Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. War deg deg ahLix ku dhumatay isqarxin ka dhacday Muqdisho

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay afar kalana way ku dhaawacantay weerar isqarxin ah oo ka dhacay mukhaayad ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho caawa fiidkii.

    Qaraxa ayaa ka dhacay mukhaayad shaaha lagu cabbo oo ku taalla degmada Shingaani.

    Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiray will yar oo saqiir ah iyo qofkii is qarxiyay isagoo adeegsanaya jaakad.

    BBC
  2. Ruushka oo digniin u diray xulufada gaashaanbuurta Nato

    Ruushka ayaa dhaqdhaqaaq militeri ka waday gobolka Crimea
    Image caption: Ruushka ayaa dhaqdhaqaaq militeri ka waday gobolka Crimea

    Ruushka ayaa dalalka ka tirsan gaashaanbuurta uga digay inay ciidamo u diraan dalka Ukraine xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo in Ruushka uu ciidan uruursi ka wado deegaannada dhaca xadka.

    Afahayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo ee Kremlin ayaa sheegay in Ruushka uu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah waa haddii Nato ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.

    Xiisad ayaa laga soo sheegayo bariga Ukraine iyadoo uu dagaal dhexmaray ciidamada Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka.

    Waxaa heegan la geliyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Yurub kadib waxa lagu tilmaamay dandaansiga sii kordhayo ee gobolka uu ka wado Ruushka.

    Sarkaal ka tirsan Nato ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in Ruushka in uu faragelin ku hayo dadaallada lagu xoojinayo amniga bariga Ukraine isla markaana safiirada Nato ay Khamiistii kulan ka yeesheen xaaladda.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay tallaabada Ruushka, wuxuu sheegay in Ruushka ay dhaqan u tahay dandaansiga iyo dhoolatuska ciidan ee ku sameynayo xadka.

  3. Maxay tahay dawadan ay adeegsadaan dhalinyarada Soomaalida ee la hadal hayo?

    Waxa maalmahan ba isa soo taraysay hadal haynta ah in dhaliyarada Soomaaliya qaarkood ay isku mudaan dawo xanuun baabiiye xoogan ah oo loogu talo galay dadka ay gaadhaan dhaawacyada culusi.

    Dawadaas ayaa marka si qaldan loo adeegsado ee isku rogta maan dooriye qofku qabatimo oo halis caafimaad keenta dhakhaatiirtuna aa uga digaal halisteeda.

    Dr Maxamed Nuur Salaad oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ayaa BBC uga warramay halista dawadan daroogada ah.

    Video content

    Video caption: Maxay tahay dawadan ay adeegsadaan dhalinyarada Soomaalida ee la hadal hayo?
  4. Kooxda Jabuuti ee soo iibsatay laacibkii Yurub ka dheeli jiray oo guul soo hoyisay

    Alex Song oo u dheelayo mid kamid ah kooxihii ay ciyaarta dhexmartay ee Jabuuti
    Image caption: Alex Song oo u dheelayo mid kamid ah kooxihii ay ciyaarta dhexmartay ee Jabuuti

    Waxaa dalka Jabuuti lagu soo gabagabeeyay ciyaaraha horyaalka qaran ee heerka koowaad, waxaana ku guuleysatay kooxda Carte Solar.

    Kooxda Carte Solar ayaa 4 iyo 2 kaga badisay kooxda As Port.

    Guusha Carte Solar ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda ay kharash badan gelisay tababarada ciyaartoyda iyadoo ciyaartoy caalami ah kasoo iibsatay dibadda.

    Waxaa kamid ah ciyaartoyda caalamiga ah ee u dheesha Carte Solar, Alex Song oo horraan u dheeli jiray kooxaha Arsenal iyo Barcelona.

    Alex Song oo kasoo jeedo dalka Cameroon wuxuu kooxdan ka dhisan Jabuuti la galay heshiis 2 sano ah.

    Waana markii ugu horreysay ay kooxdan guul kasoo hoyiso ciyaaraha horyaalka Jabuuti.

    .
  5. Xayiraad looga dhawaaqay Talyaaniga

    Xayiraadda ayaa maanta ka dhaqangashay Talyaaniga
    Image caption: Xayiraadda ayaa maanta ka dhaqangashay Talyaaniga

    Waxaa dalka Talyaaniga maanta ka dhaqan gashay saddex maalmood oo xayiraad ah oo looga hortaggayo mowjaddii saddexaad ee cudurka Karoona oo saameyn ku haya halkaas xilliga dabaaldegga Easter-ka.

    Booliska ayaa fulinayaa howlgal lagu xaqiijinayo in dadka ay u hoggaansamaan amarrada.

    Waxaana dadweynaha la faray inay joogaan agagaarka guryahooda isla markaana ay marti qaadi karaan oo kaliya ah xilliggan labo qof.

    Waxaana la xiray dukaamada iyo xarumaha ganacsiga dalkaas.

    Sidoo kale, xayiraad ayaa maanta gelinka dambe ka dhaqan galeysaa dalka Faransiiska.

  6. War deg deg ahWeerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo marayay duleedka Dhuusamareeb

    Kolonyo milatariga Soomaaliya ka tirsan oo maraysay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu qaaday weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Ciidamo ka tirsan milatariga iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa isku fara saaray deegaanka Sinadhaqo oo Koonfur uga beegan Dhuusamareeb.

    Illo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan qaybta 21-aad lagu dilay dagaalka.

  7. Shirka wadatashiga madaxda oo Muqdisho ka furmay

    Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

    Waxaana goob joog ka ah dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada, Madaxweynaha,Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Waxaana shirka furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shirkan ayaa ah mid horudhac ah oo looga hadlayo ajanddaha shirka la filayo in maalmaha socda uu dhexmaro madaxda sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada Soomaaliya.

  8. Dowladda oo ka hadashay weerarka lagu qaaday saldhigyo ku yaalla Shabeellaha Hoose

    Taliyaha militeriga Soomaaliya
    Image caption: Taliyaha militeriga Soomaaliya

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashilyay weerar ay Al Shabaab kusoo qaaday saldhigyo ay ciidamada ku leeyihiin deegaanada Bariirre iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Taliyaha ciidamada militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.

    Milatariga wuxuu sheegay inay wali ku raad joogaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka dagaal culus ku qaaday dhawr saldhig oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose.

    Al Shabaab waxay mar sii horreysay sheegtay inay 'cagta marisay' labo saldhig oo ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin Bariirre iyo Awdheegle.

    Waxay sidoo kale sheegeen in ay dileen askar ka tirsan militeriga Soomaaliya, sida laga soo xigtay bogag taageera kooxda.

    Labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray ayaa midba midka kale sheegay inuu ka dilay dhawr iyo afartan qof, kana furtay saanad ciidan.

  9. Maxaa haatan sahlay in madaxda Puntland iyo Jubaland ay ogolaadaan ka qeybgalka shirka?

    Xilli la filayo in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu wado in uu dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadaba isweydiintu waxay tahay waa kuwii muddo is mari la'aa madaxdaasi, maxaa haatan sahlay isu imaanshahooda?

    Dr. Cabdi Maxamuud Xirsi oo ah cilmibaare ka tirsan machadka Daraasaadka Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Griffs ee daka Australia ayaa BBC u sheegay in cadaadis ka yimid beesha caalamka uu fudeeyay in madaxda ay maanta ku heshiiyeen in la qabto shirka.

    “Is rabitaan iyo is ogolaansho xagooda ka yimid ma aha..waa culeys kaga imanayo ajaaniibta iyaga howlahooda hadda ku dhex jirta"

    Video content

    Video caption: Shirka lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho
  10. Arrinta amniga iyo shirka la filayo in maanta uu Muqdisho ka furmo

    Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirkii dhawaan ka dhacay Afisyoone
    Image caption: Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirkii dhawaan ka dhacay Afisyoone

    Waxaa maanta lagu wadaa in magaalad Muqsiho uu ka furmo shir u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuw maamul goboleedyada.

    Shirkan ayaa ah mid kalsooni dhisid ah, wuxuu horudhac u yahay shirka kale ee la filayo in maalmaha soo socda uu dhexmaro madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda kaas looga hadli sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada.

    Puntland iyo Jubaland oo horraan ka maqnaa shirarkii ka dhacay xerada Afisyoone ayaa sheegay in shirkan ay ku baaqeen waakiilada beesha caalamka isla markaana ay ka qeybgalayaan.

    Waxaana tan iyo xaley ilaa shaley laga wadahadlayay amniga goobta uu shirka ka dhacayo oo ah teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyoone.

    Waxayna u muuqataa in heshiis laga gaaray cidda sugi doonto amniga goobta kulanka lagu qabanayo.

    Waxaana toddobaadyadii amniga goobta gacanta ku hayay ciidamada ilaalada madaxtooyada.

    Wuxuu khilaafka ka taagan yahay ajandaha shirka iyadoo in kulanka lagu gorfeeyo shirka weyn ee la filayo in uu dhexmaro madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda.

  11. Post update

    Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.