Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Janaraalkii uu turkiga ka adkaaday ee Liibiya oo aqbalay shuruud lagu xiray si uu madaxweyne ugu tartamo

    .

    Janaraalka hoggaamiye kooxeedka ah ee Liibiya, Khalifa Haftar, ayaa qaaday tallaabo u suurtagalin karta inuu ka qayb galo tartanka doorashada xilka madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo bisha December.

    Khalifa Haftar ayaa sheegay inuu ka tanaasulayo doorkiisa dhinaca militariga, sidaasna uu ku joojin doono dhammaan "waajibaadkii ciidannimo".

    Waxa uu u muuqdaa inuu ka faa'iideysanayo shuruucda cusub ee muranka dhaliyay.

    Dadka falanqeeya arrimaha Liibiya ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada ay shaki gelinayaan ismaandhaafka u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee dalkaas.

    Haftar oo doonayay inuu Liibiya ku qabsado ciidamo xoog leh oo taageero ka heystay Ruushka iyo dalal ka tirsan carabta ayaa la jabiyay kaddib markii uu Turkiga la dagaallamay.

  2. Halkan ka daawo waxa khuburrada ay kusoo arkeen "Ceelka Cadaabta"

    Khuburro ka socotay dalka Cummaan ayaa markii ugu horreysay gudaha u gashay "Ceelka Cadaabta"-oo ah god ku yaalla meel ka durugsan dhulka lama -dagaanka ah ee bariga fog ee Yemen.

    Kooxda ka socotay Cummaan ayaa gudaha ceelka kusoo arkay masas iyo raqda xoolaha.

    Ceelka Barhout wuxuu ku yaallaa lamadegaanka Yemen, oo u dhow soohdinta uu la leeyahay Cumaan. Wuxuu ku yaallaa gobolka Al-Mahra wuxuuna ballaciisu yahay 100 fiit waxaana loo malaynayaa inuu hoos u qodan yahay 330 fiit, laakiin waxaa jira kuwa ku doodaya inuu ka dheer yahay 820 fiit.

    Mana jira Qof weligiis gaaray gunta hoose ee 'ceelka cadaabta' marka laga reebo kooxda hadda gudaha u gashay.

    Godka wuxuu aad ugu caanbaxay mala -awaalka dadweynaha ay ka sameeyeen, sida in uu Jinni daggan yahay godkaasi.

    Video content

    Video caption: "Ceelka cadaabta" oo markii ugu horreysay gudihiisa la galay

    Muxuu yahay ceelka "cadaabta" ee ku yaalla bariga Yemen?

    Qoys qiyaamaha god dhexdiisa ku sugayay oo lasoo helay

    Magaalo qofka ku dhinta ay aaskiisa ku baxeyso 12 kun oo doollar

  3. Somaliland oo farrin ku saabsan doorashada Soomaaliya u dirtay caalamka

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa beesha caalamka u sheegtay in aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Soomaaliya.

    Somaliland waxay digniin u dirtay siyaasiyiinta Soomaaliya ee caalamka ee u gudbinayo waxa ay ku tilmaantay marin habaabinta.

    “Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaamaamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisanee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

    .
  4. Kiiska Ikraan: Yaa xaq u leh inay fasaxdo ama ay joojiso dibadbaxyada?

    Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dood iyo xiisad la xiriirta banaanbax ay doonayaan inay qabtaan qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil oo arrinteeda ay xuddun u noqotay khilaafka siyaasadeed ee haatan taagan Soomaaliya.

    Wasiirka amniga ee uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa u fasaxay qoyska inay banaanbax qabsan karaan, halka uu arrintaas ka hor yimid guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir.

    Haddaba maxay sharciga iyo dastuurka dalka ka qabaan in banaanbax noocan ah la qabto, yaase iska leh awoodda iyo mas'uuliyadda qabashada ama joojinta banaanbax? Waxaa arrintaas BBC uga warramay Cali Maxamed Yuusuf (Cali Yare) oo ah garyaqaan jooga Muqdisho.

    Video content

    Video caption: Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil
  5. Emine Erdogan: Xaaska Erdogan maxay Soomaaliya uga shegetay buuggeeda cusub ee Afrika ku saabsan?

    Emine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku soo bandhigto buug ay ka qortay booqashooyin ay ku tagtay dalal Afrika ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

    Isniinta ayay markii ugu horreysay buuggan kula wadaagtay xaasaska madaxweyneyaasha kale ee ka qayb galaya shirkada New York ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobeey, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

    Buugan waxay ku cabiraysaa khibradda ay ka heshay safarradii ay ku martay qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika.

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa ayaa Axadda u duulay Mareykanka, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

    Buugga ay qortay Emine, oo ay ku magacowday "My Travels to Africa" -(safarradii aan ku tagay Afrika) - ayaa sidoo kale loo qaybin doonaa wakiillada ka kala socda hay'adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaanno NGOs iyo madaxda wasaaradaha Arrimaha Dibadda.

    Emine Erdogan hooyadeed ayaa loo hibeeyay buuggan, waxa uuna si buuxda uga sheekeynayaa safarradii ay xaaska Erdogan gashay intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2020-kii ee ay ku tagtay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Aljeeriya, Itoobiya, Tanzania, Mozambique iyo Senegal.

    Waxaa buuggan iibintiisa laga billaabi doonaa gudaha Turkiga billowga bisha October, waxaana lagu daabici doonaa luuqadaha kala ah Turkish, Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Sawaaxili.

    Halkan ka akhri faahfaahinta:

  6. Militeriga Suudaan oo lagu amaanay sida ay uga hortaggeen afgembiga

    Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa militeriga Suudaan ku bogaadisay tallaabadii ay shaley ku is hor istaageen in afgembi uu ka dhaco dalkaas.

    Maryam Al Sadiq Al Mahdi oo la hadleysay BBC ayaa sheegtay in arrintani ay muujineyso in militeriga ay ka go’antahay ilaalinta dowladda kumeel gaarka ah ilaa laga helayo mid dimuqraadi ah.

    Waxay intaas ku dartay in militeriga ay ka hortageen isku daygii afgembi ay horkacayeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

    Wasiirka arrimaha dibadda waxay sidoo kale sheegtay in ciidankii waday falalkaas ay qabsadeen goobo muhiim ah isla markaana ay qarka u saarnaayeen in afgembi ay ku dhawaaqaan.

    .
  7. Trump oo dacwad kusoo oogay gabadh uu adeer u yahay

    .

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dacwad kusoo oogay gabadh uu adeer u yahay iyo wargeyska New York Times kadib warbixin la daabacay sanadkii 2018 oo shaki looga muujiyay canshur celinta Trump.

    Dacwaddan ayaa Mary Trump iyo weriyeyaal ka tirsan wargeyska ku eedeyneysaa inay galeen qorshe khiyaano ah oo lagu raadinayo dokumentiyo xasaasi ah.

    Waxaana la sheegay in gabadhan ay kaalin weyn ka qaadatay warbixinta.

    Mary Trump waxaa dhalay nin la dhashay Trump oo la yiraahdo Fred Trump Jr kaas oo geeriyooday 1981, gabadhan weli kama aysan hadlin dacwadda loo jeediyay.

  8. Maxay tahay sababta mucaaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida ay u qaadaceen doorashada?

    Guddida doorashada Ethiopia ayaa sheegay in lagu gudajiro wajigii u dambeeyay ee qabanqabada doorshada bishan 30-keeda dhacaysa goobo dalka ah.

    Maamulada Soomaalida, Hererida iyo meelo aan laga codayn 21-kii June ayaaa ka mid ah goobahaas.

    Ilaa 22 xisbi ayaa u tartamaya 47 kursi oo baarlamanka heer fedaraal ah iyo tiro kuraasta deeganada ah.

    Balse xisbiyada mucaaradka ah ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa qaadacay ka qaybgalka doorashadaas, iyaga sheegay in ay weli tabanayaan tuhunno ay hore u qabaan oo aan si habboon loo xallin.

    Ibraahim Maxamed Hussein waa gudoomiye ku xigeenka xisbiga caddaaladda iyo sinaanta Dowlad Deegaanka, waxa uu BBC-da uga warramay waxa ay saluugeen iyo sida ay yeeli doonaan.

    Video content

    Video caption: Mucaaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida
  9. TPLF oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku weerareen Itoobiya

    .

    Dagaalyahanada kooxda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaanno dhowr ah oo ay ku nool yihiin dad rayid ah horraantii bishan,sida dad goobjoogayal ah ay BBC u sheegeen.

    Tiro dad ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen weeraradaas ama ay ku dhaawacmeen kadiba markii ay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga magaalada Kobo ee dalka Itoobiya.

    Dagaalyahanada Tigray ayaa horraantii bishan weeraray dad beeraley ah oo ka hor yimid markii ay qabsanayeen dhul ku yaalla dhimaca gobolka Amxaarada.

    Dagaalyanahada ayaa dab qabadsiiyay guryo halka rasaas nool nool ay dadkii aryidka ahaa ku fureen, sida ay sheegayaan goob joogayaasha.

    Dad badan ayaa isaga qaxay deegaanka.

    TPLF weli kama aysan hadlin eedeymahan loo jeediyay.

  10. Post update

    Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.