Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Maxkamad baareysa muuqaal kaamirooyinka qarsoon ay duubtay kahor dhimashada George Floyd

    .

    Maxkamad ayaa baareysa muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon (CCTV) wax yar uun ka hor dhimashada George Floyd, iyadoo maxkamadeynta dilka loo heysto sarkaal Derek Chauvin ay gashay maalintii seddaxaad.

    Christopher Martin, oo shaqaale ka ah dukaan raashiinka lagu iibiyo, halkaas oo Mr Floyd lagu eedeeyay inuu wax uga iibsaday 20-doollar oo been abuur ah, ayaa ah marqaatigii ugu danbeeyay ee istaaga.

    Mr Chauvin, ayaa laga duubay muuqaal muujinaya isaga oo jilibkiisa qoorta uga haya Mr Floyd wax ka badan sagaal daqiiqo kahor inta uusan geeriyoon bishii May. Arintaas ayaana ka dhalatay dibadbaxyo ka dhacay adduunka oo dhan.

    Mr Chauvin, oo 45-sano jir ah, ayaa iska fogeeyay eedeymaha dilkaas. Qareenada difaacaya, ayaa ku doodaya in Mr Floyd oo 46-sano jir ah uu u dhintay daroogo xad dhaaf ah oo uu isticmaalay.

    George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanado badan ku noolaa Minneapolis.

    Wuxuu wakhtiyadii ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayay maqaayad, inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la'aan ahaa.

  2. Yemen oo la gaarsiiyay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka AstraZeneca

    .

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalka Yemen uu helay shixnaddii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19, toddobaad kadib markii dowladda Yemen ay ka digtay in dalka uu wajahayo musiibo caafimaad.

    UNICEF, ayaa sheegtay in seddax meelood meel halkii milyan ee tallaalka AstraZeneca ee dalkaasi loogu talagay ay gaareen dekedda koonfureed ee Cadan.

    Isbaheysi uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa la dagaalamayay fallaagada Xuutiyiinta Yemen muddo lix sano ah, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

    Hay’adda cunnada adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in tallaaladan ay noqonayaan kuwa wax ka tara dhibaatada ba’an ee arimaha bani’aadannimo ee adduunka haatan ka jirta.

  3. Sarkaal u dhashay Talyaaniga oo la qabtay isagoo sir ka iibinaya Ruushka

    .

    Talyaaniga ayaa dalkiisa ka eryay labo diblomaasi oo Ruushka u dhashay, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee Talyaaniga la qabtay isaga oo dukumiintiyo sir ah ka iibinaya nin la sheegay inuu basaas u ahaa Ruushka.

    Wasiirka arimaha dibada ee dalka Talyaaniga, Luigi Di Maio, ayaa sheegay in uu ku wargeliyay safiirka Ruushka in raggan si deg deg ah waddanka looga saaro, sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray, in ay arintan tahay xaalad aad halis u ah.

    Booliiska Talyaaniga, ayaa sheegay sarkaalka ka tirsan ciidamada badda iyo ninka u dhashay Ruushka in habeennimadii Tallaadada lagu qabtay magaalada Rome ee dalkaas.

    Ninka u dhashay dalka Ruushka, ayaa lahaa xasaanad diblomaasiyadeed, sidaasna lagu sii daayay. Booliiska ayaa sheegay in hay'adda sirdoonka gudaha ee Talyaanigu ay muddo dheer ugaarsaneysay rag basaasnimo looga shakiyay.

  4. Gabdho ku biiray ciidamada badda ee Puntland

    Faaduma Qaadi Xaashi, waa gabar ka qalinjabisay mid ka mid ah jaamacadaha maamulka Puntland, waxa ay dhawaan ku biirtay ciidammada badda ee maamulkaasi.

    Faadumo ayaa sheegtay inay doonayso inay dalkeeda ugu shaqeyso aqoontii ay soo baratay, dhanka kalana ay doonayso inay haweenka kale u caddayso in waxa wiil uu qabto gabadhuna ay qaban karaan.

    Arrintaas ayey sheegtay inay ku tahay caqabad gabdho badan oo ku hamiyayay inay ciidammada ku biiraan, haatanse uu isbadel jiro.

    Xerada lagu tababarayay gabadhaas iyo ciidammada kale ee badda ee Puntland waxaa galaangal u yeeshay Axmed Cawil Jaamac oo warbixintan ka diyaariyay.

    Video content

    Video caption: Gabdhaha ku biiray ciidamada badda ee Puntland
  5. Shirka dhalinyarada Soomaalida ee tiknooloojiyadda oo ka furmay Jigjiga

    Shirka dhalinyarada ee maanta ka furmay Jigjiga
    Image caption: Shirka dhalinyarada ee maanta ka furmay Jigjiga

    Magaalada Jigjiga waxaa maanta ka furmay shir ay ka qeybgalayaan dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala tegay daafaha caalamka, isla markaana looga hadlayo tiknoolajiyadda casriga ah iyo qaabka ay dhalinyarda uga faaiideysan karaan.

    Qaban-qaabiyayaasha shirka ayaa sheegay inay casuumeen dhalinyaro ka tirsan shirkadaha ugu waaweyn caalamka si looga faa'iideysto aqoontooda, isla markaana fursado shaqo ay u helaan dhalinta aan hadda camalka hayn.

    Maxamed Cumar oo kamid ah qaban qaabiyayaasha ayaa BBC u sheegay in kulanka looga hadlayo sidii dhalinyarada ay uga faa'ideysan lahaayeen tiknooloojiyadda gaar ahaan shaqo abuurka iyo horumarada kale ee laga dhaxlo.

  6. "Magaalada meel walbo ciidamo militeri oo wata baabuurta tiknikada ayaa lagu soo daadiyay"

    Dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho waxa ka socda kulan ay leeyihiin xildhibaannada kaas oo lagaga hadlayo qodobo ay kamid yihiin cudurka COVID19, ansixinta labo xubnood oo kamid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, iyo u codeynta sharciga qoxootiga qaranka.

    Dhawr iyo Toban xildhibaan oo horey golaha looga ganaaxay inay ka qaybgalaan shan fadhi ayaa loo diiday inay tagaan dhismaha Barlamaanka iyadoo ciidamo farabadan la dhigay wadooyinka gala dhismaha Barlamaanka.

    Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamad Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in ciidamada militeriga lagu daadiyay Muqdisho isla markaana laga hor istaagay in uu galo baarlamaanka.

    Video content

    Video caption: Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamad
  7. Madaxweynaha Niger ee aanan weli la dhaarin oo afgembi ka badbaaday

    Rasaas xooggan ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada Niger
    Image caption: Rasaas xooggan ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada Niger

    Ciidamada ilaalada madaxweynaha Niger ayaa ku guuldareystay inay fashiliyaan isku day afgembi oo xilka looga tuuri rabay madaxweynaha dhawaan ku guuleystay doorashada ee Niger saacado ka hor inta aan xilka loo caleemo saarin halka la xiray ciidamadii ku lugta lahaa falalkaas, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga.

    Rasaas xooggan ayaa saaka laga maqlay agagaarka madaxtooyada Niger.

    Balse ma jiro wax ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan isku dayga afgembi.

    Niger waxaa sare u kacay weerarada ay fuliyaan maleeshiyaadka iyo sidoo kale xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii lagu dhawaaqy Maxamed Bazoum in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada bishii Febraayo.

    Mahamane Ousmane oo ahaa madaxweynihii hore ee Niger oo ku guuldareystay doorashada ayaa diiday in uu aqbalo natiijada isla markaana wuxuu ku gacan seyray go'aan maxkamad ku taalla dalkaas ay ku ayidday guushii Maxamed Bazoum.

  8. Baarlamaanka oo ansixiyay xubnaha kamid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha

    Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay labada xubnood ee kamid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha.

    Waxaana taageeray 136 xildhibaan halka 3 xildhibaan ay ka aamustay.

    Kulanka ajandihiisu wuxuu ahaa feyrsaka Korona,in xildhibaannada ay u codeeyaan laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo sharciga qaxootiga qaranka.

  9. Mahad Salaad: "Ciidamo ayaa naga hor istaagay baarlamaanka"

    Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanadii laga mamnuucay inay ka qeybgalaan shan kal fadhi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hor istaageen in uu galo baarlamaanka.

    Dhinaca kale, Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay baarlamaanka ayaa sheegay “Baarlamaanka ayaan ku jiraa, ma u jeedi wax xildhibaanno ah ma ogi wax kale oo aad u jeeddiin ma lahan, ma aqaani shaqaalaha baarlamaanka inay noqonayaan askar”

    .
  10. Maxay tahay digniinta Al Shabaab ay kasoo saartay tallaalka la geeyay Soomaaliya?

    .

    Al Shabaab ayaa shacabka uga digtay inay isticmaalaan tallaalka AstraZeneca ee dhawaan la geeyay Soomaaliya.

    Waxay shaki ka muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalka iyagoo soo hadal qaaday in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida ay ku baahiyeen bogag taabacsan kooxda.

    Al Shabaab ayaa sheegtay in dowladda aysan laheyn qalab ama sheybaar tayeysan oo lagu hubin karo waxtarka iyo ammaanka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

    Waxay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

  11. Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo inay kulan yeeshaan

    .

    Waxaa maanta galinka hore lagu wadaa in xubnaha golaha shacabka ee Soomaaliya ay yeeshaan fadhi uu hore ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Sida ku cad war ka soo baxay guddoonka golaha shacabka waxaa kulanka maanta ajandihiisu uu yahay fayraska korona oo xilligan fara ba’an ku haya dalka Soomaaliya, in xildhibaannada ay u codeeyaan laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo sharciga qaxootiga qaranka oo loo codeeyo.

    Kulankii uu baarlamaanku uu yeeshay Sabtidii ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday ka dib markii xubno ka tirsan baarlamaanka ay gudoonka ku eedeeyeen in ay wadaan qorshe lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga.

    Waxaana jidadka gala madaxtooyada la dhigay ciidamo badan iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay.

    Buuqaasi kaddib guddoonka golaha shacabka ay 5-ta fadhi ee soo socota waxa uu ka ganaaxay 15 xildhibaan oo guddoonku ku eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen kalfadhigii Sabtidii.

  12. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.