Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay
  2. Burundi oo ka carootay dameero uu Faransiisku ugu deeqay
  3. Haween isku qarxiyay Nigeria
  4. Ninkii badbaadiyay ilmo dabaqa afraad ka laadlaada oo dhalasho la siiyay
  5. Afduubyo sababay in ay dad ka qaxaan magaalada Libooy

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Afduubyo sababay in ay dad ka qaxaan magaalada Libooy

    Boqolaal qof oo ah dadka deegaanka magaalada ku taalla xudduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Libooy ayaa guriyahooda isaga qaxay ka dib markii dhowr jeer oo is xig-xigta la waayay qaar ka mid ah dadka deegaanka.

    Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Dadab Maxamed Daahiye Ducaale oo ay magaalada Libooy ka tirsan tahay deegaankiisa ayaa sheegay in saddex qof la afduubtay bishan aanu ku guda jirno.

    Waxa uu intaa ku daray in ay tuhunsan yihiin in ciidamada ammaanka ay ka dambeeyaan dadka la afduubtay ee la la’yahay.

    Dr Daahiye ayaa xusay in dadka la afduubay uu ka mid yahay nin Imaam ka ahaa Misaajidka ugu wayn magaaladaasi Libooy.

    Afduubka ka dib ayuu sheegay in dadka magaalada Libooy ay arrintan ka argagaxeen islamarkana ay qaarkood magalada isaga carareen oo ay aadeen magaalada Dhoobley ee ku taalla Soomaaliya.

    Xildhibaan Daahiye oo waraysi gaar ah siinayay BBC ayaa sheegay in arrintan ay dowladda kala hadleen balse ay saraakiisha u sheegeen in aysan ka war hayn.

    Dr Daahiye Ducaale xildhibaanka Dadab
    Image caption: Dr Daahiye Ducaale xildhibaanka Dadab
  2. Afartan ka tirsan shaqaalaha dowladda Kenya oo dacwad lagu soo oogay

    Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in dacwad lagu soo oogay 40 ka tirsan shaqaalaha dowlada iyo 14 ah saraakiisha waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay , kuwaasi oo lala xiriirinayo fadeexad musuqmaasuq oo lagu lunsaday lacag dhan $79m.

    Nuurdiin Maxamed Xaji ayaa wariyayaasha u sheegay in dacwadahani ay yihiin qaybtii ugu horreysay baaritaanka, taas oo imika la eegi doono bangiga la sheegay in fadeexadan uu door ka ciyaaray.

    Fadeexadan ayaa la xiriirta waaxda adeega dhalinyarada oo ay howsheeda ahayd in ay dhalinyarada u tababarto shaqooyiinka sida dhismaha.

  3. Nin u ololeeya arrimaha siyaasdda oo Masar lagu xiray

    Dacwad ooge reer Masar ah ayaa amray in 15 maalmood xabsiga lagu hayo nin u ololeeya arrimaha siyaasada si baaritaan loogu sameeyo.

    Hazem Abdel-Azim ayaa lagu eedeeyay "in uu baahiyay warar been abuur ah" taasi oo uu ku faafiyay cinwaanada uu ku leeyayahay baraha bulshada ,waxaa sidaasi qoray wesitka al-Fajr oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.

    Abdel-Azim ayaa lagu eedeeyay "in si ulakac ah uu u faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka Masar.

    Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu arrintan uga gol lahaa in uu wax uga dhimo nabadgalyada uuna ku biiray koox sharci daro ah oo doonaysa in ay carqaladayso dastuurka dalkaasi.

    Hazem Abdel-Azim ayaa ahaa madaxa dhalinyarada ee ololihii madaxwaynanimada ee madaxwayne Cabdel Fattax al-Sisi 2014.

    Balse muddooyiinkii ugu dambeeyay waxa uu baraha bulshada si kulul ugu cambaareynayay dowladda.

  4. Laba haween ah oo isku qarxiyay dalka Nigeria

    Haween isku soo xiray bambaano islamarkana looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Boko Haram, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

    Weerarka ayaa ka dhacay waqooyiga bari ee dalkaasi Nigeria.

    Toddobo qof oo kale ayaa weerarkan ku dhaawacantay, sida uu sheegay Mr Danbatta.

    Weerarka ayaa ku soo beegmaya ka dib markii nin isa soo miidaamiyay uu ku dilay 6 ka tirsanaa maleeshiyaad ku sugnaa goob bar-koontarool ah.

    Kooxda Boko Haran ayaa inta badan qaraxyadooda u adeegsada haween iyo gabdho yaryar , waxa ayna inta badan la bartilmaameedsadaan Misaajidada ,suuqyada, Iskuulada iyo goobaha kale ee ay dadka isugu yimaadaan.

    Quote Message: "Mid ka mid ah ayaa isku qarxisay meel u dhaw masaajid xilli ay ay dadka isu diyaarinayeen salaad, daqiiqado ka dib ayaa isku qarxisay gudaha guri halkaasi ku yaallay ," waxaa sidaasi AFP u sheegay Bello Danbatta, oo ah madaxa ciidamada ammaanka ee Borno.
  5. ''Waxaan qaataa 57 xanuun baab'iye maalinkii si aan u mirqaamo''

    Bishii December ee 2017 haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu magacaabo Laura Plummer ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay 300 oo ah kiniinka xanuun baab'iyaha nooca loo yaqaano Tramadol oo ay keentay dalka Masar.

    Iyada oo xukunka lagu riday ay argagax ka muujiyeen dad badan oo ku sugan UK ayaa hadana waxa ay arrintan bidhaamisay dhibaatada dadka la qabatimay kiniiniga xanuun baab'iyaha kuwaasi oo dhan malaayiin qof oo ku nool dalka Masar.

    "Markii aan jiray 15 sano, waxa an ciyaari jirnay ciyaarta PlayStation ,qof ayaa i aflagaadeeyay anaga oo ciyaarayna ka dibna inta aan bir qaatay ayaan madaxa uga dhuftay.

    Cabdul Xamiid, waxaa uu imika jiraa 24 sano, waxa uu xusuustaa markii uu xaqiiqsaday in la qabsiga uu la qabatimay daroogada ay faraha ka baxday. Lifaaqan kaga bogo warbixintan oo dhameystiran

    Kiniiniga Tramadol
    Image caption: Kiniiniga Tramadol
  6. Burundi oo ka carootay dameero uu Faransiisku ugu deeqay

    Wasiirka beeraha ee Burundi ayaa amray in la karantiilo toban dameer oo laga gaday deeq uu bixiyay Faransiiska. Dareemarahan ayaa laga soo dhoofiyay Tanzania waxayna qayb ka ahaayeen qorshe la doonayay in carruurta iyo dumarka lagaga caawiyo dalaga beeraha ee ay qaadaan marka ay suuqgaynayaan, biyaha iyo xaabadana ay ku qaataan. Masuuliyiin reer Burundi ah ayaa sheegay in Faransiisku uu meel uga dhacay qaranka marka uu ku deeqay dameerahan oo magacooda Faransiiska marka la turjumo u dhigma doqonnimo. Dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya in inarrintan ay jawaab u tahay dhaliishii uu Faransiisku dhawaan soo jeediyay ee ku aadanayd aftidii dhawaan u ogolaatay in madaxweyne Nkurunziza uu xilka sii hayo. Lakiin wasiirka beeruha Déo Guide Rurema ayaa sheegay in aan la marin habkii saxda ahaa.

    Dameer
  7. Ninkii badbaadiyay ilmo dabaqa afraad ka laadlaada oo dhalasho la siiyay

    Soogalooti reer Mali ah ayaa halyay lagu tilmaamay dhalashada Faransiiskana la siiyay ka dib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaada dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku qaabilay Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace wuxuuna u hibeeyay shahaado iyo dhalashada dalka.

    Muuqaal laga duubay sida cajiibka ah ee Mamoudou Gassama uu u badbaadiyay ilmaha ayaa baraha bulshada qabsaday oo dadku aad isula wadaageen.

    Wax ka yar hal daqiiqo ayuu balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah.

    Lifaaqan kaga bogo warbixintan oo dhamaystiran

    Faransiis
  8. Barasaaab isagoon xilka ka tagin isaga huleelay magaaladii laga soo doortay

    Barasaabka magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa la sheegay inuu ka cararay magaaladii uu ka arriminayay ee Nairobi taaso dadweynaha ay siyaasaba kala duwan uga hadleen.

    Barasaabka Nairobi ayaa sheegay in ammaankiisa uu u baqay sidaas darteedna ay arrintaasi walaac ku reebtay badqabkiisa.

    Dowladda Kenya ayaa kala noqotay qaar kamid ah ilaaladii warddinaysay barasaabka Nairobi.

    Balse Mike Sonko ayaa beeniyay in howlahiisa shaqo ee maamulka Nairobi uu kasoo agaasimayo gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Mua Hills ee magaalada Machakos.

    Sonko
  9. Suudaanta Koonfureed oo xayiraaddo horleh laga saaray masuuliyiin

    Dawladda Maraykanka ayaa baahisay liis cusub oo ay ku qoran yihiin lix masuul oo Suudaanta Koonfureed u dhashay kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lugleeyihiin colaadda sokeeye ee dalkaas.

    Lixdan waxaa ka mid ah wasiirka difaaca, wasiirka warfaafinta, madaxii hore ee ciidammada iyo badhasaab kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hor istaageen dadaalladii nabadda, ayna carqaladeeyeen qaybinta mucaawinada, sida uu Maraykanku sheegay.

    Qoraal qabyo ah oo la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay ujeedadiisu tahay in la sii ballaariyo cunaqabataynadii saarnaa Suudaanta Koonfureed muddo sannad ah.

    Waxaa la filayaa in gollaga ammaanku uu u codeeyo Khamiista.

    Mawien Makol oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in cunaqabatayn aysan xal ahayn.

    Kumanaan ruux ayaa lagu dilay malaayiin kalana waa lagu baro kiciyay colaadd Suuriya
    Image caption: Kumanaan ruux ayaa lagu dilay malaayiin kalana waa lagu baro kiciyay colaadd Suuriya
  10. Dadaal lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug

    Waxa socda dedaalo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo madaxda maamul goboleedka Galmudug oo beryahan khilaaf siyaasadeed oo awood qaybsiga iyo arimaha dastuurka ku qotomaa dhex yaallay. Dhinaca madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa waxay sheegayaan in khilaafka ay abuurtay dawladda federaalka.

    Lifaaqan kaga bogo warbixintaas iyo kuwo kale oo badan

    Sawir hore
    Image caption: Sawir hore
  11. Rwanda oo difaacday heshiiska ay la gashay Arsenal

    Dawladda Rwanda ayaa difaacday heshiiska ay kooxda Arsenal ku siinayso malaayiinta doolaar si ay xayaysiin ugu samayso.

    Difaacitaankan ayaa yimid ka dib markii ay dawladdu la kulantay dhaleecayn baaxad leh.

    Booqo Rwanda ayaa ah waaxda rasmiga ah ee dalkaas u qaabilsan dalxiiska.

    Funaanadaha Arsenal ayaana lagu qori doonaa booqo Rwanda iyadoo uu dalkaasi rajaynayo in ay dalxiiseyaal badan yimaadaan.

    Arrintan ayay dad badan la yaabeen maadaa oo dalka Rwanda uu aad ugu tiirsan yahay gargaar.

    Wargayska Daily Mail ayaa ku warramay in ay ku kacayso 40 milyan oo doolar oo ah kala bar dhaqaalaha ay UK siiso dalkaas.

    Arsenal
  12. Israa'iil: "Dad argagixiso taageersan Koobka Adduunka ma daawan doonaan"

    Wasiirka amniga ee Israa'iil ayaa sheegay in maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin garabka hubaysan ee Xamaas laga mamnuuci doono in ay daawadaan ciyaaraha Koobka Kubadda cagta ee adduunka. Gilan Erdan ayaa sheegay in uusan haynin isxaan ay tartan caalami ah ku daawadaan dad raba argagixisanimo iyo dilka dadka".

    askarta Israa'iil
  13. Maxamed Salaax oo sheegay inuu ka qayb gali doono Koobka Adduunka

    Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Maxamed Salaax, ayaa xaqiijiyey in uu xulka dalkiisa Masar kala qayb geli doono tartanka Koobka Adduunka ee sannLifaaqan kaga warbixintan oo dhamaystiranadkan ka dhici doona dalka Ruushka.

    Maxamed Salaax ayaa markii dhakhaatiirku u sheegeen natiijada baadhitaankii dhaawacii garabka ka gaadhay laga dawaynayey ka dib, waxa uu qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ku sheegay in uu u safan doono xulka Qarankiisa.

    Qoraalka uu halkaa ku baahiyeyna waxa uu u qornaa sidatan:

    Quote Message: "Habeen adag buu ahaa… laakiin waxaan ahayn dagaalyahan. Wax kasta oo dhaca se waxaan ku kalsoonahay in aan Ruushka tagi doono si aan dhammaantiin hankiina u dhiso. Kalgacalkiina iyo taageeradiina ayaa awoodda aan u baahanahay i siinaya". from Maxamed Salaax
    Maxamed Salaax
    Salaax
  14. Ninkii la filayey inuu noqdo ra'isal wasaaraha Talyaaniga oo tanaasulay

    Ninkii la filayey in uu noqdo ra'isal wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa ka tanaasulay xilkaas ka dib markii madaxweynaha dalkaasi diidmada qayaxan ku hor joogsaday ninkii uu doonayey in uu ka dhigo wasiirka dhaqaalaha.

    Madaxweyne Sergio Matarella ayaa sheegay in uu aqbalay dhamaan soo jeedintiisa laakiin aanu ogolayn in uu aqbalo Paolo Savona oo ah nin midnimada Yurub aad uga webiya.

    Giuseppe Conte

    Tallaabadan Matarella waxay ka cadhaysiisay xisbiyada doorashadii ku guulaystay ee doonayey in ay dawlad wadaaga soo dhisaan. Luigi Di Maio, oo ah hogaamiyaha xisbiga Five Star ayaa ku baaqay in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo.

    Warkan oo intaas ka sii faahfaahsan kaga bogo lifaaqan

  15. Saraakiil Maraykan ah oo Kuuriyada Woqooyi u jooga dardar gelinta kulankii Trump iyo Kim

    Saraakiil Maraykana ayaa u jooga Kuuriyada Woqooyi sidii uu u suurtoobi lahaa shir madaxeed ay yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un.

    Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan.

    Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Kuuriyada Koonfureed, Sung Kim, oo hogaaminaya weftiga Maraykanka ah yaa la shiraya Choe son Hui, oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi.

    Waxaana loo malaynayaa in shirkaas ay diirradda ku saarayaan arimaha suurto gelin kara in baab'inta nukliyeerka lagu lafo guro shir madaxeedkaas oo markii hore la qorsheeyey in uu ka dhaco Singapore bisha June.

    Lifaaqan kaga bogo warkan oo intaas ka faahfaahsan

    Kim iyo Trump
  16. Nin badbaadiyay ilmo dabaqa afraad ka laadlaada oo loo ashqaraaray

    Soogalooti reer Mali ah ayaa halyay lagu tilmaamay ka dib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaada dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.

    Muuqaal laga duubay sida cajiibka ah ee Mamoudou Gassama uu u badbaadiyay ilmaha ayaa baraha bulshada qabsaday oo dadku aad isula wadaageen.

    Wax ka yar hal daqiiqo ayuu balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku martiqaaday Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace Isniinta, si uu ugu mahadceliyo.

    lifaaqan dhag sii si aad uga bogato muhaajirkan maanta ka casuuman madaxtooyada Faransiiska

    Nin halyay ah oo ilmo yar badbaadiyay
  17. "Anaa wali ah Gudmooyaha sharciga ah ee Maxkamadda Sare"

    Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahin Iidle Saleebaan, oo madaxweyne Farmaajo shalay xilka ka qaaday, ayaa ku tilmaamay talaabadaas mid aan sharciga waafaqsanayn.

    Isla markaana waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu isagu weli yahay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, uuna saaka shaqo tagayo.

    Waxaanu sidoo kale hadallo siyaasadeed ku tilmaamay arrimaha uu madaxweynuhu sheegay inuu tix geliyey oo ah cabashada shacabka iyo garsoorka ee ah in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.

    Halkan ka dhagayso waraysi ay BBC-du la yeelatay Ibraahim.

    Maxkamad
  18. Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka

    Subax wanaagsan dhammaantiin, kuna soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee caalamka, Fadlan cusboonaysiiso markaste si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee BBCSomali.com