Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Nin codsigiisii magangelyo doonka la diiday oo baadari ku dilay Faransiiska

    .
    Image caption: .

    Wararka ka imanaya Faransiiska ayaa sheegaya in maydka baadari kaatoli ah laga helay tuulada Saint-Laurent-sur-Sèvre ee dalka Faransiiska. Ninka la tuhunsan yahay inuu qudha ka jaray baadariga ayaa la sheegay inuu yahay nin magangelyo doon ahaa oo u dhashay dalka Rwanda oo codsigiisii la diiday.

    Waxa kale oo ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale ninkaa la tuhunsan yahay lagu eedaynayo in qudhiisu ka masuul ahaa dab la qabadsiiyey sannadkii hore kaniisadda magaaladaa oo khasaare ballaadhan gaadhsiiyey kaniisadda.

    Ninkaa eedaysanaha ah ayaa booliska isku dhiibay sida ay haatan wararka sheegayaan, waxaana magaalada dilku ka dhacay haatan gaadhay wasiirka arimaha gudaha Faransiiska.

  2. Daraasad ka dardaar werinaysa abaaro iyo duufanno dunida ku soo fool leh

    Qaramada midoobay ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in aadamuhu keligii ka masuul yahay korodhka heer kulka dunida ee badda iyo berrigaba.

    Waa warbixintii ugu dhiillada badnayd ee ay QM soo saarto waxaanay gudida hawshaa loo saaray warbixinteeda ku sheegtay in isbedelka cilmilada laga dareemi doono dhammaan daafahadunida oo la arki doono heer kul sareeya, roobab mahiiganno ah, abaaro iyo duufaanno.

    Hase yeeshee warbixinta waxa lagu sheegay in ay jirto fursad lagaga hor tagi karo in xaaladdu ka sii darto hadii la dhimo qiiqa iyo kaarboonka hawada lagu sii daayo. Warbxintu waxay sidoo kale saadaalisay in heer kulka dunidu qarnigan kor u dhaafi doono hal iyo badhkii digrii sentigiraydh ee hore loo saadaaliyey.

    .
    Image caption: .
  3. Safaaradda Kenya ee Muqdisho oo maanta dib loo furay

    Wasiirada arimaha dibada Kenya iyo Soomaaliya
    Image caption: Wasiirada arimaha dibada Kenya iyo Soomaaliya

    Safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa maanta dib loo furay.

    Waxa safaaradda xadhiga ka jartay wasiirka arimaha dibada Kenya,Raychelle Omamo, oo Soomaaliya booqasho ku tagtay maalintii shalay ahayd. Waxaana kala qayb galay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Kenya.

    Safaaradda waxa dib loo furayaa muddo sideed bilood ah oo ay xidhnayd ka dib markii ay Soomaaliya xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kenya bishii Diisember ee 2020 oo ay ku eedaysay in ay si toos ah u faro gelisay arimaha gudaha ee dalkeeda, hase yeeshee ay Kenya arintaasi beenisay.

    Khilaafkaas ayaa la xaliyey bishii May ee sannadkan ka dib markii uu Amiirka Qadar, Tamiim Bin Xamad, telefoonka kula xidhiidhay labada madaxweyne ee labda dal.

  4. Ilmo isaga oo xabbad tufaaxa leeg dhashay oo isbitaalka saaray

    Kwek Yu Xuan
    Image caption: Kwek Yu Xuan

    Waxa qaybta daryeelka culus ee isbitaal ku yaal dalka Singapore laga saaray ilmo la rumaysan yahay inuu yahay kii ugu miisaanka yaraa dunida ee dhasha oo ku jiray muddo 13 bilood ah.

    Kwek Yu Xuan markii ay dhalatay waxa miisaankeedu ahaa 212 g oo u dhiganta miisaanka xabbad tufaaxa dhererkeeduna wuxuu haa 24 cm.

    Intii ay isbitaalka ku jirtay Yu Xuan waxa la siinayey dawooyin badan oo kala duwan waxaanay nolosheedu ku tiirsanayd mishiino kala nooc ah.

    Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in caafimaadkeeda iyo korriinkeeduba si fiican u hano qaadeen intii ay gacantooda ku jirtay haatanna ay fiican tahay oo dhakhtarka laga saarayo.

    Yu Xuan waalidkeed waxa qaadhaan lagaga bixiyey lacagta isbitaalka oo dhan 336,884 doolar.

  5. Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo heshiis ka gaaray dhaqaalaha doorashada

    .

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qayb kamid ah misaaniyadda doorashooyooyinka oo gaaraysa toddobo malyan iyo labo boqol oo kun oo doolar ($7.2 Million).

    Lacagtan oo ay bixinayaan deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto dardargalinta doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.

    Dhinaca kale isla maanta waxa magaalada Muqdisho dib loo furay safaaradda dalkan Kenya ku leeyahay Soomaaliya oo xirneyd dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababbo la xiriira khilaafka ka dhaxeeyay labada wadan oo hadda u muuqda inay meelo badan isaga soo dhawaanayaan.

  6. Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday gobolka Canfarta

    .

    Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

    Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

    Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

    Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

    Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

  7. ‘Al Shabaab’ oo sii deysay darawaallo qaad waday

    .

    Koox lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo warramaya inay sii daayeen labo qof oo darawal ka ahaa baabuur jaad siday oo mareysay deegaanka Kulan ee dhaca duleedka Gaarisa ee gobolka waqooy bari Kenya, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

    Ragga afduubtay darawalladan ayaa la baxsaday gaarigii jaadka siday.

    Darawallada ayaa gaaray saldhigga booliska ee Dhadhaab halkaas oo ay ka hor sheegeen dhibaatadii ay la kulmeen intii ay gacanta ugu jireen kooxahaas.

  8. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria oo la afduubtay

    .

    Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria ayaa la afduubtay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka gobolka dhaca bartamaha ee Niger.

    Maxamed Sani Idris- oo ah madaxa warfaafinta gobolka Niger ayaa saaka dabley hubeysan ka qafaalatay gurigiisa.

    Laamaha amniga ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan sarkaal la afduubtay.

    Dhawaan ayay aheyd markii waaliddiinta dhalay guddoomiyaha baarlamaanka gobolka Zamfara ee Nigeria la afduubtay.

  9. Golaha Amniga oo lagu wado in uu ka doodo amniga badda Soomaaliya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa in uu qabto dood furan oo looga hadlayo amniga badda Soomaaliya.

    Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Amniga warbixin ka siin doonaa arrimaha amniga ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee xafiiska Qaramada Midoobey ee qaabilsan nabadda iyo siyaasadda.

    View more on twitter
  10. Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Karoona ee Gaarisa oo korodhay

    Waxaa mar kale sare u kacday tirada dadka uu soo ridanayo fayraska Corona ee magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo xanuunku haatan ku sii fidayo tuulooyinka ku xeeran magaaladaasi.

    Sara u kacan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid tahay, dadka oo aan u hoggaansameyntalooyinka ka hortagga cudurka.

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee deegaankaasi, ayaa aaminsan in magaaladda ay hadda wajaheyso mowjadda labaad ee fayraska Corona, isla markaana uu noqon karo faraca cusub fayraska oo loo yaqaanno Delta.

    Haddaba faahfaahin intaa dheer waxaan weydiinnay, Roble saciid Nunoow, wasiirka cafimaadka ee Garissa, wariyaha BBC-da Xassan Sheekh Cumar ayuu u warramay.

    Video content

    Video caption: Cudurka Covid-19 iyo saameynta uu ku hayo Gaarisa
  11. "Wax kasta waxaa ka horreeya saaxibtinimada" sida caalamka looga hadal hayo Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi

    .

    Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa hadal heysaa dhiirigelinta uu Cabdi Nageeye uu u muujiyay Bashiir Cabdi xilli ay ka qeybgalayeen tartanka orodka dheer ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in ‘Cabdi Nageeye uu saaxibtinimada uu ka horumariyay wax kasta maadama Bashiir Cabdi uu ugu baaqay in uusan ka harin si kaalmaha hore uu u galo’

    Reuters waxay cinwaan uga dhigtay sheekada labada orodyahan ee Soomaalida ah, "Wax kasta waxaa ka horreeyaa saaxibtinimada xilli Nageeye uu gacan haatiyay Bashiir Cabdi si uu kaalin wanaagsan uga galo tartanka"

    “Markii ay inoo soo hartay 800m, waxaan doonayay in aan dheereeyo balse waxaan ka fakaray Bashiir oo aan ku dhahay, horey usoo soco” ayuu yiri Nageeye.

    Soomaalida ayaa baraha bulshada si weyn uga hadal heysay orodyahanadii Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay dalalka Netherlands iyo Belgium.

    Tartankaas waxaa ku guulaystay Eliud Kipchoge oo u dhashay Kenya halka kaalinta labaad iyo saddexaad ay kala galeen Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-ka.

    Waxaa la arkayay Cabdi Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka dambeeyay xilli ay ordayeen.

    “Waxaan nahay labo wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore aan ka horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin, Soomaali haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ” ayuu yiri Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.

    “Maanta kolba soo soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii sheegayay oo dhiirigelin ii ahaa”

  12. Askar Itoobiyaan ah oo isku rasaaseeyay Baardheere

    Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya
    Image caption: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya

    Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay is rasaaseeyeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka.

    Wararka waxay intaa ku darayaan in dhawaac uu soo gaaray askari halka midka kalena uu dhintay.

    Lama ogo sababta ka dambeysay dhacdadan.

  13. Dagaalka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ee 22 qof ay ku dhinteen

    .

    Mas’uuliyiinta dalka Chad waxay sheegeen in 22 qof ay dhinteen halka 18 ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal dhexmaray dad xoolo dhaqato iyo beeraley ku sugnaa gobolka galbeedka ku yaalla ee Hadjer-Lamis.

    Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Abdramane Koulamallah ayaa sheegay in ciidamo loo diray gobolka ay dhibataadan ka dhacday si xiisadda ay u dejiyaan.

    Colaadda ka dhex taagan dadka beeraleyda ah iyo carabta xoolo dhaqatada ah ayaa ah mid marar badan soo laba kacleysay oo ay dad badan ku dhinteen.

    Barasaabka gobolka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in dagaalka uu Sabtidii ka qarxay halkaas kaas u dhexeeyay dadka Boulala iyo bulshada carabta ee xoolo dhaqatada ah.

  14. Post update

    Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.