Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. G7 oo ku dhiirigalisay Taliban iney oggolaadaan dadka la daabulayo

    Kooxda G7
    Image caption: Kooxda G7

    Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay G7, ayaa maanta oo khamiisa ah ka dalbadey Taliban iney qadariyaan balamihii adkaa, ee ay ku galeen iney dadka dalka isaga baxaya safarkoodda u oggolaadaan.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Dominic Raab, ayaa uggu sheegay shirkani kooxda bayaankii uggu horeeyey oo toosa, oo la xiriira qalalaasaha ka taagan Afghanistan.

    Wasiiradda ayaa aad ugga walwalsan wararka sheegaya in aargoosi rabshado wata ay ka dhaceen qeybo kamid ah Afghanistan, ayuu Raab ku yiri bayaankiisa.

    Wuxuu intaa ku darey bayaanka in dalalka horey ugga marey dhanka warshadaha ee qaniga ah ee ku bahoobay kooxda (G7), ay sii wadayaan dadaaladooda ay ku sameynayaan wax waliba oo macquul ah.

    Dadaalka ayaa ah sidii loo sii socod siin lahaa kasoo daad gureynta dadka nugul garoonka Kabul, iyagoo ka dalbadey dhammaan dhinacyada kala duwan iney sii wadaan fududeynta tasiilaadka adeegani daabulista.

    Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay iney si joogta ah ugala xiriiraan ururka Taliban arrinta la xiriirta daad gureynta, iyadoo afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga, John Kirby, uu intaa ku darey in Taliban ay lagama maarmaan u aheyd in lagala heshiiyo hawlgalka socda haatan.

  2. Haweenka reer Afghanistan oo quus ka taagan Taliban

    Askari katirsan Taliban
    Image caption: Askari katirsan Taliban

    Haweeney reer Afghanistan ah oo wax baratey, wadatana dal kugal wadan kala ah, ayaa u sheegtay BBC-da iney dib ugga soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee Kabul ciidamada Taliban, iyagoo u sheegay iney aheyd qof kaligeed socda.

    Waxey sheegtay iney timid garoonka, waxaana u yimid labo illaa iyo saddex nin oo hubeysan, kuwaasoo weeydiiyey sababta aanu ula socon nin (Maxram) ah.

    “Waxey aheyd wax laga naxo, oo qaraw oo kala ah, lana mida filimada oo kale,” ayey u sheegtay haweeneydani laanta Afghan ee BBC-da.

    Haweeneydani oo diiday iney carab dhabto magaceeda, ayaa sheegtay inaaney jirin wax is badal ah oo ku dhacey dagaal yahanada Taliban.

    Waxey ku nuux nuux satey iney yihiin kuwo manaxayaal ah Taliban sidii waagii hore oo kale, ayey tiri, iyadoo sheegtay iney ka baqeyso inaaney marnba u oggolaan doonin iney dalka Afghanistan ka dhoofto.

    Waxey uggu danbeyn sheegtay inaaney jirin wax rajo ah haatan, oo ay ula mid tahay dhamaadkii dunida.

    Sida aan kal hore soo tabinay, hey’adda Norwegian Centre for Global Analyses, ayaa u sheegtay Qaramada Midoobay in Taliban ay haatan qoranayaan shabakad cusub oo jaajuusiin ah, si ay ula hawl galaan maamulkoodda cusub.

  3. Taliban: ‘Nalguma eedeyn karo isku dhex yaaca jira’

    Kooxda Taliban
    Image caption: Kooxda Taliban

    Sargaal katirsan Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in ururkoodda aan ‘lagu eedeyn karin‘ isku dhex yaaca iyo buuqa ka jira agagaaraha garoonka diyaaradaha ee Kabul, taasoo dadka inta badan ay kusoo xoomeen, si ay u dhoofaan.

    Sargaalka ayaa intaa ku darey in maamulka iyo xakameynta goobaha uu gacanta ku hayo ururka Taliban, ay u tahay mudnaanta koowaad ee ay leeyihiin.

    Wada hadalada u socda hoggaamiyeyaasha Taliban ee arrimaha qarankani, ayaa bilawdey, sida uu sheegay sargaalka.

    Wuxuu carabka ku adkeeyey sargaalka in xubno sar sare oo katirsan kooxda ay haatan bilaabeen iney diiwaan galiyaan hubka, xabadaha iyo baabuurta ay ka tageen ciidamada Mareykanka iyo kuwii kale ee isbaheysiga la lahaa.

  4. Booliiska Mareykanka oo wada xaajood kula jira nin wata gaari qarax kuxiran oo hortaagan Congress-ka

    Capitol Hill
    Image caption: Capitol Hill

    Booliiska ayaa baaraya wax loo maleynayo bamba khatar ah oo qarxi karta, oo laga helay meel u dhaw xarunta baarlamaanka ee Capitol ee magaalada Washington DC.

    Booliiska Mareykanka ee Capitol, ayaa sheegay in hadda ay la xaajoonayaan darawalka baabuurka walxaha laga shakisan yahay ee qarxa wada, kaasoo joogga meel u dhaw Congress-ka, marka loo gooyo jidka dhanka Capitol-ka iyo Maxkamadda Sare.

    Ujeedada darawalka wali lama ogga, sida ay booliisku sheegeen.

    Dhismayaal dhawr ah ayaa laga daad gureeyey dadkii ku jirey, ha yeeshee shaqaalaha qaarkood ayaa wali kasii hawl galaya xarunta baarlamaanka ee Capitol-ka.

  5. Maxay shan kun oo askari oo Mareykan ah ka hayaan Kabul?

    In ka badan 5,200 oo askeri ayaa ku sugan caasimadda Kaabuul ee dalka Afqaanistaan, sida ay sheegtay waaxda gaashandigga Mareykanka.

    In badan oo ka mid ah ayaa ka dagay Kaabul maalmihii la soo dhaafay.

    Waxay ku howlan yihiin fududeynta daabulista muwaadiniinta Mareykanka . Ilaa iyo hadda 7,000 oo qof ayay milatariga Mareykanka ka qaadeen kaabul.

    Afhayen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidammada Mareykanka ay halkaa sii joogi donaan ilaa iyo 31 August.

    bbc
  6. Qaramada Midoobay iyo hey’addo kale oo dunida qeylo dhaan u direy

    Qaramada Midoobay
    Image caption: Qaramada Midoobay

    Madaxda hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa Qaramada Midoobay, ayaa war ay si wadajir ah usoo saareen ka dalbadey dalalka dunida dhaqaale degdeg ah, oo gargaar dheeraad ah looggu fidiyo dadka reer Afghanistan.

    Waxey sidoo kale sheegeen in joogitaanka, iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadanimo, ay haatanba ka godey gargaar lagu qiyaasay US $800 milyan.

    Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney laba laabeyso gargaarka ay u fidineyso dadka reer Afghanistan, iyadoo gaarsiineysa sanadkan 286 milyan oo pound.

    Dunida ayaa walaac weyn ka muujisay xaaladda Afghanistan ee sida deg dega ah isu badashey, ka gadaal markii xukunka dalkani ay la wareegeen ururka Taliban.

  7. Diyaaraddii uggu horeysay oo wada dad reer Afghanistan ah oo gaartey Ingiriiska

    Wasaaradda difaaca Ingiriiska
    Image caption: Wasaaradda difaaca Ingiriiska

    Wasaaradda difaaca Ingiriiska, ayaa la wadaagtay dadweynaha video tusinaya, dad shacab ah, oo kasoo dagaya diyaarad, kuwaasoo ka yimid magaalada Kabul, soona gaarey Ingiriska.

    Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa dad Ingiriis ah iyo kuwa u dhashey Afghanistan, iyadoo diyaaraddu kusoo dagtey Midland maalintii arbacada aheyd.

    Ingiriiska ayaa xaqiijiyey inuu qaadanayo illaa iyo qaxooti reer Afghanistan ah, oo gaaraya 20,000 sanadaha so socda, taasoo ah mashruuc cusub, iyadoo sanadkanna dibu dajin loo sameyn doono illaa iyo shan kun.

    Illaa iyo 2,000 oo shaqaale u ahaan jirey Ingiriiska, ayaa iyaga iyo qoysaskooda la geeyey dalkani, iyadoo loo sameeyey sharci gaar ah oo layiraahdo (ARAP), sida ay sheegay wasaaradda arrimaha gudaha, halka oonayo yoolka la higsanayo uu yahay in la qaado dhamaadka sanadka 2021-ka illaa iyo shan kun.

  8. NATO oo qirtay inay cashir lama ilaawaan ah ka barteen Afqaanistaan

    Xoghayaha isbaheysiga NATO – ayaa qirtey in la wareegista dalka Afghanistan ee ururka Islaamiga ee Taliban uu cashar lama ilaawaan ah ku yahay isbaheysiga.

    Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in xawaaraha aadka u sarreeya ee ay kula wareegeen kooxda Taliban dalka Afghanistan ay aheyd wax la yaab leh, ha yeeshee wuxuu ku gacan seyrey talo soo jeedinta tilmaamaysay in NATO kusii nagaato Afghanistan, kadib markii uu Mareykanka go’aan sadey inuu isaga baxo dalkani.

    reu
    Image caption: Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg
  9. 'Nolosha Taliban waxay u muuqataa mid caadi ah, balse sidaa ma ahan'

    Nin mooto saaran

    Goobaha ganacsiga qaar ka mid ah ayaa la furay, dadkana waxay billaabeen in ay suuqa adeeg u doontaan, magaalada Mazar-i-Sharif, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dhanka dhaqaalaha ee Afghanistan.

    Waa magaalo ay ku badan yihiin qowmiyadaha ugu yar dalkaas sida Hazaras iyo Uzbeks – Ururka Taliban ayaa magaaladaas bartilmaameedsaday markii xukunka ay hayeen, 1996 illaa 1999.

    Balse, markan waxay kooxda sheegtay in aysan jiri doonin rabsho ama dhibaato ka dhan ah qowmiyad – dadka magaalada kuma aysan qancin hadalkaas.

    Nasim Javid, oo xaaladda halkaas ka jirtay BBC uga sheekeynayay tan iyo Axaddii, wuxuu sheegayaa in qof kasta uu iskadhigayo mid caadi ah.

    "Balse ma jiro wax caadi ah. Cabsida waxaan ka dareemayaa lafaha, markaan bannaanka u baxo. Taliban ayaa meel kasta ku sugan," ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in dagaalyahannada Taliban aysan weli gudaha u galin xaafadaha iyo guryaha dadka, waxayna isku deyayaan in hoggaamiyeyaasha bulshada ay la shaqeeyaan, si ay u muujiyaan badqabka dadka.

    Balse, cabsida meel kasta ayaa laga dareemayaa, ayuu yiri. “Dumarka ma doonayaan in ay bannaanka u baxaan keligood, TV-ga deegaankana wuu joojiyay heesaha iyo aflaanta”, ayuu yiri.

  10. Taalibaan oo cadaadis dhaqaale lagu billaabay

    Bangiyada Afghanistan ma hayaan lacag ay dadka la bixi karaan
    Image caption: Bangiyada Afghanistan ma hayaan lacag ay dadka la bixi karaan

    Iyadoo Taalibaan ay isku deyeyso in ay qaab-maamulkeeda caddeyso, haddana hay’adaha lacagta ee Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka, waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyiin ay ku xannibaayaan in ururka uu helo dhaqaalaha dalka.

    Afghanistan wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan caalamka – waana waddan si wayn ugu tiirsan kaalmada caalamiga ah, taas oo dakhliga dalka ka ah 43 boqolkiiba.

    "Afghanistan si wayn ayey ugu tiirsan tahay deeqda caalamka. Kaalmada caalamka waxay toban jibbaar iyo ka badan tahay dhaqaalaha ay taalibaan iskood u helaan," ayey tiri Vanda Felbab-Brown, oo ah qof ku taqasustay dhaqaalaha Afghanistan oo ka tirsan machadka Brookings Institution.

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale xannibtay in Taliban ay helaan dhaqaalaha Afghanistan ee daafaha caalamka kale yaalla iyo lacagta keydka dalkaas – oo inteeda badan taallo bangiyada Mareykanka ama Yurub.

    Arbacadii, Hay’adda Lacagta Adduunka, IMF, waxay hakisay lacagtii deeqda ahayd ee Afghanistan – taas oo sabab ay uga dhigtay in Caalamka uusan aqoonsanayn Taaliban.

    Deeq-bixiyeyaal kale ayaa dhankooda sheegay in ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Afghanistan.

    Dadka arrimahan ka faallooda waxay sheegayaan in tuujinta dhaqaale ay tahay awoodda ay Reer Galbeedka horey ugu sii socon karaan.

  11. 12 qof ku dhimatay garoonka diyaaradaha ee Kabul

    Garoonka diyaaradaha Kabul
    Image caption: Garoonka diyaaradaha Kabul

    Illaa 12 qof ayaa lagu dilay gudaha iyo hareeraha garoonka diyaaradaha ee Kabul, tan iyo Axaddii, sida ay sheegeen madaxda Taalibaan.

    Xubin sare oo ka tirsan ururka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu sheegay in dhimashada ay sababtay rasaas la ridayay ama isbuurashada dadka.

    Wuxuu dadka dhooban albaabada garoonka u sheegay in ay guryahooda ku noqdaan, haddii aysan haysanin warqado sax ah oo ay ku safri karaan.

    Wuxuu sheegay in Taalibaan "aysan dooneynin in ay qofka ku waxyeeleyso" garoonka Kabul.

    Waxaa halkaas ka jiro xaalado kacsan iyo jahwareer, iyadoo kumannaan qof ay isku deyayaan in dalka ay ka qaxaan.

    Garoonka diyaarada ee Kabul wuxuu weli gacanta ugu jiraan ciidamada Mareykanka, balse daafihiisa waxaa ku hareereysan ilaali Taalibaan ah.

    Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in kooxda ay dadka dib u celineyso, xitaa kuwa sita waraaqaha saxda ah ayey u diidayaan in ay galaan dhismaha garoonka.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee Afghanistan

    Soo dhowaada markale iyo tabinta tooska ah. Wararkii ugu dambeeyay ee Afghanistaan waxaaka mid ah:

    • Madaxweynaha Mareykanka oo laba laabay go’aankiisa ah in askarta Mareykanka ay ka soo wada baxaan Afghanistan.
    • Wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka ABC News, wuxuu ku sheegay in ay suuragal tahay in ciidamada qaar ee Mareykanka ay ku sii sugnaadaan Afghanistan.
    • Mareykanka iyo dalalka kale, waxay weli sii wadaan in muwaadiniintooda iyo dadka Afghanistan ee halista wajahaya in laga soo daadgureeyo dalkaas.
    • Ciidamada Mareykanka ayaa weli si kumeel-gaar ah gacanta ugu haya maamulka Garoonka diyaaradaha ee Kabul, Balse askarta Taliban iyo baro-koontorool ayaa yaallo hareeraha dhismaha garoonka.
    • Waxay celinayaan dadka aan wadanin warqado ay ku safraan. Sidoo kale kuwa warqadahooda ay sax yihiin xitaa dhibaato ayey kala kulmayaan.
    • Waxay Taliban hor istaageen isu soo bax looga soo horjeeday kooxda oo ka dhacayay magaalada Jalalabad ee Bariga dalkaas, waxaana lagu soo warramayaan in tiro dad ah ay ku dhinteen.
    • Hay’adda IMF waxay sheegtay in Afghanistan aysan heli doonin lacag.
    • Madaxweynaha dalka Ashraf Ghani oo cararay markii Talibaan ay qabsatay Kabul ayaa ka soo muuqday dalka Imaaraatka.
    • Muuqaal uu soo duubay wuxuu ku beeniyay in uu dalka ka qaxay, wuxuuna tilmaamay in uu ku noqon doono marka ay xaaladaha u saamaxaan.
  13. Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka bixiso Afghanistaan

    Qaramada Midoobay ayaa billowday inay Afghanistan ka bixiso ilaa 100 shaqaale caalami ah, si ay uga shaqeeyaan Kazakhstan, sida uu sheegay afahayeen u hadlay hay’adda.

    Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii joogto oo ay taageero gaarsiiso dadka reer Afgaanistaan xilliga ay u baahan yihiin.

    ‘‘Tani waa tallaabo ku -meelgaar ah oo loogu talagalay in Q/M ay awood ugu yeelato inay sii waddo gargaarka ay siiso dadka reer Afgaanistaan, iyadoo isla markaana hoos u dhigaysa halista shaqaalaha Qaramada Midoobay’’, ayuu yiri Durjarric.

    Qaramada Midoobay, ayaa Afghanistan waxaa ka jooga ku dhawaad 300 oo shaqaale caalami ah iyo 3,000 oo shaqaale reer Afgaanistaan ah.

  14. Ciidamada Mareykanka oo rasaas digniin ah ka riday garoonka diyaaradaha Kabul

    .

    Wasaaradda gaashaandhiga Mareykan, ayaa sheegtay in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul ay gaarayaan ilaa 4,500, iyadoo la filayo in 700 oo kale ay yimaadaan saacadaha soo socda.

    Af -hayeenka wasaaradda John Kirby ayaa goor sii horreysay sheegay, in Mareykanka uu qorsheeyay in ku dhawaad 6,000 oo milateri ah ay joogaan garoonka diyaaradaha si ay gacan uga geystaan daad gureynta shaqaalaha Mareykanka iyo xulafadooda.

    Ciidamada ayaa halkaas u jooga inay gacan ka geystaan sugidda amniga xudduuda wareegga, ayna la wareegaan maamulka hawada kadib markii Maraykanku uu dhammaan shaqaalihiisa safaaradda geeyay garoonka magaalada.

    Ciidamada Maraykanka ayaa xalay hawada ku riday rasaas, si ay u xakameeyaan dad badan, ayuu yiri Kirby. Waxa uu sheegay in aysan jirin warar sheegaya qasaare ama dhaawac ka dhashay rasaastaas.

  15. Safaaradda Afghanistan oo Ghani ku eedeysay inuu la baxsaday 169 milyan oo doollar

    .

    Waxaan goor dhow sheegnay in madaxweyne Ashraf Ghani la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul.

    Dhanka kale, safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay inuu Ghani watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

    Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani “khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay.

    Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb.

    Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaraddu damacsan tahay inay u aqoonsato ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan.

    Farriin maqal ah oo xalay laga sii daayay BBC-da, ayuu Mr Saleh ku andacooday inuu yahay "madaxweynaha kumeel-gaarka ee sharciga ah ee Afghanistan" isagoona ballanqaaday in "dagaalka uusan weli dhammaan’’.

  16. Threresa May: ''Waa lagu deg degay go'aanka ciidamada looga saaray Afghanistan''

    .

    Cambaareyn kulul ayaa gudaha baarlamaanka Britain looga jeediyay sida ay dowladdu u xakameysay qalalaasaha Afghanistan.

    Dood degdeg ah oo la qabtay ayay raysal wasaarihii hore Theresa May waxay ka sheegtay in lagu degdegay go’aanka ka saarista ciidamada ee lagu raacay Mareykanka, iyadoo la rajeynayo in wax walba ay habeen gudahood isku beddelaan.

    Waxay is weydiisay farriinta ay taasi ka bixineyso sida ay reer galbeedku u doonayaan inay difaacaan qiyamkooda. Raysal wasaaraha haatan Boris Johnson ayaa sheegay in gaashaan buurta NATO aysan dooneyn inay ciidamadooda ku hayaan Afghanistan haddii uusan Mareykanku taageereyn.

    Wuxuu sheegay in Taalibaan ay oggolaadeen in ka saaridda ciidamada ay ka sii socoto garoonka Kabul. Wuxuu QM ugu baaqay inay dardar geliyaan dadaallada bani'aadannimada ee gobolka.

  17. Post update

    Militariga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii shalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug oo Alshabaab ay isku faro saareen. Taliyaha ciidamada lugta Soomaalida Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa BBC-da u warramay.

    View more on facebook
  18. Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya mudaharaadyo ka dhacay Afghanistaan

    Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya mudaaharaadyada ka socda magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan ayaa muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada waxa laga maqlayay dhawaaqa rasaas la ridayay.

    Dibadbaxayaasha ayaa lagu arkayay waddooyinka Jalalabad iyagoo lulaya calanka qaranka ee dalka Afghanistaan, ka hor inta aan la maqlin jug weyn oo dadka ay ka kala carareen.

    Mudaharaadyadaan ayaa daba socda warar sheegaya in banaanbaxyo kuwan la mid ah ay shalay ka dhaceen deegaano kale ee ka tirsan isla dalkaas.

    Video content

    Video caption: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya mudaharaadyo ka dhacay Afghanistaan
  19. Post update

    Qabsashada Dhaalibaan ee Afghanistan ee degdega ah ayaa keentay weeydiimo badan, iyada oo ay soo baxayaan faahfaahino kala duwan oo ku saabsan qaabkii ay wax u dhaceen.

    View more on facebook
  20. Uganda oo dacwad ku soo oogayso askar dad rayad ah ku laysay Shabeelada Hoose

    .

    Madaxweynaha dalka Ugaandha Uweri musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah.

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili sida uus heegay ay caraysnaayeen Isaga intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono

    Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.

    "Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay." Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

    Gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya dhawaan waxaa la sheegay in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo Al- Al-shabaab.