Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka "digay marin-habaabinta" kiiska Ikraan

    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal uu kaga digayo isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

    Maxamed Xuseen Rooble ayaafaray taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed .

    Hadalkaan ayaa imaanaya xili xalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gudi u saaray arrinta kiiska Ikraan Tahliil.

    War-saxaafadeed
  2. Muuse Suudi oo mar kale ku guuleystay aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya

    .

    Muuse Suudi ayaa mar kale ka mid noqday aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir shabeelle.

    Muuse Suudi, ayaa helay codad gaaraya 55, halka Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo ay wareegga labaad ku tartamayeen uu helay 43 cod.

    Kursiga uu ku guuleystay Muuse ayaa ahaa kursigii ugu adkaa ee maanta loogu tartamayay golaha aqalka sare ee ku matalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tartamayeen 4 qof.

    Muusa Suudi ayaa ka mid yahaa siyaasiyiinta tartanka adag u galay kuraasta Aqalka Sare, oo baarlamaanka hadda jiro uu ku soo metelayay Hirshabeelle.

  3. Dadkii ka cararay Afghaanistaan oo loogu baaqay in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan

    .

    Wasiirka arimaha dibadda ee Taalibaan ay u magacawday Afghaanistan, Amir Khan Mottaki, ayaa la sheegay inuu u sheegay madaxa hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobay, in kuwa ka cararay Afghaanistaan ay tahay in lagu dhiirrigeliyo inay dalkooda ku laabtaan.

    Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in mudnaanta dowladda cusub ay tahay sidii loo hubin lahaa in dadka hadda ku barakacay gudaha dalka ay guryahooda ku noqdaan, ka hor inta uusan bilaaban xilliga jiilaalka.

    Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii saraakiisha Qaramada Midoobay ay ka digeen in tirada dadka reer Afgaanistaan ​​ee ka cararaya guryahooda - iyo tirada isku dayeysa inay ka baxdo Afghanistan - ay weli sii kordheyso.

    Waxaa lagu qiyaasay in qiyaastii saddex milyan iyo bar oo reer Afgaanistaan ​​ah ay hadda barakaceen. Isniintii, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan hal bilyan oo doollar lagu yaboohay in lagu taageero Afghanistan.

  4. Qarax khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

    .

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

    Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay goob maqaayad ah oo ay dadku ku shaaheeyaan oo u dhow goob lagu qaado canshuurta dowladda.

    Ururka al-Shabaab oo weerarka sheegtay ayaa waxa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 11-qof ayna ku dhaawaceen illaa 16 qof.

    Dadka deegaanka ayaase sheegaya in weerarkaasi ku waxyeelloobeen dadkii maqayadda fadhiyay oo ay ku jiraan askar ka tirsan dowladda oo goobta ku sugnaa.

  5. Xaalad caafimaad oo daran oo ka jirta Isbitaalka degmada Xingalool ee gobolka Sanaag

    Waxaa lagu soo waramayaa in xaalad caafimaad oo daran ay ka jirto Isbitaalka degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, iyadoo ay jiraan kiisas badan oo xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ah.

    Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in dadka la baaro qaar badan oo ka mid ah laga helo xanuunka. Cabdirisaaq Cabdullaahi Yuusuf (Japan), oo ah agaasimaha Isbitaalka Xingalool ayaanu goor dhoweyd ka wareysannay xaaladda xanuunka ee isbitaalka.

    Video content

    Video caption: Dad badan oo ku nool Xingalool oo laga helay Covid-19
  6. Post update

    Qaar ka mid ah Soomaalidii ku noolayd Maraykanka 20 sano ka hor markii diyaaradaha lagu weerarayay daarihii mataanaha ee Maraykanka ayaa BBC-da uga sheekeeyay waxyaabihii ay la kulmeen.

    View more on facebook
  7. Maxaa ka jira wararka sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti xaaladdiisa caafimaad ay liidato?

    Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti
    Image caption: Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti

    Qoraal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, ayaa wuxuu ku beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato.

    "Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad "sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan."

    "Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo" Ayuu wasiirka raaciyay.

    Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxa la isla dhex qaadayay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay liidato oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Paris.

    View more on twitter
  8. Xagay marayaan wada hadalladii nabadeynta ee Soomaalida iyo Canfarta?

    Waxaa maalmahan socdan wadahadallo lagu xallinayay colaadda soomaalida iyo canfarta taas oo ay dhexdhexaadinaysay Dowlada Dhexe ee itoobiya.

    Wadahadalladan oo kuwoodii ugu dambeeyay lagu qabtay magaalada Nazareet ee degaanka Oromiya oo lagu joojiyay dagaallada labada qoomiyadood ayaa waxaa Soomaalida uga qayb galayay wakiillo uu mararka qaar horkacayay madaxa xarunta dhexe ee xisbiga Barwaaqo laantiisa Dowlad Deegaanka Soomaalida Injineer Maxamed Shaalle.

    Injineer Shaalle ayaa BBC-da uga warramay halka ay haatan marayaan dadaallada nabadeynta labada qowmiyadooda, wuxuuna u warramay weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo

    Video content

    Video caption: .
  9. Booliiska Kenya oo baaraya meydad ay ka soo saareen webiga Tana River ee gobolka Waqooyi-bari

    Qoysaska shakhsiyaad la la’ yahay ayaa ku qulqulaya xarunta meydadka lagu keydiyo ee ismaamulka Garissa, gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyagoo baadi goobaya 11 meydad ah oo ay booliiska Kenya ka soo saareen Webiga Tana River.

    Xarunta ayaa sheegtay in gelinka dambe ee maanta meydadkan lagu sameyn doono baaritaannada dhiigga DNA, iyadoo la sugayo inuu Nairobi ka yimaado dhaqtar boolis ah.

    Booliiska ayaase sheegay inay adag tahay aqoonsiga meydadka maaddaama ay qaarkood qurmeen.

    Haddaba si aan faahfaahin intaa dheer uga helno, ayaa waxaan la hadalnay Rooble Nuunow, oo ah wasiirka caafimaadka Ismaamulka Garissa.

    Video content

    Video caption: .
  10. Post update

    Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina Jane Mohamed, oo booqatay magaalada Muqdisho, ayaa ku dhiirigelisay hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya in horumar laga sameeyo qoondada haweenka iyo wareysi Sahra Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

    View more on facebook
  11. Basaas Maraykan ah: Soomaaliya ayaa ka khatar badan Afghanistaan

    .

    Shir amniga Maraykanka looga hadlayay oo Isniintii ka dhacay magaalada Washington, ayaa xilli ay khudbad jeedinaysay basaaska ugu sareeya dalkaas ayaa waxa ay sheegtay in Afgaanistaan ​​aysan hadda ahayn meesha hanjabaadaha ugu badan ee argagixisada caalamiga ah ee ku wajahan dalka lagu maleego, sida ay baahisay warbaahinta CNN.

    Xilli qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceeya ay ku doodayaan in Afghanistaan ay hoy u noqon karto ururada argagixisada sida ISIS iyo al -Qaacida si ay dib isugu urursadaan kadib bixitaankii Mareykanka.

    "Hanjabaadaha argagaxisada ee ka imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq - gaar ahaan ISIS - ayaa ka khatar badan kuwa laga yaabo inay ka yimaadan Afgaanistaan," Ayey tiri Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines xilli ay ka hadlaysay shir -sannadeedka Sirdoonka iyo Amniga.

    "Marka la eego Maraykanka, halista hadda ka imaanaysa kooxaha argagaxisada, ma mudnaan siineyno liiska ugu sarreeya Afghanistan," ayay raacisay.

    “Meelaha la rabo inaan eegno waa Yemen, Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq oo ay joogaan kooxda ISIS, halkaas ayeyna halista ugu weyn nooga imaanaysaa.

  12. Tobanka dhisme ee ugu qaalisan adduunka

    Daraasad ay sameysay xarunta MSN money ee ka faalooda dhaqaalaha adduunka gaar ahaan dhismayaasha ganacsi ayaa lagu soo bandhigay dhismayaasha kuwooda ugu qaalisan adduunka.

    Waxaan daraasadda diiradda lagu saaray 30-ka dhisme ee ugu qaalisan adduunka iyadoo Sucuudiga ay ku yaallaan labada xarun ee ugu qaalisan adduunka oo uu kamid yahay Xaramka.

    Sahanka MSN Money uu sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in Xaramka uu yahay dhismaha ku fadhiya qiimaha ugu qaalisan adduunka.

    Daraasadda ayaa intaas ku dartay in ballaarinta iyo dayactirka sanado badan lagu sameynayay Xaramka ay horseeday in la geliyo agab badan oo qaali ah taasina ay ka dhigtay in uu noqday dhismaha ugu qaalisan adduunka oo uu ku fadhiyo $ 100 bilyan oo doolar.

    Halkan ka akhrsio warbixintan oo dhamaystiran Link

  13. Post update

    Garsoore heer federaal ah ayaa shalay xabsi 53 sano ah ku xukumay nin hogaaminayey dabley sannadkii 2017 weerarary masaajidka Daaral Faaruuq ee Minnesota.

    Siyaad Siciid Saalax ayaa ka warramaya.

    View more on facebook
  14. Doorashada Hirshabeelle ee kuraasta Aqalka Sare oo maanta la qabanayo

    sawir hore
    Image caption: sawir hore

    Waxa maanta bilaambaysa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ee maamul goboleedka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan dad labaataneeye kor u dhaafay.

    Dorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa u muuqata inay ka loollan adag tahay dhammaan doorashooyinka la mid ah ee Federaalka, maadaama ay usoo baxeen musharraxiintii ugu badnaa, kuwaasoo maanta khudbadahooda jeedinayay.

    Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan soo dhammeystiray liiska musharraxiinta, halka doorashadana la filayo inay dhacdo isbuucan.

  15. Imaan Cabdulmajiid oo wacdaro ka dhigtay munsaabad ay isugu yimaadeen dadka ugu caansan dunida

    .

    The Met Gala - oo ah mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn dunida oo ay ka soo qayb galaan dad badan oo caan ah, ayaa waxa ka soo muuqatay Imaan Cabdulmajid oo ah haweenay Soomaali ah oo ku labisnayd dhar aad soo jiitay ka soo qayb galayaasha munaasabadda .

    Munaasabaddan oo loo qabtay si lacag loogu aruuriyo Matxafka Metropolitan Museum of Art's Costume Institute ayaa sanadkan dib loo furay ka dib markii la hakiyay sanadkii hore sababa la xiriira cudurka safmarka ee korona.

    Iman Cabdulmajid waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho 25 July 1955-kii . waa gabdh dharka xayeysiiso, jilaa iyo ganacsato.

    .

    Sawirada dad kale ee caanka ah ee ka qayb galay munaasabadda The Met Gala

    Debbie Harry
    Finneas O'Connell,
    .
    Billie Eilish
  16. Gabadh Soomaali ah oo noqotay Afrikaankii ugu horeeyey ee loo doorto baarlamanka Norway

    Gabar Soomaaliyeed ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee loo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Norway.

    Haweenaydaas oo la yidhaa Marayn Cabdi Xuseen ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaan ba shacabka dalkaas oo ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadii ay haatan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka.

    Hase yeeshee waxay ku nuuxnuuxsatay in dadka codkooda siiyey aanay Soomaali oo keliya ahayn ee shacabku ku midaysnaayeen.

    Maryan oo BBC-da la hadashay ayaa marka hore ka jawaabaysaa waxay ay ku dooratay siyaasadda.

    Video content

    Video caption: .
  17. Guddiga Madaxweynaha u magacaabay kiiska Ikraan oo lagu tilmaamay "sharci darro"

    .

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi baari doona sababihii keenay dhimashada Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya oo geeridoodu dhalisay khilaaf siyaasiya oo maalmahan ba ka taagnaa Soomaaliya.

    Horey waxaa u jiray guddi loo xilsaaray in ay ka gun gaaraan arrintaas oo uu horseed u yahay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Soomaaliya.

    Hadaba is weydiintu waxay tahay haddii dhacdadaas oo sida lagu sheegay fal dembiyeed ah baadhitaankeedii ay hay'adihii sharci ee ku shaqada lahaa wadaan, maxaa madaxweynuhu ugu baahday inuu haatan guddi hor leh u magacaabo?

    Mise la oran karaa waa go'aan siyaasi ah oo xal lagu raadinayo in madaxweynuhu talaabadaa qaadaa?

    Qareen Tahliil Xaaji Axmed oo sideetamaadkii garsoore ahaan jiray ayaan weydiinay su'aashaas iyo kuwo kaleba.

    Video content

    Video caption: .
  18. Post update

    Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.