Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Milatariga Zimbabwe ayaa la wareegay telefishinka qaranka
  2. Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in tallaabda milatariga ay buuxisay astaamaha afgmebi.
  3. Madaxweyne Mugabe waxaa la sheegay inuu badqabo balse uu ku jira xabsi-guri
  4. Waxay ka dambeysay markii uu MUgabe xilka ka eryay madaxweyne ku xigeenkiisa

Tebin toos ah

by Ahmed Hassan Adan

time_stated_uk

Waa naga intaa tabinta tooska ah ee xaaladda Zimbabwe

Waad ku mahadsan tihiin sida aad ula socoteen wararka BBC Somali ee la xiriira Zimbabwe. Waxaan halkan dib uga akhrisan kartaa wararkii aan maanta oo dhan daabaceynay.

Waxaan isku soo noqon doonnaa beri inshaa Allah.

Robert Mugabe iyo xaaskiisa Grace oo xiisadda taagan sabab u ah
Getty Images
Robert Mugabe iyo xaaskiisa Grace oo xiisadda taagan sabab u ah

Emmerson Mnangagwa: "yaxaaska" soo hor dhacay

Mnangagwa oo ka mid ahaa xuriyad u dirirkii 107-maadkii
AFP
Mnangagwa oo ka mid ahaa xuriyad u dirirkii 107-maadkii

Waxay ahayd sir, muddo sanado ah laga wada ogaa dalka Zimbabwe in Emmerson Mnangagwa uu doonayay in uu bedelo Robert Mugabe.

Mr Mugabe ayaa sidoo kale si dareen leh u taageerayay - maalin ayuuna dallacsiiyay oo uu u xiibay shaqooyiin sare oo ah xisbiga Zanu-PF iyo dowladda.

Waxaa markaa ka dib soo baxay hadal ah in Mnangagwa uu yahay qofka "dhaxlaya" Mugabe, balse taa ayaa is bedeshay ka dib markii uu si rasmi ah u shaaciyay waxa uu doonayo, taas oo xoogaa hordhac u muuqatay.

Ka dib markii shaqada laga tiray, in kastoo dulqaad lagu garanayo ninkan loogu yeero "yaxaaska" haddana ugu dambeyn wuu hordhacay.

Taliyaha ciidamada Zimbabwe Janaraal Constantino Chiwenga (Bidix) wuxuu xulafo la yahay Mr Mnangagwa
AFP
Taliyaha ciidamada Zimbabwe Janaraal Constantino Chiwenga (Bidix) wuxuu xulafo la yahay Mr Mnangagwa

Mugabe ayaa si shaac ah ugu eedeeyay "khiyaano". Ka dib ciidamada isaga taageersan ee magaca uu ku dhex leeyahay ayaa dartii u farageliyay siyaasadda.

Wuxuu si toos ah ugu lug lahaa dagaalkii Zimbabwe ee 1970-maadkii. Wuxuu noqday sarkaalka sirdoonka ka dib markii dalka uu xuroobay ee 1980-kii, xilligii dagaalkii sokeeye ee lagu dilay kumannaanka qof.

Wuxuu xilligaa beeniyay in uu lug ku lahaa xasuuqa, wuxuuna eedeeyay ciidamada.

Balse, dadka filaya in madaxtinimada Mnangagwa ay tahay dhammaadka xadgudubyada Zimbabwe, waxay noqon kartaa in ay qaldan yihiin.

Dadka dhalleeceeya waxay sheegaan in "dhiig uu ku sito" gacmihiisa.

Waxaa loo garanayaa "yaxaaska" taasi oo ah waxaa ay aaminsan yihiin qabiilkiisa, hadana wuu u qalmaa, sidoo kale.

Sidaa darteed, taageerayaashiisa waxay ugu yeeraan "Lacoste".

Daawo sida militariga ula wareegeen maamulka Zimbabwe

Janaraal Moyo oo ka hadlay telefishinka Qaranka ayaa sheegay in ay la dagaallamayaan "dembiilayaasha ku hareereysan" madaxweyne Mugabe.

Daawo muuqaalkan hoose

Markii uu milatariga la wareegay telefishinka qaranka

Britain oo Mugabe ku eedeysay taariikh "arxan darro ah"

Bros Johnson
BBC
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Bros Johnson

Isagoo la hadlayay Aqalka baarlamaanka iyo golaha wasiirada, xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson wuxuu jeediyay khudbo ku saabsan arrimaha Zimbabwe.

Ma sheegi karno sida Zimbabwe ay noqon karto mustaqbalka, mana garaneyno in tan ay tahay dhammaadka Mugabe iyo in kale. Waxaan ku baaqeynaa xasillooni iyo dulqaad.

Waxa Britain ay weligeed dooneysay waa in shacabka Zimbabwe ay ayaga mustaqbalkooda ku go'aansadaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Hammiga Mugabe wuxuu markasta ahaa in uu dadka u diido in ay dookh yeeshaan. Aqalkanna wuu xasuusan doonaa arxan darrada 37 sano uu sameeyay xafiiskiisa. doorashada uu xaday; dilka iyo xadgudubka uu u geystay mucaaradkiisa; hayshada dhul si sharci darro ah taas oo sababtay sicir bararkii ugu xumaa taariikhda.

Maamulka keli taliga ah; haka jiro Zimbabwe ama meel kale; waa in laga baabi'iyaa Afrika. Waxaa la qorsheynayay in doorashada la qabto qeybta hore ee sanadka soo socda. Waxkastoo aan awoodno ayaan sameyneynaa anagoo kaashaneyna saaxiibadeeda caalamka, si aan u xaqiijino in dadka Zimbabwe ay fursad u helaan in ay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda.”

Xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka Britain, Rehamn Chishti ayaa ku baaqay in Zimbabwe lagu daro dalalka barwaaqa sooranka, haddii ay dimuquraadiyad qaadato.

"Ma waxay ahaan lahayd mid cajiib? ayuu ku jawaabay Jonhson.

Qalaasaha Zimbabwe oo baraha bulshada laga hadal hayo

Xaaladda qasan ee dalka Zimbabwe ayaa noqotay sheekada ugu wayn ee aadka looga hadal hayo barta Twitter-ka ee Afrika, sida laga soo xigtay Trendsmap.

Mowduucyo kala duwan oo la xiriira militariga dalka la wareegay ayaa looga doodayaa baraha bulshada.

Dadka waxay adeegsanayaan hal ku dhigyo iyo astaan kala duwan. Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah #Mugabe iyo #Zimbabwe.

Twitter
Trendsmap

Waa tuma Grace Mugabe, xaaska madaxweynaha Zimbabwe?

Grace Mugabe
BBC
Grace Mugabe

Iyada oo dalka Zimbabwe ay ka socdaan isbadalo waaweyn xilli ciidamada militariga dalkaas ay sheegeen in ay la wareegeen awoodda, ayaa waxaa halkan kaga hadlaynaa taariikhda xaaska madaxweyne Mugabe oo la aaminsanyahay in iyada darteed ay ciidamada gadood u sameeyeen.

Grace ayaa lagu waday in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe si ay marka dambe iyada xilka ugala wareegto ninkeeda oo 93 jir ah.

Madaxweyne ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa xilkii laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Grace.

Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe madaxweyne kasoo ahaa tan iyo sanadkii 1980-kii.

Taariikhdeeda oo dhameystiran halkan ka akhriso

Buhari oo ku baaqay "nabad iyo is xushmeyn"

Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamadu Buhari ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, iyo "nabad iyo is xushmeyn", ka dib markii militariga ay la wareegeen awoodda dalka.

Afhayeenka Buhari ayaa Twitter-ka ku qoray farriinta ka timi madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu ku baraarujiyay siyaasiyiinta iyo militariga Zimbabwe in ay ka fogaadaan ficil dalka u horseedi kara dagaal aan loo baahneyn oo saameyn xun ku yeesha gobolka.

Dad badan ayaa maanta waayay bangiyo iyo meelo ay ka adeegtaan
EPA
Dad badan ayaa maanta waayay bangiyo iyo meelo ay ka adeegtaan

Shiinaha oo "si dhow ula socda" xaaladda Zimbabwe

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpin oo Harare kula kulmay Mugabe, sanadkii 2015-kii
AFP
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpin oo Harare kula kulmay Mugabe, sanadkii 2015-kii

Shiinaha waa dalka xiriirka ganacsiga ugu weyn la leh Zimbabwe, Wuxuuna dalka garab istaagay xilligii cunna qabateynta dhaqaale ay saareen reer galbeedka.

Isbuucii tagay, Janaraal Constantino Chiwenga - oo hoggaaminaya ciidamada awoodda la wareegay - wuxuu booqday Beijing, taas oo Shiinaha uu ku tilmaamay "is dhaafsiga arrimaha caadiga ah ee militariga".

Afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Geng Shuang ayaa sheegay:

Maadaama aan nahay dalka saaxiibka la ah Zimbabwe, si dhow ayaan ula soconaa xaaladaha ka soo kordhaya dalka.

Nabadda iyo xasilloodiga ujeedada horumarka iyo danaha aasaasiga ah ee Zimbabwe iyo dalalka gobolka waa waxa ay doonayaan beesha caalamka.

Waxaan rajeyneynaa in dhinacyada ay quseyso xaaladda Zimbabwe in si sax ah ay u maareeyaan arrimaha gudaha.

Toos u dhageyso barnaamijka dunida iyo maanta

Halkan ka dhageyso barnaamijka dunida iyo maanta

View more on facebook

Maxay ciidamada uga fogaanayaan ereyga "afgembi"

Janaraal Moyo wuxuu sheegay in militariga ay baacsanayaan "dembiilayaasha" oo keli ah
AFP
Janaraal Moyo wuxuu sheegay in militariga ay baacsanayaan "dembiilayaasha" oo keli ah

Waxaan si cad u sheegeynaa in tan aysan ahayn militari la wareegay dowladda."

Wuxuu ahaa hadalkii uu sheegay Janaraal Sibusiso Moyo ee sida tooska ah looga baahiyay telefishinka qaranka ee ZBC.

Janaraal Moyo wuxuu doonayay in uu ku adkeysto in tallaabadan aysan ahayn afgembi.

Maxay arrintaa muhiim u tahay?

Midowga Afrika (AU) iyo urur goboleedka Koonfurta Afrika ee SADC, ma taageerayaan afgembiyada.

Waa sida ka dhacday Burkina Faso, 2015-kii, markii AU ay xannibtay hoggaamiyayaashii afgembigii Burkina Faso, kuwaas oo isku deyay in ay awooda xoog kula wareegaan, ka dib hal sano, markii xilka laga tuuray xukunkii caanka ahaa ee uu hor kacayay Blaise Compaore.

Haddana la yaab ma noqoneyso haddii ciidamada ay dhibaato ka haysato in ay xoog kula wareegaan maamulka rayidka ah.

Illaa iyo hadda, Madaxweynaha Koonfur Afrika oo matalaya ururka gobolka ee SADC ayaa soo saaray warbixin loo qoray si diblumaasiyadeysan taas oo si cad u shegeysa in dalalka gobolka aysan taageeri doonin awood si xoog ah lagu qabsaday.

Waxay taasi u muuqataa in la qeexayo waxa xiga ee ka dhici kara Zimbabwe.

Boris Johnson: Xaaladda Zimbabwe waa mid qasan

Boris Johnson
AFP

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in "muhiim ay tahay" in shacabka Zimbabwe aysan qalalaase sameyn.

Boris Johnson, oo maanta baarlamaanka uga jawaabi doono su'aalo arrinta la xiriira ayaa yiri:

Hadda, xaaladda weli way socotaa, lama sheegi karo sida ay wax noqon doonaan.

Waxaan u maleynayaa in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in qofkasta uu doonayo in uu arko Zimbabwe xasilloon oo horumareysa.

Waxay ila tahay in aan qof kaste ka dalbano in uusan sameyn qalalaase. Taasi waa arrin muhiim ah."

Siyaasigan ka tirsan xisbiga Muxaafidka, xilliyo hore wuxuu si aan sir ahayn u weeraray madaxtinimada Robert Mugabe.

Laba sano ka hor wuxuu weerar afka ah ku qaaday dabaaldegga sanadguurada Mugabe oo uu ku tilmaamay "wax laga lalaboodo", xilli dalka uu ka jiro faqri baahay.

"Militariga oo garaacay booliska"

Harare
AFP

Qof deggan magaalada Harare, Denissa Moyannahas, ayaa BBC-da u sheegtay in ay gaartay illaa bartamaha magaalada.

Gawaarida ciidanka ayaa meel kasta jooga, gawaarida ayey ku joojinayaan isgoysyada.

Booliska waxaa garaacaya militariga.

Telefishinka qaranka Zimbabwe wuxuu sii deynayaa heesaha xuriyadda."

Xaaladda caasimadda dalka Zimbabawe ee Harare ayaa lagu warramayaa in hadda ay deggan tahay.

Afarta qof ee loolanka awoodda uu u dhexeeyo

Zimbabwe
AFP/REUTERS/EPA

Loolanka awoodda ee ka dhex taagan xisbiga Zanu-PF ayaa u kala qeybsamay xarunta xisbiga iyo waddooyiinka dalka.

Balse wuxuu hadda ku soo koobmay afar qof oo si weyn u hardamaya.

Robert Mugabe, Grace Mugabe, Emmerson Mnangagwa iyo Janaraal Constantino Chiwenga ayaa u muuqdo in ay ku tartamayaan awoodda dalka Zimbabwe.

Dhibaatada ayaa timi isbuuc ka dib markii Mugabe uu shaqada ka tiray ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, isagoo doonayay in xaaskiisa Grace ay ku xigeen u noqoto.

Taliyaha ciidamada Janaraal Constantino Chiwenga wuxuu ku caga jugleeyay in militariga faragelin sameynayo haddii uu sii socdo khilaafka ka dhex jiray xisbiga talada haya ee Zanu-PF.

EU oo "xal nabadeed" dalbatay

Mugabe
AF

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in "xal nabadeed" lagu dhammeeyo qalalaasaha Zimbabwe, ka dib markii militariga ay la wareegeen awoodda.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay:

Xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Zimbabwe iyo howlgalka militariga ee la xiriira amniga dalka, waa arrin laga walaaco.

Dhinacyada ku lug leh oo dhan waxaan ugu baaqeynaa in ay khilaafka ku bedelaan wada hadal lagu gaaro xal nabadeed."

Mugabe "oo xabsi guri" la geliyay

Militariga dalka Zimbabwe ayaa xabsi guri geliyay madaxweynaha dalkaasi Robert Mugabe, sida uu sheegay madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.

Zuma wuxuu la hadlay dhiggiisa 93 sano jirka ah ee Zimbabwe, wuxuuna sheegay "in gurigiisa lagu xannibay" balse uu "caafimaad qabo".

Waxaa sidaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Ciidamada ayaa kormeeraya magaalada Harare ka dib markii ay la wareegeen xarunta telefishinka qaranka. Waxay tilmaameen in ay raadsanayaan "dembiilayaal".

Tallaabada waxay noqon kartaa mid lagu doonayo in lagu bedelo madaxweyne Mugabe oo la keeno ku xigeenkiisii uu shaqada ka ceyriyay ee Emmerson Mnangagwa, sida uu sheegay weriye ku sugan Harare.

Harare
AFP

Militariga oo "meel isugu geeyay" Booliska Harare

Booliska Harare
Fadzayi Mahere

Qareen ku sugan magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa soo Tweet gareeyay sawirkan oo muujinaya koox askar boolis ah oo saf la geliyay, waxaana dul taagan askar militari ah.

Fadzayi Mahere, oo rajeynayo in uu xildhibaan noqdo ayaa sheegay in sawirkan uu ka qaaday daaqadda gurigiisan, maanta.

Lama garanayo waxa ku dhacay askartan booliska ah, ama sababta la isugu keenay sidan.

Soomaali degan Zimbabwe: "dadka way u baahan yihiin isbedel"

Si aan wax badan uga ogaanno xaaladda ka taagan caasimadda Harare ee dalkaasi Zimbabwe, waxaan khadka telefoonka kula xiriiray Ismaaciil Maxamed Jaamac oo ah Soomaali deggan caasimadda dalka Zimbabwe.

Soomaali degan Zimbabwe oo xaaladda ka sheekeynaya

Waa kuma Robert Mugabe?

Mugabe
AFP

Taariikhda Mugabe oo kooban:

  • 1924: ayuu dhashay
  • Wuxuu qaatay tababar macallimnimo
  • 1964: Waxaa xabsiga dhigtay dowladdii Rhodesian
  • 1980: wuxuu ku guuleystay doorashadii xuriyadda ka dib
  • 1996: wuxuu guursaday Grace Marufu
  • 2000: wuxuu ku guul dareystay aftida awoodda madaxweynaha iyo dhulka ay leeyihiin caddaanka
  • 2008: wuxuu doorasho kula tartamay Tsvangirai oo wareeggii labaad isaga haray ka dib weerar kaga yimid taageerayaasha Mugabe
  • 2009: ka dib dhaqaale xumo, wuxuu ra'iisul wasaare ka dhigtay Tsvangirai
  • 2016: Lacagta Bond ayaa la amray in la isticmaalo ka dib markii lacagta caddaanka ah ay dhammaatay
  • 2017: wuxuu shaqada ka ceyriyay madaxweyne ku xigeenkii muddada xulafada la ahaa, Emmerson Mnangagwa

Grace Mugabe ma Namibia ayey ku sugan tahay?

Mugabe iyo Grace waxay is guursadeen 1996-dii
AFP
Mugabe iyo Grace waxay is guursadeen 1996-dii

Xildhibaan ka tirsan mucaaradka, Eddie Cross ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in Grace Mugabe ay u carartay dalka Namibia.

Siyaasigan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa sheegay in uu ogaaday in ciidamada ay xalay u ogolaadeen in ay ka baxdo dalka.

Wuxuu intaa ku daray in nolosheeda dibadda dalka ay tahay mid xaddidan ka dib markii lagu eedeeyay in ay gabar dharka xayeysiiso ugu xadgudubtay Johannesburg, bishii August.

sikastaba, arrintan si rasmiga u maysan xaqiijin ciidamada.

Qoraal si toos ah looga aqriyay TV-ga ayuu taliyaha ciidamada ku sheegay "in qaranka uu u xaqiijinayo in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay bad qabaan, amnigoodana la damaanad qaaday".

Waxaa la sheegayaa in dhammaan xubnaha qoyska koobaad ee dalka lagu hayo gurigooda Harare.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Zuma oo la hadlay Mugabe

Zuma
Reuters

Madaxweyne Robert Mugabe wuu "fiican yahay", ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Zuma wuxuu la hadlay dhiggiisa 93 sano jirka ah ee Zimbabwe, wuxuuna sheegay "in gurigiisa lagu xannibay" balse uu "caafimaad qabo".

Waxaa sidaa lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Sidoo kale wuxuu la xiriiray ciidamada xoogga dalka Zimbabwe, sida qoraalka lagu sheegay.

"Koonfur Afrika waxay qorsheyneysaa in wakiil ay u dirto Harare, si labada dhinac uu ula hadlo.

Mr Zuma wuxuu ku celiyay baaq hore oo ahaa "in xaaladda la dejiyo iyo in la is xakameeyo."

'Mnangagwa ayaa ka dambeeyo ficilka militariga'

Emmerson Mnangagwa (bidix) iyo marwada koobaad Grace Mugabe
Reuters
Emmerson Mnangagwa (bidix) iyo marwada koobaad Grace Mugabe

Eddie Cross, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee DC, ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay in tallaabada militariga uu masuul ka yahay madaxweyne ku xigeenkii la ceyriyay isbuucii tagay ee Emmerson Mnangagwa.

Wuxuu ahaa taliyaha howlgallada isku dhafka ah taas oo ah hannaan militari oo jiray tan iyo xilligii xuriyadda.

Isaga la'aantii, waxan oo kale ma dhici karaan. Waa nin ah howlgeliye iyo qaban qaabiye cajiib ah"

Waxaan u maleynayaa, mardhow in aan maqli doonno, madaxweyne Mugabe xilka wuu ka degay wuxuuna Emmerson Mnangagwa u magacaabay in uu bedelo."

Waa Tuma Grace Mugabe?

Grace Mugabe
AFP
Grace Mugabe

Xiisadda maanta ka taagan dalka Zimbabwe waxaa loogu yeeray "sifeynta" saraakiisha xisbiga talada haya ee Zanu-PF, sida militariga uu xusay.

Shaqa ka ceyrintii madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa waxay waddo u baneysay xaaska madaxweynaha Grace Mugabe si ay u noqoto madaxweyne ku xigeen.

Sidoo kale waxay noqotay qofka ay u badan tahay in uu bedelo madaxweynaha, marka uu xilka banneeyo.

Hadda waxaa la aaminsan yahay in ayada iyo seygeeda lagu hayo caasimadda dalka ee Harare.

Balse, waa tuma Garce Mugabe, Muxuuse khilaaf uga dhashay soo caanbexeeda? Halkan ka akhriso dhowr qodob.

  • Waxay xiriir la yeelatay Robert Mugabe, oo 41 sano ka wayn, xilli ay qoraa u ahayd madaxtooyada
  • Mr Mugabe ayaa markii dambe sheegay in xaaskiisii hore ee Sally, oo xilligaa xanuunsanayd, in ay ogayd xiriirka Garce, una fasaxday.
  • Grace oo Mugabe oo seygeeda labaad ah waxay is guursadeen 1996-dii.
  • Waxay isu dhaleen seddax caruur ah
  • Waxaa lagu naaneysaa "Gucci Grace", dadka dhalleeceeyana waxay ku eedeeyaan in ay dhaqaale badan isticmaasho
  • Ayada iyo seygeeda waxaa saaran cunna qabateynta Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ay ka mid tahay xayiraad dhanka socdaalka ah
  • Shahaado PhD ah oo muran uu ka dhashay ayaa la siiyay 2014-kii ka dib laba bilood
  • Markii loo magacaabay in ay madax u noqoto qeybta dumarka ee xisbiga Zanu-PF

Sida khilaafka Zimbabwe uu ku bilowday

Madaxweyne ku xigeenka shaqada laga ceyriyay
AFP
Madaxweyne ku xigeenka shaqada laga ceyriyay
  • Waxaa xaaladda kiciyay shaqa ka ceyrinta madaxweyne ku xigeenka Emmerson Mnangagwa
  • Wuxuu ahaa saaxiibka muddo fog ee madaxweyne Mugabe
  • Waxaa lagu eedeeyay in uu shirqoolayay madaxweynaha
  • Mnangagwa wuxuu sheegay in xibiga Zanu-PF lala wareegay
  • Eediisa waxay u muuqatay mid ku wajahan xaaska Mugabe, Mrs Grace
  • Ayada ayaa isu go'aamisay in ay tahay qofka bedeli karo saygeeda 93-sano jirka ah
  • Militariga oo Mugabe taageersanaa ayaa loo maleynayaa in ay ka caroodeen arrinta Grace
  • Awoodda dalka weli waxay gacanta ugu jirtaa hoggaamiyayaashii kacdoonkii cadaanka dalka looga saaray, sanadkii 1970-maadkii.
  • Militariga iyo ciidamada amniga waxaa u badan raggii kacdoonka
  • Waxay weli doonayaan in awoodda ay sii hayaa, taa aawadeed ayaana loo maleynayaa in maamulka ula wareegeen.

Maxaa ka careysiiyay kuwa ficilkan ka dambeeyay?

Taliyayaasha ciidamada
AFP
Taliyayaasha ciidamada

Maadaama Mugabe uu duqoobay, indhaha oo dhan waxay ku fooraraan cidda bedeli karto.

Waxay u muuqataa in tallaabada ciidamada ay ka dhalatay shaqa kaceyrinta madaxweyne ku xigeenkii dalka Mnangagwa, ee isbuucii tagay.

Wuxuu ahaa ninka sida weyn ula tartamaya xaaska madaxweynaha Grace, taas oo ku dhowaad afarta sano ka yar Mugabe.

Qaladka madaxweyne Mugabe wuxuu ahaa in uu weli u qaato inuu awood u leeyahay in uu dhiso hannaan uu ku taageeri karo in Grace ay bedesho, sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Harare.

Dadka u dagaallamay kocdoonkii 1970-maadkii ee ka dhanka ahaa caddaanka ayaa weli u badan dowladda Zimbabwe, gaar ahaan ciidamada amniga.

Hadaba waxaa la sheegayaa in ay ka walaacsan yihiin in ay lumiyaan awoodaas iyo dhaqaalaha ay hayaan.

Qoraalka militariga waxaa lagu xusay "nadiifin" taas oo si cad u eeganeysa xubnaha xisbiga ee taariikhda ku leh xoreynta.

Hadaba, tallaabada militariga waxay u muuqataa mid dib loogu qiimeynayo awoodooda.

Mr Mugabe wuxuu ahaa hoggaamiyihii dagaalkii kacdoonka, marka ciidamada daacad ayey u ahaayeen illaa ay arkeen in uu xaaskiisa la doonayo xilka.

Siduu militariga qiil ugu raadinayaa tallaabadan?

Militariga Zimbabwe waxay qabsadeen meelo muhiim ah, waxayna la wareegeen magaalada Harare ee caasimadda dalka.

Maj Gen Sibusiso Moyo ayaa si toos ah uga hadlay TV-ga wuxuuna sheegay in uu rajeynayo "in qaranka uu u xaqiijiyo in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay bad qabaan, amnigoodana la damaanad qaaday".

"Waxaan bartilmaameed ka dhiganeynaa dimbiilayaasha ku hareereysan madaxweynaha oo keliya kuwaa oo falalka dembiga ah geystay, ee sababaya dhibaatada dhaqaale iyo midda bulsho ee ka taagan dalka," ayuu yiri

"Markaan howlgalka dhameyno, waxaan fileynaa in xaaladda ay caadi ku soo noqoto."

Qodobada kale ee muhiimka ah ee hadalka militariga:

  • Shacabka in ay isdejiyaan ayna xadidaan dhaqdhaqaaqa aan loo baahneyn
  • Militariga wuxuu xaqiijiyay in waaxda cadaaladda ay madaxbannaan tahay
  • Laamaha amniga "waa in ay gacan ka geystaan wanaagga dalka", daandaansigana "waxaa looga hortagi doonaa jawaab u qalanta".
  • Dhammaan fasaxyada militariga waala joojiyay, askeri kastana waa in uu si degdeg ah ugu noqdo xerada uu ka tirsanaa

Macadda cidda hoggaamineysa tallaabada militariga. Taliyaha ciidamada Constantino Chiwenga wuxuu sheegay in ciidamada ay diyaar u ahaayeen nadiifinta "dembiyada ka dhex taagan xisbiga talada haya ee Zanu-PF".

Taangi
Reuters

Qalalaasaha Zimbabwe: Maxaan ka kala soconaa illaa iyo hadda

Mugabe iyo xaaskiisa
AFP
Mugabe waxaa lagu eedeeyay in uu doonayay in xaaskiisa uu ku wareejiyo xilka taas oo ka careysiisay xubno ka mid ah xisbiga iyo militariga.

Ciidamo ayaa qabsaday xarunta warbaahinta qaranka Zimbabwe. qaraxyo iyo rasaasna ayaa sidoo kale laga maqlayay magaalada xalay oo dhan, taas oo sare u sii kicisay xiisadda ka taagan Harare.

Taliyaha ciidamada ayaa ka soo muuqday TV-ga, kaas oo ku adkeysanaya in afgembi uusan dhicin, madaxweynaha iyo qoyskiisana "ay bad qabaan".

Balse, xisbiga talada haya ayaa Twitter-ka ku qoray in qoyska koobaad ee dalka la xiray.

Waxaa jiro warar sheegaya in gawaarida gaashaaman ee militariga iyo taangiyo ay xireen jidadka aado xarunta baarlamaanka iyo xafiiska xisbiga talada haya ee Zanu-PF.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa sidoo kale laga maqlay xaafadda uu deggan yahay madaxweynaha 93-sano jirka ah iyo meel ku dhow gurigiisa gaarka ah.

Warbaahinta Koonfur Afrika: Mugabe "wuxuu doonayaa in uu iscaslio"

Sida ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Koonfur Afrika, Madaxweyne Robert Mugabe wuxuu isu diyaarinayaa in uu xilka ka dego, saacado ka dib markii "militariga ay la wareegeen awoodda".

"Mugabe wuxuu doonayaa in uu iscasilo", ayuu wargeyska News24 ku qoray boggiisa asigoo soo xiganaya sarkaal sare. Balse faafaahin dheeraad ah kama bixin.

Xiisad siyaasadeed ayaa sare u sii keceysay tan iyo markii madaxweyne Mugabe uu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, kaas oo muddo saaxiib dhow la ahaa Mugabe.

Mugabe iyo xaaskiisa
Reuters

Gawaari gaashaaman oo ku sugan jidadka Harare

Militariga ayaa dhex wareegaya jidadka caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare.

Sawirro saaka laga qaaday Harare ayaa muujinaya gawaari waawayn oo gaashaaman iyo ciidamo si toos ah u joojinaya gawaarida.

Taangi
Reuters
Ciidamo iyo taangi
Reuters

Waa astaamihii afgembiga

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe Shimgai Nyoka ayaa ku soo warameysa in xaalada dalka Zimbabwe ka taagan ay leeahay dhammaan astaamihii afgembiga.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Harare gaar ahaan aaga ay ku noolyihiin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dolwadda iyo agagaarka guriga gaarka ah ee madxweyne Mugabe.

Milatariga ayaa sheegay in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay badaqabaan, ammaankoodana la damaanad qaaday.

Waxay beeniyeen inay la wareegeen awoodda dalka, balse waxay sheegeen inay bartilmaameedsadeen dad ku hareereeysan madaxweyne Mugabe.

Reuters
Reuters

Milatariga ayaa la wareegay telefishinka qaranka

Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC.

Taliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga oo ka hadlay telefishinka qaranka ayaa ka digay in milatarigu uu talada la wareegi doono

Taliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga
AFP
Taliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga

Subax Wanaagsan!

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee wararkii ugu dambeeyay ee Zimbabwe halkaasoo oo Milatariga uu la wareegay telefeshinka qaranka