Qeybti hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay iyadoo labada
xulba ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan. Maxamed Saalax ayaa caawa si ka
duwan maalmihii lasoo dhaafay uga dhex muuqday kooxdiisa isagoo mar la galay
diillinta ganaaxa u muuqday inuu baas dhigayo balse darbo ku toogtay birta xigta.
Goolhayaha Chelsea iyo xulka qaranka Sengal, Mendy oo digtoonaa ayaa gooshaa
birta dusheeda mariyay.
Mane oo isna dhanka kale ee garoonka goolal ka
raadinaya ayaa isna fursado kooban helay karoos laga soo tuuray dhanka
calansidaha soke ayuu dirqi lugta kula waayay. Dhankastoola eegaba waa ciyaar
isku dhiganta. Iminka ayaa dib loogu noqonayaa qeybta labaad.
Gobolka Mudug oo ay dad ugu dhinteen abaar darteed
BBCCopyright: BBC
Abaarta ka jirta gobolka MudugImage caption: Abaarta ka jirta gobolka Mudug
Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar
darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.
Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyadaba halkaasi
kunooleyd.
Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een
roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka
Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta
sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.
Guddoomiye Cirro oo u nisbeeyey jiitanka doorashada Soomaaliya wax ka baxsan awooddooda
FacebookCopyright: Facebook
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federal ee dalka Soomaaliya Maxamed Xasan CirroImage caption: Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federal ee dalka Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federal ee dalka Soomaaliya, Maxamed Xasan
Cirro, ayaa maanta sheegay in daahitaanka doorashooyinka ay yihiin kuwo
awooddooda ka baxsan.
Wuxuu intaa ku darey in haddii doorkooda la siiyo
odayaasha wax xulaya, iyo guddiyada u xil saaran doorashada natiijo wanaagsan
la gaaari karo.
Cirro wuxuu kaloo ka hadlay hufnaanta doorashada,
isagoo ku nuux nuux sadey iney muhiim tahay in nidaamka doorashada loo dajiyey
la raaco.
Doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa waayadii ugu
danbeeyey waxaa lasoo gudboonaadey jiitan, iyadoo xiliyo tiro badan oo hore ay
marar kala duwan dib uga dhacdey waqtiyo loo asteeyey iney bilaabato doorashada.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban, ayaa go'aan ka gaarey
kursiga tirsigiisu yahay HOP 067, kadib cabasho loo soo gudbiyey.
Guddiga ayaa sheegay iney u caddaatey in dacwadda uu
soo gudbiyey murashax Axmad Cabdikariin Cali, ay tahay arrin ku saabsan hab qeybsiga
beeshaasi, oo ay tahay arrin ka baxsan awoodda Guddiga xalinta khilaafaadka.
Waxey dhanka kale sheegeen iney u caddaatey in
dacwadda uu soo gudbiyay nabadoon Cali Xassan Cali aanu aheyn, saxiixihii
rasmiga ahaa ee soo xulay ergadii soo dooratay kursigaHOP 067 sanadka 2016-kii.
Sidoo kale, nabadoon Cali Xasan, ayaanan kamid ahayn
odayaasha dhaqanka ee ka diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul Goboleedka
Galmudug ee dalka Soomaaliya.
Sidaa daraadeed, Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa
soo saarey qodobkan:
In hanaanka loo maamuley doorashadii kursiga summaddiisu
tahay HOP067, uu yahay mid waafaqsan habraacii loo dajiyey doorashooyinka
dadban, sidaasi darteedna uu yahay mid sax ah, oo aan dib looggu noqon doonin.
Kenya oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee Omicron
NationCopyright: Nation
Kenya ayaa diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona
fayraska cusub ee Omicron oo laga helay qof safar ahaa, sida uu sheegay
wasiirka caafimaadku.
Mutahi
Kagwe ma uusan shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday ilaa iyo hadda.
Warkan ayaa
imaanaya saacado uun ka dib markii uu sheegay in aysan dalka Kenya ka jirin
kiisas la xiriira noocaan cusub, inkastoo kiisaska Korona fayrasku ay sare u
soo kacayaan.
Dadka shacabka
ah ayaa sidoo kale ku warramaya in kiisaska hargabka ee dalka ka jira ay sare u
keceen.
Dadka laga
helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii
oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee
waayadaan la diiwaan geliyo.
Wadarta guud
ee kiisaska Covid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhisho ah.
Dowladda ayaa
ku baaqaysa in dadku ay tallaalka qaataan.
Maxkamad
ku taal Kenya ayaa Talaadadii hakisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan la
tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December.
Ninkii 57 xaas lahaa oo geeriyooday
BBCCopyright: BBC
Simon
Odo, oo loo qayaan "Boqorkii Shaydaanka", ayaa geeriyooday asagoo da’diisu
ahayd 74, sida uu xaqiijiyey wiilkiisa Uchenna Odo.
Mr Odo ayaa sheegay in
aabbihiis uu geeriyooday arooryadii hore ee Talaadadii , ka dib markii uu muddo
yar xanuunsanaa.
“Wuu geeriyooday” ayuu Arbacadii BBC Igbo ugu
sheegay Khadka teleefoonka. “waxaan doonaynaa in aan aasno” ayuu intaa
raaciyey.
Simon Odo ayaa ka soo jeeday
tuulada Aji ee ku taal gobolka Enugu ee Nigeria, halkaas oo uu ka ahaa wadaad
sare oo caan ah.
Mar uu waraysi siiyey BBC
Igbo sannadkii 2020, waxa uu sheegay in 57 haween ah uu guursaday isla markaana
ay carruurtiisu tiro beel noqdeen.
Waxa uu sheegay in uu
shaydaannimada ka dhaxlay waalidkii iyo awoowayaashii balse waxa uu ku
adkeystay in uusan caawin qof kasta oo raadiya sidii uu u dhibaateyn lahaa
dadka kale ee la nool.
Mr Odo ayaa BBC-da u
sheegay in uu xirfaddiisa ku dhammeeyay dhir-beerista magaalada Ijebu Ode ee
gobolka Ogun, halkaas oo uu u aaday si uu dawo ugu raadiyo xanuun la yaab leh
oo muddo dheer hayey.
Laftagareen oo Kismaayo gaaray
BBCCopyright: BBC
Madaxweynaha maamul goboleed Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen,
ayaa markii ugu horraysay intii uu madaxweynaha ahaa booqasho ku tagay
magaalada Kismaayo. Waxaana halkaa ku soo dhaweeyey dhiggiisa Jubaland Axmed
Maxamed Islaam.
Safarka Laftagareen ayaa imaanaya ayadoo ay socoto
doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo Jubbaland ay shaacisay
qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose.
Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan
arrimaha doorashada, ayadoo Maraykanku uu madaxda maamul goboleedyada ugu
baaqay in ay dar dar geliyaan doorashada oo ay waqtigeeda ku dhacdo.
Maxkamad xukuntay in xabsiga lagu celiyo Jacob Zuma
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Maxkamad ku taal Koonfur Afrika
ayaa xukuntay in xabsiga dib loogu celiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob
Zuma, ayadoo sheegtay in siidayn sharafeedkiisa caafimaad ay tahay “sharci darro”
Muddada uu xabsiga ka maqan yahay waa in aan lagu tirin 15-ka
bilood ee lagu xukumay, ayay go’aamisay maxkamaddan oo ku taal Pretoria.
Mr Zuma ayaa la sii daayey 5-kii September xaalad caafimaad oo
aan la shaacin awgeed.
Zuma ayaa xabisga loogu xukumay sababo la xiriira in markii uu madaxweynaha
ahaa uu ka jaabi waayey baaritaan la xiriiray musumaasuq.
79-jirkan ayaa bishii July isu dhiibay booliiska ka dib markii
ay dadweynuhu is-hortaageen, balse xarigiisa oo uusan jirin madaxweyne uga
horreeyey ayaa dhaliyey rabshado bililiqo watay.
Safaaradda Maraykanka oo baaq u dirtay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya
BBCCopyright: BBC
Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta
Soomaalida ugu baaqday in ay dar dar geliyaan doorashada dalka.
Safaaradda oo si gaar ah ula hadashay madaxda maamul
goboleedyada ayaa sheegtay in loo baahan in laga baaqsado dib u dhac kale oo
doorashada ku yimaada, dhanka kalena ku baaqday in la dadajiyo doorasho caddaalad
ku dhisan, hufan, loo wada dhan yahay isla markaana waqtigeeda ku dhacda.
Baaqaan ayaa ku soo aadaya
ayadoo liiskii ugu horeeyay ee musharaxiinta kuraasta aqalka hoose uu shalay
soo saaray maamulka Jubbaland.
Kuraasta oo lambaradood oo kali ah la soo saaray oo aysan
magacyo la socon ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 14 kursi.
Talabadan maamulka Jubland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dorraad
guddiga doorashada ee heer federaal ugu baaqeen maamulada Hirshabele, Jubaland
iyo Puntland in ay bilaabaan doorashada aqalka hoose.
Sudan oo ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Itoobiya
BBCCopyright: BBC
Suudaan
ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay ku muransan yihiin iyaga iyo Itoobiya,
iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaannada
lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhaxaysa Khartoum iyo Addis
ababa.
Ciidanka ayaa farriin u
diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda ay
nabad ku joogaan.
Sudan
ayaa 1-dii Diseembar sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen saldhig ay ku
sugnaayeen ciidamada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga ka dib markii ay
rasaas iswaydaarsadeen labada ciidan.
Arrintaan
ayaa timid ka dib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay
30 kalena lagu dhaawacay ka dib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidamada Itoobiya
ku dhexmaray deegaanka Birkat Nourain ee ka tirsan degmada al-Fashaga.
Dagaalkan soo cusboonaaday
ayaa sababay in hoggaamiyaha militariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu
wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya.
Sawir lacag badan lagu kala iibsaday magaalada Hargeysa
AyaanleCopyright: Ayaanle
Magaalada Hargeysa ayaa lagu kala iibsaday sawir gacmeed ka hadlaya nolosha carruurta darbi jiifka ah ee aan hoyga haysan.
Waa markii ugu horraysay ee sawir gacmeed lacag kun dólar ku dhow lagu kala iibsado magaalada Hargaysa.
Ayaanle Axmed Cabdi oo ku magac dheer Ayaanle LK waa ninka sawir gacmeedka sameeyey, wuxuuna sheegay in lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono carruurta darbi jiifka ah.
"Habeen dhawayd ayaan dhaxan dareemay oo xammili kari waayey, markaa waxaan ka fekaray ciyaal yaryar iyo dadyaw ila mid ah oo meel ay ku hoydaan aanay jirin, bal inaan dadkaa sawir ka sameeyo. Sawirkaasna aan gadi karno, lacagta ka soo baxdana aan ku taageeri doonno dadyawgaas iyo waxay kaga gaashaantaan dhaxanta."
Sawirkan ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxaan gadatay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Soomar Online oo siisatay lacag gaadhaysa 7 milyan oo shillinka Somaliland ah taas oo u dhiganta 800 oo dollar.
Ingiriiska oo 11 dal oo afrikaan ah ka saaray liiska cas
Getty ImagesCopyright: Getty Images
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhammaan
11-ka waddan laga saarayo liiska cas ee UK laga bilaabo 4-ta subaxnimo
Arbacada.
Dalalka liiska ku jiray ee haatan xayiraadda laga qaaday waxaa ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique,
Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.
Liiska cas ayaa dib loo soo celiyay dabayaaqadii November si looga
hortago korona fayraska cusub ee Omicron.
Laakiin Xoghayaha Caafimaadka UK Sajid Javid ayaa sheegay in
fayrasku uu haatan si guud u faafay sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab
xayiraadaha loo sii wado.
Post update
Asalaamu Caleykum.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.
Tebin toos ah
time_stated_uk
SENEGAL 0-0 MASAR
SENEGAL 0-0 MASAR
Qeybti hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay iyadoo labada xulba ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan. Maxamed Saalax ayaa caawa si ka duwan maalmihii lasoo dhaafay uga dhex muuqday kooxdiisa isagoo mar la galay diillinta ganaaxa u muuqday inuu baas dhigayo balse darbo ku toogtay birta xigta. Goolhayaha Chelsea iyo xulka qaranka Sengal, Mendy oo digtoonaa ayaa gooshaa birta dusheeda mariyay.
Mane oo isna dhanka kale ee garoonka goolal ka raadinaya ayaa isna fursado kooban helay karoos laga soo tuuray dhanka calansidaha soke ayuu dirqi lugta kula waayay. Dhankastoola eegaba waa ciyaar isku dhiganta. Iminka ayaa dib loogu noqonayaa qeybta labaad.
Gobolka Mudug oo ay dad ugu dhinteen abaar darteed
Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.
Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyadaba halkaasi kunooleyd.
Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.
Guddoomiye Cirro oo u nisbeeyey jiitanka doorashada Soomaaliya wax ka baxsan awooddooda
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federal ee dalka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro, ayaa maanta sheegay in daahitaanka doorashooyinka ay yihiin kuwo awooddooda ka baxsan.
Wuxuu intaa ku darey in haddii doorkooda la siiyo odayaasha wax xulaya, iyo guddiyada u xil saaran doorashada natiijo wanaagsan la gaaari karo.
Cirro wuxuu kaloo ka hadlay hufnaanta doorashada, isagoo ku nuux nuux sadey iney muhiim tahay in nidaamka doorashada loo dajiyey la raaco.
Doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa waayadii ugu danbeeyey waxaa lasoo gudboonaadey jiitan, iyadoo xiliyo tiro badan oo hore ay marar kala duwan dib uga dhacdey waqtiyo loo asteeyey iney bilaabato doorashada.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo go'aan ka gaarey kursiga 067
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban, ayaa go'aan ka gaarey kursiga tirsigiisu yahay HOP 067, kadib cabasho loo soo gudbiyey.
Guddiga ayaa sheegay iney u caddaatey in dacwadda uu soo gudbiyey murashax Axmad Cabdikariin Cali, ay tahay arrin ku saabsan hab qeybsiga beeshaasi, oo ay tahay arrin ka baxsan awoodda Guddiga xalinta khilaafaadka.
Waxey dhanka kale sheegeen iney u caddaatey in dacwadda uu soo gudbiyay nabadoon Cali Xassan Cali aanu aheyn, saxiixihii rasmiga ahaa ee soo xulay ergadii soo dooratay kursigaHOP 067 sanadka 2016-kii.
Sidoo kale, nabadoon Cali Xasan, ayaanan kamid ahayn odayaasha dhaqanka ee ka diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul Goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya.
Sidaa daraadeed, Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa soo saarey qodobkan:
In hanaanka loo maamuley doorashadii kursiga summaddiisu tahay HOP067, uu yahay mid waafaqsan habraacii loo dajiyey doorashooyinka dadban, sidaasi darteedna uu yahay mid sax ah, oo aan dib looggu noqon doonin.
Kenya oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee Omicron
Kenya ayaa diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay qof safar ahaa, sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.
Mutahi Kagwe ma uusan shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday ilaa iyo hadda.
Warkan ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii uu sheegay in aysan dalka Kenya ka jirin kiisas la xiriira noocaan cusub, inkastoo kiisaska Korona fayrasku ay sare u soo kacayaan.
Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale ku warramaya in kiisaska hargabka ee dalka ka jira ay sare u keceen.
Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo.
Wadarta guud ee kiisaska Covid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhisho ah.
Dowladda ayaa ku baaqaysa in dadku ay tallaalka qaataan.
Maxkamad ku taal Kenya ayaa Talaadadii hakisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan la tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December.
Ninkii 57 xaas lahaa oo geeriyooday
Simon Odo, oo loo qayaan "Boqorkii Shaydaanka", ayaa geeriyooday asagoo da’diisu ahayd 74, sida uu xaqiijiyey wiilkiisa Uchenna Odo.
Mr Odo ayaa sheegay in aabbihiis uu geeriyooday arooryadii hore ee Talaadadii , ka dib markii uu muddo yar xanuunsanaa.
“Wuu geeriyooday” ayuu Arbacadii BBC Igbo ugu sheegay Khadka teleefoonka. “waxaan doonaynaa in aan aasno” ayuu intaa raaciyey.
Simon Odo ayaa ka soo jeeday tuulada Aji ee ku taal gobolka Enugu ee Nigeria, halkaas oo uu ka ahaa wadaad sare oo caan ah.
Mar uu waraysi siiyey BBC Igbo sannadkii 2020, waxa uu sheegay in 57 haween ah uu guursaday isla markaana ay carruurtiisu tiro beel noqdeen.
Waxa uu sheegay in uu shaydaannimada ka dhaxlay waalidkii iyo awoowayaashii balse waxa uu ku adkeystay in uusan caawin qof kasta oo raadiya sidii uu u dhibaateyn lahaa dadka kale ee la nool.
Mr Odo ayaa BBC-da u sheegay in uu xirfaddiisa ku dhammeeyay dhir-beerista magaalada Ijebu Ode ee gobolka Ogun, halkaas oo uu u aaday si uu dawo ugu raadiyo xanuun la yaab leh oo muddo dheer hayey.
Laftagareen oo Kismaayo gaaray
Madaxweynaha maamul goboleed Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa markii ugu horraysay intii uu madaxweynaha ahaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo. Waxaana halkaa ku soo dhaweeyey dhiggiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Safarka Laftagareen ayaa imaanaya ayadoo ay socoto doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo Jubbaland ay shaacisay qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose.
Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimaha doorashada, ayadoo Maraykanku uu madaxda maamul goboleedyada ugu baaqay in ay dar dar geliyaan doorashada oo ay waqtigeeda ku dhacdo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa asna dhankiisa aan tagin Baydhabo intii uu madaxweynaha noqday Cabdicasiis Laftagareen.
Maxkamad xukuntay in xabsiga lagu celiyo Jacob Zuma
Maxkamad ku taal Koonfur Afrika ayaa xukuntay in xabsiga dib loogu celiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayadoo sheegtay in siidayn sharafeedkiisa caafimaad ay tahay “sharci darro”
Muddada uu xabsiga ka maqan yahay waa in aan lagu tirin 15-ka bilood ee lagu xukumay, ayay go’aamisay maxkamaddan oo ku taal Pretoria.
Mr Zuma ayaa la sii daayey 5-kii September xaalad caafimaad oo aan la shaacin awgeed.
Zuma ayaa xabisga loogu xukumay sababo la xiriira in markii uu madaxweynaha ahaa uu ka jaabi waayey baaritaan la xiriiray musumaasuq.
79-jirkan ayaa bishii July isu dhiibay booliiska ka dib markii ay dadweynuhu is-hortaageen, balse xarigiisa oo uusan jirin madaxweyne uga horreeyey ayaa dhaliyey rabshado bililiqo watay.
Safaaradda Maraykanka oo baaq u dirtay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya
Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ugu baaqday in ay dar dar geliyaan doorashada dalka.
Safaaradda oo si gaar ah ula hadashay madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegtay in loo baahan in laga baaqsado dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, dhanka kalena ku baaqday in la dadajiyo doorasho caddaalad ku dhisan, hufan, loo wada dhan yahay isla markaana waqtigeeda ku dhacda.
Baaqaan ayaa ku soo aadaya ayadoo liiskii ugu horeeyay ee musharaxiinta kuraasta aqalka hoose uu shalay soo saaray maamulka Jubbaland.
Kuraasta oo lambaradood oo kali ah la soo saaray oo aysan magacyo la socon ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 14 kursi.
Talabadan maamulka Jubland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dorraad guddiga doorashada ee heer federaal ugu baaqeen maamulada Hirshabele, Jubaland iyo Puntland in ay bilaabaan doorashada aqalka hoose.
Sudan oo ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Itoobiya
Suudaan ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay ku muransan yihiin iyaga iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaannada lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhaxaysa Khartoum iyo Addis ababa.
Ciidanka ayaa farriin u diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda ay nabad ku joogaan.
Sudan ayaa 1-dii Diseembar sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga ka dib markii ay rasaas iswaydaarsadeen labada ciidan.
Arrintaan ayaa timid ka dib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay ka dib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Birkat Nourain ee ka tirsan degmada al-Fashaga.
Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa sababay in hoggaamiyaha militariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya.
Sawir lacag badan lagu kala iibsaday magaalada Hargeysa
Magaalada Hargeysa ayaa lagu kala iibsaday sawir gacmeed ka hadlaya nolosha carruurta darbi jiifka ah ee aan hoyga haysan.
Waa markii ugu horraysay ee sawir gacmeed lacag kun dólar ku dhow lagu kala iibsado magaalada Hargaysa.
Ayaanle Axmed Cabdi oo ku magac dheer Ayaanle LK waa ninka sawir gacmeedka sameeyey, wuxuuna sheegay in lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono carruurta darbi jiifka ah.
"Habeen dhawayd ayaan dhaxan dareemay oo xammili kari waayey, markaa waxaan ka fekaray ciyaal yaryar iyo dadyaw ila mid ah oo meel ay ku hoydaan aanay jirin, bal inaan dadkaa sawir ka sameeyo. Sawirkaasna aan gadi karno, lacagta ka soo baxdana aan ku taageeri doonno dadyawgaas iyo waxay kaga gaashaantaan dhaxanta."
Sawirkan ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxaan gadatay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Soomar Online oo siisatay lacag gaadhaysa 7 milyan oo shillinka Somaliland ah taas oo u dhiganta 800 oo dollar.
Ingiriiska oo 11 dal oo afrikaan ah ka saaray liiska cas
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhammaan 11-ka waddan laga saarayo liiska cas ee UK laga bilaabo 4-ta subaxnimo Arbacada.
Dalalka liiska ku jiray ee haatan xayiraadda laga qaaday waxaa ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.
Liiska cas ayaa dib loo soo celiyay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron.
Laakiin Xoghayaha Caafimaadka UK Sajid Javid ayaa sheegay in fayrasku uu haatan si guud u faafay sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado.
Post update
Asalaamu Caleykum.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.