Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Maxey Koonfurta Sudan haatan u gudaysaa rag fara badan?

    Qariidadda Koonfurta Sudan
    Image caption: Qariidadda Koonfurta Sudan

    Mashruuc lagu gudayo hal milyan iyo bar oo reer Koonfur Sudan ah, gaar ahaan ragga ay dadoodu u dhaxeyso 15 illaa iyo 49 sano jir, ayaa laga bilaabay dalkaasi, si hoos looggu dhigo faafidda cudurka HIV/AIDS.

    Cilmi baaris la sameeyey ayaa muujineysa in ragga gudan ay ka halis yar yihiin qaadista cudurka HIV/AIDS, marka la barbar dhigo kuwo aan gudneyn, marka ay galmo sameynayaan.

    Hey’ad aan dawli aheyn, taasoo ay shaqo bah wadaag ku yihiin wasaaradda caafimaadka Koonfurta Sudan, ayaa dooneyso dad si tabaruc ah ula shaqeeya shanta sano ee soo socota.

    Hab dhaqanka gudniinta ayaa waxaa laga isticmaalaa saddex qof, marka la eego tobanka gobol ee dalkani, iyadoo intooda badan uu ka yahay mamnuuc gudniinku.

    Dowladda ayaa ku qeexday heerka gudniinka hooseeya, halis weyn oo dadweyne, marka ay timaado in lala tacaallo cudurka HIV/AIDS.

    Ku dhawaad boqol rag ah ayaa la gudey dabayaaqadii toddobaadkii hore.

    Sida ay sheegtay hey’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay AIDS-ka, isku cel celis 2.3% dadka ay dadoodu tahay 15-49 ee reer Koonfurta Sudan, ayaa qaba cudurka AIDS-ka.

  2. Rooble oo la kulmey taliyaha uu magacaabay ee nabad sugidda iyo garsoorayaasha

    OPM

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmey taliyaha cusub ee nabad sugidda iyo garsoorayaasha maxkamadaha.

    Kulankan ayaa ka danbeeyey ka gadaal markii xaley uu Ra’iisal wasaare xil ka qaadis ku sameeyey Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha nabad sugidda, taasoo keentay khilaaf siyaasadeed.

    Dhanka kale, Madaxweyne Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ka horyimid xil ka qaadista uu sameeyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo amrey Fahad Yaasiin, inuu sii ahaato taliyaha nabad sugidda.

    Tani ayaa timid kadib markii sargaalad katirsaneyd ciidanka nabad sugidda oo la la’aa, ay soo baxeen warar sheegaya iney dhimatey.Warkan ayaa keenay in ra’iisal wasaaraha ka dalbado taliyaha iyo hey’adda nabad sugiddaba iney xog rasmi ah keenaan.

  3. Kulan hal maalin socday oo ay Minneapolis ku yeesheen xirfadlayaal wax ku bartay Waqooyiga Ameerika

    Waxaa magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka lagu qabtay kulan hal maalin ah oo ay yeesheen xirfadlayaal wax ku bartay Waqooyiga Ameerika iyo ganacsato horumar ka sameeyay ganacsigooda oo dhammaantood Soomaali ah.

    Shirkan oo ay ugu magac-dareen shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, ahaana midkii saddexaad oo ay yeeshaan ayaa qabanqaabiyayaashu waxa ay ujeedkiisu ku sheegeen inay ku doonayaan in bulshadu isku xirmaan oo ay iskaalmeeyaan.

    Gebagabadiina waxaa halkaas lagu abaalmariyay dhalinyaro abaalmarinno sare ku helay xirfadahooda.

    Haddaba kulankaasi waxaa ka qeybgalay oo markii uu dhammaaday kaddib warbixintan inooga soo diray weriyahayaga Siyaad Saciid Saalax.

    Video content

    Video caption: .
  4. Muxuu ka dhigan yahay heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyada siyaasadda ee gobollada waqooyi?

    Waxaa lagu wadaa in dhawaan la guda-geli doono howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi ee Somaliland ee goloyaasha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

    Arrintan ayaa daba socota heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi, iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay ee ku saabsanaa maamulka doorashada.

    Haddba muxuu ka dhigan yahay heshiiskaas? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaan hordhignay Axmed Shire Faarax oo ah cilmi-baare ka sirtsan jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe, waxaanu u waramay Axmednagaashe.

    Video content

    Video caption: .
  5. Ciyaar kulul oo u dhexaysay Argentina iyo Brazil oo la joojiyay daqiiqado uun ka dib markii ay bilaabtay

    .

    Kulan u dhaxeeyay Argentina iyo Brazil oo ahaa Isreereebka koobka adduunka ayaa la joojiyay daqiiqado uun ka dib markii ay ciyaarta bilaabtay.

    Waxaa garoonka yimid saraakiil caafimaad iyo boolis kuwaas oo xiray afar ciyaatooy oo ka tirsan xulka qaranka Argentina ka dib markii lagu soo eedeeyay inay jabiyeen sharciga karantilka ee Covid-19.

    Saraakiisha caafimaadka ayaa amray afarta ciyaartooy in la karantiilo ka hor inta aan la tarxiilin.

  6. Ciidamo dheeraad ah oo lagu daad guriiyay wasaaradda warfaafinta

    .

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta la geeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta sida ay BBC-da u xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha ka shaqeeya warbaahinta dawladda.

    Balse madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay inaanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta.

    Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu "amray in shaqadiisa uu sii wato" Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra'iisul Wasaare Rooble.

    Warsaxaafadeed uu soo soo saaray Ra'iisul Wasaare Rooble ayuu dhanka kale xilka uga joojiyay Fahad Yasin waxaa lagu yiri: "Markii (ra'iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay'adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir".

  7. Raggii lagu haystay Beledweyne oo la sii daayay

    .

    Warrarka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay sedex nin oo dhalinyaro ah oo sedexdii maalmood ee la soo dhaafay rag hubeysani afduub ugu haysteen xaafadda Hawl-Wadaag.

    Ragga afduubka gaystay ayaa ku andacoonayay inay sidaa u sameeyeen iyagoo ka xun warkii ka soo baxay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee sheegayay in gabadh sirdoonka ka tirsanayd oo la waysanaa labadii bilood iyo barkii la soo dhaafay ay u gacan gashay Al-Shabaab isla markaana ay dileen.

    Ragga la afduubtay ayaa ku hayb ah Agaasimaha hadda muranku ka taagan yahay xilkiisa ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, halka ragga afduubka gaystay ay ku reer yihiin gabadha maqan ee Ikraan Tahliil Faarax.

  8. Jubaland oo war ka soo saartay xil ka joojinta Fahad Yaasin

    Warsaxafadeed ka soo baxay maamul goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulka uu ku qanacsan yahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruha ee "uu kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil."

    Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa sidoo kale qoraal ay soo saareen goor dhowayd ku soo dhaweeyay warsaxaafadeed Ra'iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin.

    Warsaxaafadeedka Ra'iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin ayaa waxa lagu yiri: "Markii (ra'iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay'adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir".

    View more on facebook
  9. Bandow aan mudaysnayn oo ay ku dhawaaqeen ciidammada Axaddii la wareegay talada Guinea

    .

    Ciidammada gaarka ah ee Guinea ayaa ku dhawaaqay bandow socon doona illaa amar dambe.

    Ciidammadaasi ayaa Axaddii talada dalkaasi afgambi kula wareegay iyagoo gacanta ku dhigay madaxweyne Alpha Conde.

    Bayaan ciidammada awoodda qabsaday ay soo saareen oo lagu baahiyay Idaacadda Qaranka ayey kooxdu ku sheegtay inay dhowri doonaan badqabka madaxweynaha.

    Waxa ay sheegeen in barasaabyada gobollada lagu badelay taliyayaasha milateriga waxa ayna kulan saaka oo Isniin ah isugu yeereen wasiirrada iyo hogaamiyayaasha kale ee qaran, iyagoo ku kulmi doona baarlamaanka dalkaasi.

    Waxa ay sheegeen in cidkasta oo ku guuldarraysata inay kulankaasi soo xaadiri wayso waxaa loola dhaqmi doonaa sida fallaago oo kale.

  10. Hoggaankii dooxada Panjshir oo la la'yahay xilli Taalibaan ay "la wareegtay" Dooxada

    .

    Taalibaan ayaa sheegtay in dadkii gacanta ku hayay Dooxada Panjshir “la la'yahay xilligan”.

    Afhayeenka Taalibaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada caasimadda ee Kabul ayaa sheegay in Afgaanistaan ​​ay tahay dalkooda, haddii ay doonaanna ay ku soo laaban karaan.

    Wuxuu intaas ku daray in hubkii laga qabsaday Panjshir lagu dari doono kaydka hubka ee dalka Afghanistan.

    Wuxuu isla shirkaas jaraa'id ku sheegay in dooxada "maanta gabi ahaanba la nadiifiyey oo Taalibaan ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Dooxada Panjshir."

    Hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray.

    Af -hayeenka oo wax laga weydiiyay dowladda cusub iyo sida ay u ekaan doonto ayaa wuxuu ku celceliyay ballanqaadyo ah inay noqon doonto dowlad “loo dhan yahay”, balse wuxuu sheegay inuusan weli bixin karin faahfaahin intaas ka badan.

    Dowladda cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo dhowaan, balse Zabihullah Mujahid ma uusan sheegin waqti rasmi ah.

    Tan iyo markii ay la wareegeen, waxaa jiray su’aalo ku saabsan sida ay u egaan doonto xukuumadda cusub ee Taliban.

  11. War deg deg ahTaliban oo si rasmi ah ugu dhawaaqday la wareegidda Dooxada Panjshir

    .

    Afhayeenka ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay ku sheegay in Taliban ay qabsadeen gobolka Panjshir.

    Wuxuu ku sheegay shirka jaraa'id ee Kabul in dooxada "maanta gabi ahaanba la nadiifiyey".

    Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in kooxda mucaaradku ay sameeyeen “iska caabin” mar kasta oo Taalibaanka isku dayaan inay wada hadlaan.

    Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Taalibaan ay ciidamadooda milatariga u direen geeska ugu dambeeyay si ay uga sifeeyaan "argagixisada".

  12. Golaha Midowga Musharixiinta oo qoraal ka soo saaray xil ka joojinta Fahad Yaasin

    .

    Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen goor dhowayd ku soo dhaweeyay warsaxaafadeed Ra'iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin.

    Warsaxaafadeedka Ra'iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin ayaa waxa lagu yiri: "Markii (ra'iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay'adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir".

    "Goluhu wuxuu u arkaa in go’aanka shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda iyo kalsoonida ay shacbaku ku qabi karaan. Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan lagu sameeyo taliyihii xilka laga joojiyey." Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen golaha midowga.

    .
    .

    Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa "amray in shaqadiisa uu sii wato" Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra'iisul Wasaare Rooble.

    Bayaan uu soo saaray madaxweynaha waxaa lagu sheegay in "go'aanka ka soo baxay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka".

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka jawaabayay qoraal uu soo saaray Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu shaqada uga joojiyay madaxa hay'adda NISA.

  13. Post update

    Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.