Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashada aan loo qabanin si waafaqasan xeerarka doorashada Kenya
  2. Afar ka mid ah garsoorayaasha ayaa isku raacay halka 2 kalana ay diideen
  3. Mid ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda Maxamed Warsame ayaa maqnaa
  4. Sida uu sharcigu qabo doorashada ayaa lagu celin doonaa muddo laba bilood gudohaood

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Intaa ayaan ku joojineynaa tabintii tooska ahayd

    Ciid wanaagsan, intaas ayaan ku soo afjareynaa tabintii tooska ahayd ee go'aanka maxkamadda Kenya ay ka gaartay doorashadii lagu murmay ee horraantii October.

    Waad ku mahadsan tihiin inaad si toos ah halkan aad uga aqrisataan wararka go'aanka maxkamadda.

    Waxaan idiinkaga tageynaa sawirkan. Waa gabar yar oo farxadda ciidda ka qeybgaleysa

    Ciid wanaagsan
    Image caption: Ciid wanaagsan
  2. Taageerayaasha xisbiga talada haya ee Kenya oo isu soo baxay

    Taageerayaasha Jubilee
    Image caption: Taageerayaasha Jubilee

    Qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga talada haya ee Kenya ayaa isu soo baxay, waxayna muujinayaan in ay ka xun yihiin go'aanka maxkamadda.

    Qaar ka mid ah waxay sitaan boorar ay ku sawiran yihiin Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

    Balse illaa iyo hadda lama soo sheegin wax rabsho ah oo ka dhacay Kenya tan iyo markii go'aanka uu soo baxay.

    Taageerayaasha Kenyatta
    Image caption: Taageerayaasha Kenyatta
  3. War deg deg ahKenyatta: Kuma qanacsani go'aanka maxkamadda laakiin waan xushmaynayaa

    Uhuru Kenyatta
    Image caption: Uhuru Kenyatta

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay go'aanka maxkamadda sare ay ku diiday guushiisa.

    Wuxuu ku baaqay nabad iyo amni in laga wada shaqeeyo ayadoo aan la eegeyn qowmiyadda qof iyo waxa uu yahay.

    Wuxuu u mahadceliyay Alle oo uu sheegan in uu halka uu joogo soo gaarsiiyay.

    Wuxuu sheegay in uusan fikir ahaan ogoleyn go'aanka maanta ee maxkamadda, balse uu ku qasban yahay in uu u hogaansamo xukunka.

    "Maxkamadda go'aan ayey gaartay, waana xushmeyneynaa inkastoo aanan ku raacsanayn", ayuu yiri.

    Wuxuu Kenyatta sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qeybgalo doorasho kale.

  4. Chabukati: Ma iscasilaayi

    Gudoomiyaha Guddiga doorashada ee Kenya Wafula Chabukati ayaa sheegay in uusan iscasilidoonin ka dib go’aanka maxkamadda sare oo inta badan lagu eedeeyay guddigiisa.

    Wafula Chabukati
    Image caption: Wafula Chabukati
  5. Garsoora Maraga “wuxuu ka farxiyay shacabka Kenya”

    Dabaaldegayaal
    Image caption: Dabaaldegayaal

    Weriyaha BBC-da ee ku sugan magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya ayaa la hadlay dad u dabaaldegaya go’aanka ka soo baxay maxkamadda sare.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin guusha uu gaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta.

    Quote Message: Waan u hambalyeyneynaa Garsoore David Maraga. Shacabka Kenya ayuu ka farxiyay."
    Quote Message: Waxaan korjoogtada u sheegeynaa [kuwaas oo qaabka doorashada mahdiyay] in go’aanka maxkamadda uu maanta soo baxay."
    Taageerayaasha mucaaradka
    Image caption: Taageerayaasha mucaaradka
  6. Cadeynta ay cuskatay maxkamadda Sare

    Halkan ka aqriso cadeynta ay bixiyeen khubarada dhanka teknolojiyadda ee maxkamadda sare, intii ay socotay dhageysiga dacwadda:

    • Ku dhowaad seddax qeyb oo ka mid ah foomamka natiijada waxaa ka muuqday qaladaad; qaar waxba kuma qornayn.
    • Kuwa ka mid ah foomamka waxay ka yimaadeen xarumo codeyn oo aan jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijo ka duwan tirada dadka diiwaan gashay ee guddiga doorashada uu ku dhawaaqay.
    • Kumannaan ka mid ah warqadahaasi ma aysan lahayn tiimbaro, saxiix iyo calaamaha looga baahan yahay midna.
    • Illaa shan milyan oo cod, oo saameyn karo natiijada, ma ahayn kuwo la xaqiijin karo
    • Guddi ay maxkamadda u saartay in ay baaraan qalabka IEBC waxay ogaadeen dad aan fasax haysan in ay isticmaaleen qalabka ka hor iyo ka dib doorashada.

    Gudoomiyaha maxkadda sare David Maraga wuxuu sheegay in maxkamadda ay soo saari doonto faafaahinta go’aanka.

    Sanduuqa codeynta
    Image caption: Sanduuqa codeynta
  7. Gudoomiyaha IEBC oo ka jawaabay go'aanka

    Gudoomiyaha guddiga doorashada ee kenya Wafula Chabukatii ayaa sheegay in ay maxkamadda ka doonayaan in ay baahiso go'aanka oo dhameystiran.

    Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay in dadka qaladka sameeyay la baaro si loo ogaado ka dibna loo qabto doorasho kale oo cadaalad ah.

    Wuxuu xaqiijiyay in ay u hogaansamayaan go'aanka maxkamadda.

  8. Cadeynta khubarada teknolojiyadda ee Maxkamadda

    Maxkamadda sare ee Kenya ayaa baabi'isay dib u doorashadii madaxweyne Uhuru Kenyatta.

    Lixda xaakim ayaa tiro aqlabiyad ah ku go'aamiyey in guddiga doorashada uu ku guul darraystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka.

    Faafaahinta halkan ka eeg

  9. 'Xukunka waa been abuur' - Xildhibaan taageersan Kenyatta

    Mid ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Kenya Irungu Kang'ata, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee, ayaa ka hor imaaday go'aanka maxkamadda ay ku tuurtay guushii Uhuru Kenyatta ee doorashadii bishii hore.

    Wuxuu telefishinka KTN u sheegay in garsoorayaasha ay qirteen in aysan helin waqti ay kuwada aqriyaan dhammaan wixii loo gudbiyay.

    Maadaama maxkamadda ay tahay tan ugu sareysa Kenya, go'aankeeda racfaan lagama qaadan karo.

    Quote Message: "Xukunka waa been abuur.. waxaa jirtay meel uu gudoomiyaha maxkamadda sare ku qirtay in uu aqriyay qeyb ka mid ah cadeymaha. Muxuu u sugi waayay in uu aqriyo dhammaan warqadaha cadeymaha ee loo gudbiyay?"
    .
    Image caption: .
  10. Waa go'aan oo aan la fileyn

    Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay go'aanka
    Image caption: Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay go'aanka

    Go'aanka ay gaartay maxkamadda sare ee Kenya waa kii ugu horeeyay ee Afrika.

    Maxkamadda sare ee kenya waxay noqoneysaa tii ugu horeysay ee doorasho madaxweyne ku tilmaamtay mid aan waxba ka jirin, marka la eego guud ahaan qaaradda.

    Dhanka caalamka, waxay noqoneysaa markii afaraad oo maxkamad ay go'aan noocaan ah ay gaarto.

    Hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga, ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah.

    Go'aan noocan h lagama fileyn in Qaradda AFrika laga maqlo, ayuu yiri Raila.

    Hadaba dalalka kale ee arrinta noocan ah horey ay uga dhacday aan eegno:

    • Ukraine 2004
    • Maldives 2013
    • Austria 2016
  11. Maxaan ka ognahay doorashada lagu noqonayo ee Kenya?

    Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya
    Image caption: Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya

    Bariga Afrika waxaa ka jiro war wayn oo la xiriira in maxkamadda sare ee Kenya ay ku dhawaaqday in doorashada madaxtinimada lagu noqdo.

    Halkan ka aqri waxa aan illaa iyo hadda ka ognahay:

    • Maxkamadda sare ee Kenya ayaa go'aamisay in aysan waxba ka jirin natiijadii ka soo baxday doorashadii la qabtay horrantii bishii dhammaatay ee madaxtinimada
    • Waxay shaacisay in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho kale
    • Afar ka mid ah lixda garsoore ayaa sheegay in qaladaadka dhacay ay dhaaweceen sax ahaanta codaynta
    • Garsoorayaasha waxay sheegeen in guddiga doorashada uusan doorashada ku qaban hanaanka dastuurka uu dhigayo
    • Tan waxay daba socotay mucaaradka oo maxkamadda sare u gudbiyay dacwo ka dhan ah doorashada oo ay sheegeen in codeynta ay ahayd mid la isdabamariyay
    • Waxay sheegeen in qalabka guddiga uu adeegsaday uusan u shaqeyn si sax ah
    • Natiijada doorashada lalaalay ayuu Uhuru Kenyatta ku horeeyay in ka badan hal milyan oo cod
    • Maxkamadda maanta go'aankeeda wuxuu guul wayn u yahay mucaaradka.
    • Laakiin NASA ayaa horey u sheegtay in aysan kalsooni ku qaban garsoorayaasha maxkamadda iyo in aysan gaari karin go'aan cadaalad ah
    • Mucaaradka ayaa markii dambe go'aansaday in ay maxkamadda aadaan
    • Go'aankan ma ahan mid laga filayay qaaradda Afrika, mucaaradka ayaa sidaas sheegay
  12. Taageerayaasha Odinga oo Nairobi isugu soo baxay

    Taageerayaasha Raila Odinga oo isugu soo baxay waddooyinka Nairobi ka dib markii ay maxkamaddu amartay in doorasho hor leh lagu qabto muddo 60 malmood gudahood

    Video content

    Video caption: Goaanka maxkamadda Kenya: Dabbaaldegyo ka billowday Nairobi
  13. Taageerayaasha mucaaradka oo fagaaraha xuriyadda ku sii jeeda

    Taageerayaasha isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa la sheegayaa in ay ku sii jeedaa fagaaraha xuriyadda ee kenya oo loo yaqaano Uhuru Park.

    Qeybo badan oo ka mid ah dalka Kenya ayaa waxaa ka socdo dabaaldegyo ay sameynayaa mucaaradka oo u arko in ay guul gaareen.

    Taageerayaasha mucaaradka
    Image caption: Taageerayaasha mucaaradka
    Taageerayaasha qaar waxay ku socdaan gawaari
    Image caption: Taageerayaasha qaar waxay ku socdaan gawaari
  14. Raila Odinga oo soo dhoweeyay go'aanka maxkamadda

    "Waa go'aankii ugu horeeyay ee noocan ah ee Afrika laga arko" ayuu yiri Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya oo dacwada maxkamadda ku guuleystay.

    Raila ayaa hadda dhahay waxaan dacweyneynaa guddiga doorashada ee IEBC.

    Garsoorayaasha ayaa sheegay in IEBC aysan u qaban doorashada si waafaqsan dastuurka Kenya.

    Hogaamiyayaasha mucaaradka
    Image caption: Hogaamiyayaasha mucaaradka
  15. Kenya: Laba bilood gudahood oo doorasho kale lagu qabanayo

    Doorashada xilka madaxweynaha ee Kenya ayaa lagu qaban doonaa laba bilood gudahood.

    Maxkamadda Sare ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadaasi.

    Laakiin qaar ka mid ah qareenadii u doodayay madaxweyne Uhuru Kenayatta ayaa sheegay inaysan ku qancin go'aanka maxkamadda sare.

    Waxaa dabaaldegyo billaabay taageerayaasha mucaaradka, sida ka muuqato sawirrada hoose.

    Raageerayaasha mucaaradka
    Image caption: Raageerayaasha mucaaradka
    Dabaaldegyo
    Image caption: Dabaaldegyo
  16. Dabbaaldegga maxkamadda banaankeeda

    Markii lagu dhawaaqay go'aanka maxkamadda waxaa maxkamadda horteeda ka billowday dabbaaldagyo.

    BBC
    BBC
  17. Wadooyiinka Nairobi oo haawanaya

    Shacabka ku nool Nairobi ayaa guryahooda ku xarooday. waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga.

    Jidadka qaar waxaa lagu arkayaa ciidamada ka hortaga rabshadaha iyo gawaaridooda.

    Gaari ka mid ah kuwa rabshadaha looga hortago
    Image caption: Gaari ka mid ah kuwa rabshadaha looga hortago
    Askar ku sugan gudaha Nairobi
    Image caption: Askar ku sugan gudaha Nairobi
  18. War deg deg ahDoorashada madaxtinimada Kenya oo dib loogu noqon doono

    Maxkamadda sare ayaa go'aamisay in doorashada dib loogu noqdo ka dib markii ay sheegeen in si aan dastuurka waafaqsaneyn loo qaban.

    Waxay sheegeen in doorashada laga soo qaadayo mid aan waxba ka jirin.

    Taas waxay la mid tahay in Uhuru Kenyatta uusan ku guuleysan doorashada.

  19. Uhuru wax khalad ah ma gaysan

    Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa sheegtay inay jiraan dhibaatooyin la soo darsay doorashada balse madaxweyne Uhuru Kenyatta uusan gelin wax khalad.

  20. Garsoorayaasha oo 4-2 ukala qeybsamay

    Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in lixda garsoore ay ku qeybsameen go'aanka dacwadda.

    David Maranga ayaa sheegay in labo ay dhinac raaceen, afarta kalena ay dhinac raaceen.