Wasiir Beyle xaq ma u leeyahay in uu diido in uu hortago xafiiska xeer ilaaliyaha?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Jabuuti oo u dabaaldegtay sanadguuradii 45-aad ee xoriyadda

    Maanta waxaa dalka Jabuuti looga dabbaal dagayaa sanad guurada 45-aad ee ka soo wareegtay maalinta uu dalkaasi xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska.

    Inta ay socota munaasabadda xuska maalinta xorriyadda waxaa xarigga laga jaray taallo looga tala galay halgamayaashi naftooda ku waayey halganki gobonnimo doonka.

    Munaasabadda dabaaldegga waxaa lagu soo bandhigay hub badan iyo gawaarida gaashaaman ee dagaalka, waxaana la arkayay ciidamo kala duwan oo gaada ka ciyaar ku maraya halkii ay xafladda ka socotay iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu salan sharaf ka qaatay ciidamada, sida uu baahiyay teleefishinka iyo raadiyaha dowladda.

    .

    Xigashada Sawirka, Radio Télévision Djibouti

    .

    Xigashada Sawirka, Radio Télévision Djibouti

    .

    Xigashada Sawirka, Radio Télévision Djibouti

  2. Gabadha iibisa miraha Yicibta

  3. Wasiir Beyle xaq ma u leeyahay in uu diido in uu hortago xafiiska xeer ilaaliyaha?

    Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday inuu hortago xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta looga yeeray.

    Xafiiska xeer ilaalinta ayaa warqad uu soo saaray wuxuu wasiirku ka dalbaday inuu hor yimaado si loo weydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda oo sida xafiisku sheegay uu baaritaan ku wado.

    Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u sababeeyay in xafiiska xeer iaalinta uusan awood u lahayn inuu u yeero, balse qofka keliya ee u yeeri kara waxna weydiin kara uu yahay Garyaqaanka Guud ee dalka.

    Haddaba doodda labada dhinac muxuu sharcigu ka qabaa? BBC-da waxay su'aashaas weydisay Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) oo ah abukaate waxna ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

    Halkan ka dhageyso:

  4. Maxaa ku soo kordhay caafimaadka fanaanada Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige?

  5. Nafaqo darrada caruurta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya haysata oo laga dayrinayo

    Xaaladd nafaqo darro ah ayaa la soo daristay carruurta deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in maalinba maalinta ka dambaysa ay ka sii dareyso xaaladda carruurta kadib markii qaybo ka mid ah deegaannadaasiay abaar ku habsatay.

    Xarun ay ku leedahay Baydhabo hay'adda badbaadada caruurtaayaa bishan June waxaa soo gaaray carruur ay macluul darro la soo deristay oo 100 kor u dhaafay, carruur toban ka badanna way ku dhinteen.

    Tirada carruurta xarunta soo gaartay ayaa 4 jeer ka badan carruurtii la seexiyey halkaas sannadkii la dhaafay ee 2021-ka xilligan oo kale.

    Imaaciil Cali Ibraahim oo xarunta carruurta la keenay ka howlgala ayaa BBC-da uga warramay xaaladda nafaqadarrada carruurta.

  6. Somaliland oo wax dambi ah ku weysay nin lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti

    Maxkamadda ku taalla degmada Gabilay ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta wax dambiya ku wayday Aarre Sulaymaan Cawleed, oo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil cumar Geelle.

    Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda, lamana sii dayn Aarre Sulaymaan.

    Aarre Cawleed, ayaa ah mu’waadin reer Jabbuuti ah balse sannadii la soo dhaafay ku noolaa Somaliland. waxana uu inta badan dhaliilaa hannaanka uu Jabbuuti u maamulo madaxweyne Geelle.

    Waxyaabaha lagu eedeeyay Aarre, waxa ka mid ah in uu“ Dilaa” ku tilmaamay madaxweyne Geelle iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyay balse dhammaan eedahaasi Maxkamaddu way ku wayday.

  7. Japan: Maxay tahay sababta 37 milyan oo qof looga codsaday inay nalalka damiyaan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Japan ayaa dadka ku nool magaalada Tokyo iyo nawaaxigeeda ka codsatay in ay isticmaalaan koronto yar maalinta Isniinta ah, maadaama ay ka digtay in ciriiri ay geli doonaan adeegyada korontada xilli dalkaasi uu wajahayo kulayl daran.

    Wasaaradda dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha ayaa rajaynaysa in baahida korontada ay sare usii kaceyso.

    Wasaaradda waxay ka codsatay in dadka inay damniyaan nalalka balse ay wali isticmaalaan qaboojiyaha si ay isaga ilaaliyaan kulaylka.

    Muddo toddobaadyo ah, mas'uuliyiinta waxay ka digayeen gabaabsi dhanka adeegyadii korontada ah iyadoo heerkulka Japan uu sare u kacayo.

    Heerkulka bartamaha Tokyo wuxuu kor u kacay 35C, halka magaalada Isasaki uu heerkulka gaaray 40.2C. Taasi waxay ahayd heerkulkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaan geliyo Japan gudaha bishan June.

    Bishan June waxay astaan u tahay bilowga jiilaalka ee Japan, iyadoo heerkulka caadi ahaan ka hooseeyo 30C inta lagu jiro bishan.

  8. Rag looga shakiyay inay lo’ dhaceen oo nolosha lagu aasay

    .

    Booliska Mozambique ayaa xiray 9 qof oo looga shakisan yahay inay jirdileen isla markaana ay nolosha ku aaseen toddobo qof oo looga shakisanaa inay kamid ahaayeen burcadda lo’da dhacda.

    Wuxuu falkan ka dhacay degmada Manhiça,oo u dhaw caasimadda Mozambique ee Maputo.

    Afhayeenka booliska gobolka Juarce Martins, ayaa xaqiijiyay ragga nolosha lagu aasay iyo dadka loo xiray dhacdadaas.

    Wuxuu intaa ku daray in weli aan la aqoonsan dadka la dilay.

    Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha dowladda ay booqdeen goobta si ay usoo qufaan meydadka dadkii nolosha lagu aasay.

  9. Caddeymo muujinayo ciidamada Ruushka oo raashiin ka xadaya Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu helay caddaymo muujinaya in ciidamada Ruushka ee qabsaday dalka Ukraine ay ka xadeen halkaas kumannaan tan oo raashiin ah oo isugu jiro galley iyo dalag kaleba kuwaas oo ay soo saareen beeraleyda dalkaas.

    Caddeymaha waxay muujinayaan in maamulka Ruushka ay u sheegeen beeralayda Ukraine inay la wareegayaan dalaggii ay soo saareen si ay u xaqiijiyaan waxa ay ku tilmaameen ka hortagga ‘gabaabsiga dhanka cuntada ah’

    Muuqaallo laga soo duubay mid kamid ah beeraha Ukriane ayaa muujinaya wax u muuqda askarta Ruushka oo beerta dhacaya kuwaas oo xadaya dalaagga.

    Ruushka ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay raashiin kasoo xadeen Ukraine balse saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in sagaal markab oo la rumeysan yahay inay raashiinkii laga soo xaday Crimea u daabuleen meelo kale oo caalamka ah.

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digayso macluusha ka jirta Afrika iyo Bariga Dhexe sababtoo ah maadama uu hakad galay raashiinkii ka imaanayay Ukraine, oo kamid ah dalalka ugu soo saarista badan burka.

    .
  10. Labo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay degmada Matabaan,

    Qaraxa ka dhacay tuulada Qabno ee degmada Matabaan
    Qoraalka sawirka, Qaraxa ka dhacay tuulada Qabno ee degmada Matabaan

    Labo qof ayaa lagu dilay, sedex kale oo labo kamid ah ay ahaayeen weriyayaalna way ku dhaawacmeen kadib markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu qabsaday mid kamid gawaari kolonyo ah oo uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo marayay meel ku dhaw tuulada Qabno ee degmada Matabaan ee isla gobolka Hiiraan, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhawdhaw booliska gobolka.

    Labada suxufi ee qaraxa ku dhaawacmay oo la kala yiraahdo Khaalid Muxumed Ilkacase iyo Cabdikarim Maxamed Siyaad ayaa u shaqeynayay telefishanka Hirshabeelle, waxana midkood gaaray dhaawac culus, sida laga soo xigtay xubno kamid ah dadkii la socday kolonyada qaraxa lagu weeraray.

    Gudoomiyaha gobolka iyo saraakiishii la socotay ayaa la sheegay inay ka babqabaan waxyeelada qaraxa.

    Gudoomiye Cali Jeyte iyo ciidanka dawladda ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka waday wadooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxayna saaka ciidanka dawladdu galeen tuulada Qabno oo ay Shabaabku horey u fadhiyeen.

  11. Itoobiya oo lagu eedeeyay inay dishay ciidamo u dhashay Suudaan

    Itoobiya iyo Suudaan waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muranka dhanka xadka ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Itoobiya iyo Suudaan waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muranka dhanka xadka ah

    Milateriga Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay dileen 7 askari oo u dhashay Suudaan iyo qof rayid ah oo maxaabiis ahaan ay u heysteen.

    Warbaahinta dowladda Suudaan wax faahfaahin kama aysan bixin dhacdadan.

    Militeriga Suudaan wuxuu dilalka ku tilmaamay arrin khiyaano ah, waxay sheegeen inay jawaab ka bixin doono falkaas.

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya oo ku saabsan dilkan lagu eedeeyay.

    Labada dal waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muranka dhanka xadka ah kaas oo soo ifbaxay labadii sano ee ugu dambeeyay, marar qaar dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Al Fashaqa.

    Suudaan ayaa sidoo kale ka carootay biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.

  12. Kulanti wacan oo wanaagsan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.