqkhtaradda ahayd ee sidoo kalena u doodi jirta xuquuqda haweenka, Nawaal Sacdaawi, waxaanay dhimatay iyada oo 90 jir ah.

    Waxay dhalatay sannadkii 1931 waxaanay ahayd qof u doodda xuquuqda aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaan xuquuqda haweenka, waxaana lagu xasuustaa dagaalkii ay ku qaaday gudniinka hablaha.

    Dhiirranaanteedii aanay la gaban jirin aragtida ay aaminsan tahay ayey ku mutaysatay dhaliilo badan, waxaana marar badan loogu hanjabay dil.

    Sacdaawi oo ahayd dhakhtar ku takhasusay cilmi nafsiga ayaa shaqadii ay ka haysay wasaaradda caafimaadka Masar laga eryey sannadkii 1972 markii uu soo baxay buug ay qortay oo ciwaankiisu ahaa “Haweenka iyo Galmada” kaas oo ay aad ugu dhaliishay dhaqanka ah in la jarjaro xubnaha taranka haweenka iyo sidoo kale cabudhinta dumarka.

  4. Shacabka Tanzania oo isugu soo baxay baroor diiqda Magufuli

    Shacabka oo dhugashadii u dambaysay ee sagootinta la dul tagaya meyda madaxweynihii geeriyooday
    Image caption: Shacabka oo dhugashadii u dambaysay ee sagootinta la dul tagaya meyda madaxweynihii geeriyooday

    Dad aad u tiro badan oo Tanzanian ah ayaa iyaga oo murugaysan dhugashadii ugu dambaysay ee sagootinta ahayd la dul tagay maydka madaxweyne John Magufuli oo Arbacadii dhintay.

    Waxay iyaga oo safaf dhaadheer ku jira garab marayeen naxashka oo la dhigay Istaadyoonka Uhuru ee magaalada Dar es Salaam, hase yeeshee dadku ma kala fogaanayaan dad tiro yar oo ka mid ah shacabka yo ciidanka nabadgelyada ayaana xidhan af-saab arintaas oo ahhalis cudurka Covid-19 ku fidi karo.

    Magufuli ayaa su’aal geliyey halista cudurkani leeyahay, xukuumadiisuna wax xog ah oo ku saabsan tirada dadka uu ku dhacay ee dalka umay gudbinayn hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO

    Hase yeeshee waxay xukuumadda Tanzania sheegtay Arabacadii inuu wadne xanuun u geeriyooday.

  5. Mareykanka: "Waa khasab in madaxda maamul goboleedyada ay Muqdisho ku sugnaadaan"

    War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliya ay haatan doonayaan in la qabto doorashada.

    Mareykanka wuxuu madaxda maamul goboleedyada 'ku amray in Muqdisho ay ku sugnaadaan tan iyo inta looga heshiinayo hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

    View more on twitter
  6. Beesha caalamka oo ka hadashay shirka la filayo in uu Muqdisho ka furmo

    .

    Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay shirka la filayo in Muqdisho uu berri ka furmo kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

    Shirkan ayaa ka dhacaya garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

    Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday in wadatashiyo lala sameeyo dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka iyo xildhibaanada si loo helo taageero buuxda oo ku aadan hanaanka doorashada.

    Waxay sidoo kale sheegeen inay taageerayaan dhaqangelinta heshiis kasta oo laga gaaro hanaanka doorashada Soomaaliya.

    Quote Message: Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray. from War saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka
    War saxaafadeedka kasoo baxayBeesha Caalamka
  7. Cabdi sheekh wuxu araga la'aa muddo 40 sano ah

    Cabdi sheekh oo ku nool degmada Garbahareey ee gobolka Gado waxaa uu indho la'aan ahaa muddo afartan sano ah, waxaa uu aragiisa waayey isagoo lix jir ah hasayeeshee dhawaan ayuu aragiisa dib u helay kaddib marki magaalada Baladxaawo indhaha qalliin looga sameeyey.

    View more on facebook
  8. Cabdicasiis Laftagareen oo Muqdisho gaaray xilli shirka arrimaha doorashada loo ballansan yahay

    .

    Magaalada Muqdisho waxa maanta barqadii gaaray madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamad Xasan Laftagareen oo noqonaya madaxii u dambeeyay ee maamul goboleedyada ee taga Muqdisho si ay uga qaybgalaan shirka berita furmaya ee looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

    Khilaafka ka taagan qabashada doorasho la isku raacsan yahay ayaa soo jiitamayay tan iyo markii la saxiixay heshiiskii 17 September.

    Dhawr shir oo horey loogu baaqay ayaanan qabsoomin.

    Muddada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii Febraayo.

    Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn.

    Dowladda waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub.

    Ma jiro wakhti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

    Khilaafka doorashada Soomaaliya: Galaangalka beesha caalamka iyo go'aanada madaxwayne Farmaajo

    Su'aalaha muhiimka ah ee uu Farmaajo diiday inuu ka jawaabo

    Doorashada Soomaaliya: Dastuurka Soomaaliya iyo qoondada dumarka

  9. Dibadbaxyo ka socda Turkiga

    .

    Kumanaan qof ayaa ka qeygbalay dibadbaxyo ka socda dalka Turkiga kaas oo looga soo horjeedo go'aankii dowladda Turkiga ay kaga baxday heshiis caalami ah oo ka shaqeynayay ilaalinta xuquuqda dumarka.

    Waxaana dibadbaxyadan garwadeen ka ah dumarka oo gebi ahaanba ka soo horjeedo tallaabada Turkiga.

    Dadka banaanbaxyada dhigaya waxay ku qeylinayeen ereyo ay kamid yihiin 'Caddaalad, sharci iyo xuquuq'

    Golaha xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabada uu Turkiga kaga baxay heshiiska.

    Xoghayaha guud ee golahan ayaa ku tilmaantay go'aanka Turkiga mid dhibaato kenayo isla markaana aanan la aqbali karin.

    Heshiiska Istanbul ayaa waxaa ku xusan xeerar ka shaqeynaya xuquuqda dumarka gaar ahaan in wax tacaddi ah aanan loo geysan karin iyo kufsigaba.

    Muxaafidiinta Turkiga ayaa ku dooday in heshiiska uu kasoo horjeedo qiyamka qoyska halka wasiir ka tirsan dowladda Turkiga uu ku dooday in dastuurka dalkaas uu si waafi ah uga falcelinayo xuquuqda dumarka.

    Balse mucaaradka ayaa sheegay in ka bixidda heshiiska uu yahay mid ka dhan ah nolosha dumarka.

    Dumarka Turkiga ayaa in muddo ah banaanbax ay kaga soo horjeedaan arrintani ka dhigayay waddooyinka dalkaas tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ay soo jeedisay in heshiiska laga baxo.

  10. Falastiin oo la gaarsiiyay tallaalka Covid-19

    Maamulka Falastiin ayaa bilaabaya barnaamij tallaalka lagu gaarsiinayo shacabka kadib markii halkaas la gaarsiiyay in ka badan 60,000 oo qaruuradood oo tallaalka Covid-19 ah.

    Mas'uuliyiinta Falastiin waxay sheegeen in wajiga koowaad ee tallaalka lagu bilaabi doono dadka da'da ah, dadka la daalacayo xanuunada kale iyo shaqaalaha caafimaadka.

    Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa shaley qaatay tallaalka ka hor inta aanan laga bilaabin Daanta Galbeed iyo marinka Qaza.

    Israa'iil oo ku dhawaad boqolkiiba 50 tallaalka gaarsiisay shacabkeeda ayaa la kulantay dhaleeceenta ah in tallaalka aysan gaarsiin shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka ay heysato.

  11. Afar arrimood oo ku xusan warqadda Madasha Badbaado Qaran ay u direen beesha caalamka

    .

    Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Siyaasadda Somaliland ayaa eedeyn u jeediyay dowladda kadib markii ay warqad u qoreen beesha caalamka.

    Qaar kamid ah arrimaha ay soo hadal qaadeen.

    • Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha in uu ku guuldareystay in uu qabto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.
    • In madaxweynaha uu majaxaabinayo dadaallada ku aadan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashada.
    • In madaxweynaha uu ciidamo hor leh u daabulayo gobolka Gedo isla markaana uu amniga dalka uu carqaladeynayo.
    • In madaxweynaha uu amray in ciidamada Harmacad ay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  12. Feyraska Karona oo kusoo laba kacleeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Wasaaradda caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 uu kusoo laba kacleeyay deegaanka isla markaana la diiwaangeliyay kiisas hor leh.

    Wasiirka caafimaadka oo u warramayay teleefishinka deegaanka ayaa sheegay in saddexdii toddobaad ee u dambeysay ay korodhay tirada dadka laga helay cudurka Karona.

    Wuxuu intaas ku daray in guud ahaan dadka la helay cudurka deegaanka ay gaarayaan 1,705 qof halka 38 qofna ay u dhinteen.

    Dhawaan ayay aheyd markii tallaalka ka hortagga cudurka la geeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana tallaalka la siinayaa howlwadeenada caafimaadka iyo dadka da'da ah.

    .
  13. Deegaanno ka tirsan Waqooy Bari Kenya oo laga bilaabay tallaalka xoolaha

    Iyadoo abaaro ay ka jireen qaybo ka mid ah gobolka waqooyi bari Kenya oo xoolaha ay u dhamaanayeen ayaa haddana waxaa deegaanno ka tirsan gobolka laga soo sheegayaa in uu ka dilaacay cudur ku dhaca xoolaha sidaas darteed ismaamulka Gaarisa waxaa laga bilaabay barnaamij lagu tallaalayo xoolaha.

    Agaasimaha xanaanada xoolaha ee maamulka Gaarisa Dr Xareed Cabdullaahi Hambe ayaa BBC u sheegay in tallaalka laga bilaabay deegaanno ka tirsan Gaarisa si looga hortaggo cudurrada faafa ee ku dhaca xoolaha.

    Dhawaan ayay aheyd markii maamulka maamulka Mandheera uu joojiyay iibinta caanaha iyo hilibka xoolaha kadib markii uu halkaa ka dilaacay xanuunka Rift Valley Fever ee ku dhaca xoolaha.

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in go'aankaas ay qaateen kadib markii nin reer miyi ah oo sida la rumaysan yahay cunay hilib neef qaba xanuunkaas uu geeriyooday.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

    Video content

    Video caption: Xoolaha Gaarisa oo la tallaalayo
  14. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.